Hanti-Dhawraha
Guud Oo Ka Warbixiyey Halka Ay U Marayso B aadhistii Ay Ka Wadeen
Wasaaradda Khaarajiga, Kana Ha dlay Sababta Xayiraada Loo Saaray
Agaasimihii Khaarajiga Ee Is-Casilay

“Shacbiga Somaliland ee cashuur bixiyayaasha ah waxaanu ugu
balanqaadaynaa inaanu u soo band higno sida ay wax uga dhaceen
Wasaarada Arrimaha Dibadda”
Hargeysa, (TNN) – Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Maxamuud Aw Cabdi
Ibraahim (Maxamuud-dhee re) ayaa ka warbixiyey halka ay u marayso
baadhis ay ka wadeen mudo Wasaaradd a Khaarajiga Som aliland oo
Masuuliyiinteedu isku eedeeyeen Musuq-maasuq.
Maxamuud Dheere ayaa waxa uu sheegay inay baadhistaasi u marayso
meel fiican, isla markaana si da ay wax u jiraan ay shacbiga sida
ugu dhakhsaha badan ugu soo bandhigi doonaan, kaas oo tilmaa may
inay arintaas u baadhayaan si Madaxbanaan.
Hantidhawraha Guud Maxamuud Aw Cabdi ayaa waxa kale oo uu ka hadlay
sababta socdaalka looga xayiray Agaasimihii
hore ee Arrimaha Dibadda Mr. Raage ee isagu Wasiirka
Wasaaradaas ku eedeey ey Musuqmaasuq, kaas oo tibaaxay inay ka
maarmi wayday inuu Agaasimihaasi goob joog u ahaado baadhista
Hantidhawrka, isla markaana aanu sharcigu ogolayn in masuulka la
baadhayo ee aan xil qar anka u haynin aanu dibada u bixi Karin
mudada baadhistu socoto.
Maxamuud Dheere, waxa uu sidaas ku sheegay mar shalay qaar
warbaahinta ka mid ahi la xidhiidhee n, isla markaana uu ugu
waramayey xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay
waajiba adkooda shaqo iyo awoodooda baadhiseen. Ugu horayna isaga oo
ka hadlaya shaqada ay qaranka u hayaan, waxa uu yidhi “Xafiiska
Hantidhawrku waxa uu qaranka u qaabilsan yahay ilaalinta hantida
qaranka, inta badana hawlo xasaasi ah ayaanu ka shaqaynaa waxaana
inta badan dhacda in warar kala duwan laga soo saaro hawlaha aanu
faraha kula jirno, oo waxaad arkaysaa oo dadka qaar yidh aahdaan
Hanti-dhawrka waa la soo diray, hantidhawrka cidbaa ka danbaysa.
Dhamaan dadka fikirka as qabaa oo dhami way khaldan yihiin, sida
distuurka ku cadna Hantidhawrka qaranku waa hay’ad u Madaxbanaan
hawlaheeda, mana jirto cid na soo faro galisa oo shaqadayada farta
noogu fiiqi kart aa”.
Maxamuud Dheere isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Hadii
aan waxyar ka yidhaahdo shee kada maalmahan ku jirtay Suuqyada ee la
xidhiidha Wasaarada Arrimaha Dibadda waxaanan filayaa oo suuqa ku
jirta Hantidhawrbaa loo yeedhay oo la galiyey meeshii, sida runta ah
Hantidhawrka war waa la siin karaa laakiin baadhistu waxa ay
bilaabantay mudo bil ka hor ah markii wararkani soo baxeen. Waxa
kale oo jirta oo shaqadayada ka mid ah in Hantidhawrku uu sanad
walba Miisaaniyada Qaranka u gudbiyo Golaha Wakiilada
Baadhisahayaganu waa kuwaas oo waxaanu samaynaa wax la yidhaahdo
baadhista hore oo ah intaanu kharashku bixin dakhliguna bixin inaanu
Kantarool u sii dhigno ka hortag oo kale ah, baadhista labaadna waxa
weeyi oo Wasaarad walba noo soo maraysaa markaanu Xisaabxidhka
Miisaaniyada diyaarinayno, Xisaabiyaha guud ayaa noo gudbiyo oo
anagaa markaa dib u baadhna Markaa Wasaarad kasta oo Miisaaniyada
lacageed ee gayshay way na soo maraysaa. Waxaanu ku jirnaa markaa
anigu ku jirnaa u diyaargarawgii Miisaaniyada, waxaynu maray naa
February waana inaanu Miisaaniyada June 2011 gaynaa golaha wakiilada,
markaa baadhisihii wajiga labaad ee Miisaaniyada 2011-ka ayaanu ku
jirnay, isla markaana Wasaarada Arrimaha Dibaduna waxay ka mid tahay
Wasaaradaha aanu baadhista bil ka hor ka bilawnay, manay ahayn
baadhistani mid cid nagu kaliftay ee waxay ahayd baadhis si caadi ah
(Normal) u timid, natiijada baadhista Wasaaradaas ka soo baxdana
Insha Allaah dadwaynaha waanu u gudbin doonaa oo anaga sharcigayaga
ayaa tilmaamaya hadii aanu Musuqmaasuq qabano inaanu dadwaynaha la
socodsiino. Kolay baadhiskastana waxa lagala kulmaa laba mid uun in
lacagtii oo sifo sharci ah ku baxday loogu tago iyo in loogu tago
lacagtii oo sifo sharciga aan waafaqsanayn ku baxday loogu tago,
markaa Shacbiga Somaliland ee cashuur bixiyayaasha ah waxaanu u
balanqaadaynaa inaanu u soo bandhigno sida ay wax uga dhaceen
Wasaarada Arrimaha Dibadda, markaa talaabada sharciga waafaqsana
waanu ka qaadi doonaa hadii Alle yidhaahdo”.
Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-dheere)
isaga oo had alkiisa sii watana, isla markaana ka hadlaya shaqsiyaad
eedeeyey hay’adooda, waxa uu yidhi “Qofka ka hadlay meel la baadhayo
ee aan ka warqabin waxa laga yaabaa inuu yahay qof si uun baadhista
ugu lug yeeshay ama ay u soo galay raadkeeda, adigu dad ayaan
magacawday laakiin anigu cidna magacaabi maayo, baadhista socotana
nin og halka ay socoto ayuun baa ka hadli kara cid kale kama hadli
karto, Nin tiisii ka soo bixi waayey ilama aha inuu mid kale wax
tari karo”.
Hantidhawruhu mar uu ka jawaabayey sababta ay Agaasimihii hore ee
Khaarajiga xukuumadu socda alka ugu xayirtay,
waxa uu yidhi “Xayiraada socdaalka agaasimihii hore ee khaarajiga ee
aad sheegt ay waxaan ka odhan lahaa kolay
hadii aynu xisaabtamayno waxa wanaagsan inaad ila joogto inta
b aadhistu socoto markaa intaas ayuun baan ogahay anigu, markaa
qofka la baadhayaa ma aha inuu dalka ka baxo ee waa inuu xisaabtiisa
iyo waxa uu sheegay ilaashadaa, markaa hadii la yidhi joogna waa
dantiisa oo wax dhibaato ah oo ku jirtaa ma jirto”.
Source:Haatuf
|