Hantidhawraha Guud oo ka hadlay baadhitaano Musuq maa suq oo uu mudo waday, sheegayna in Wasaarada W arfa afinta uu ka dhacay boob Hanti Umadeed oo baaxad leh
 

 


Hargeysa (TNN) - Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-dheere) ayaa shaaca ka qaaday in Agaasimihii Maamulka lacagta ee Telefishanka Qaranka Somaliland Xasan Maxamuud uu dawladda ku soo dalacday lacag dhan 700 Malyan oo Somaliland Shilings ah oo uu ku sheegay dayn lagu lahaa Wasaaradda Warfaafinta mudadii uu joogay.

Maxamuud Dheere ayaa waxa uu sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in baadhiska Kiis kaas oo la sheega inay soo gashay Shirkadda MSG ee ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi, ka as oo xusay inaanay jirin meel ay iska soo galeen shirkadaas iyo baadhistoodu, kuna tilmaam ay warkaas oo warbaahintu hore u baahisay mid xaqiiqada ka fog.

Hanti-dhawraha Guud ee xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Mr Maxamuud Cabdi Ibraahim a yaa waxa uu shaaciyey in Wasaaradda Warfaafinta uu ka dhacay Masuqmaasuq Xajmigiisu wayn yahay, isla markaana ku koobnaa Agaasimihii Maamulka Lacagta ee Tv-ga Qaranka Xas an Maxamuud oo uu tibaaxay inuu isku hayey xilal badan, ayna heleen cadaymo badan oo muu jinaya inuu si gaar ah ugu tagri falay hantidii qaranka ee uu masuulka ka ahaa.

Maxamuud Dheere ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Xafiiskiisa ugu waramay Wargeysyada Haatuf iyo Jamhuuriya, kaas oo tafaasiil ka bixiyey halka uu Kiiska agaasimuhu marayo wakhtigan, xusayna inay Gal-dacwadeed u gudbiyeen Xeer ilaalinta Qaranka, dhawa an natiijada kama danbaysta ah laga soo saari doono baadhista Warfaafinta ee ku kali noqo tey Agaasimihii hore ee maamulka Tv-ga Qaranka Xasan oo hore Hantidhawrku xabsiga ugu taxaabeen, isla markaana imika damiin ku jooga Hargeysa.

Dhinaca kale Hantidhawraha Qaran ka ayaa waxa kale oo uu ka xog-waramay baadhistoodii ugu horaysay ee Dawladdaha hoose ee Hargeysa iyo Boorama, kaas oo sheegay inay iyagu waajibkoodii guteen, balse arintii ay iyaga ka wareegtay imika oo ay Cadaalada sugayaan ma suuliyiintii ay hore masuq maasuqa ugu soo oogeen. Ugu horayna isaga Hantidhawruhu ka ha dlaya Shirkadda MSG oo ay warbaahinta qaar ka mid ah sheegeen inuu soo galay kiiska Agaas imiha musuqmaasuqa lagu haysto ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Ujeedada Shirkan jar aa’id aanu wakhtigan u qabanay waxa weeyi sida aynu wada ognahayba inta badan baadhisa ha aanu samayno waa laga been sheegaa oo waxa laga sheekaa wax ka hor imanaya wixii aa nu helnay ee jiray ee xaqiiqda ah oo laga dayeyo faa’ido ama dano kaleba laga leeyahay.

Markaa waxaanu jeclaanay inaanu sida xaqiiqda ah ka sheegno wararkaas, sida bulshadda og ayd waxaanu baadhis ka wadnay Wasaaradda Warfaafinta, taas oo noqotay baadhis balaadh an oo duruufteeda iyo dhibaatadeeda leh, isla markaan mudo dheer qaadatay, markaas waxa anu bilawnay inaanu u kala horaysiino baadhistaas dacwadeedu, dadkii markaas ku lug lahaa dacwadaasi waxay isku dayeen oo ay ku dagaalameen inay khalkhal galiyaan, kuwaas oo shee gay inay arinta ku jirto Shirkadd wadani ah oo gaar loo leeyahay oo dawladda ka madaxbana an, shirkadaas oo ah Shirkadda MSG oo la leeyahay Hantidhawrka ayaa Xatooyo ku eedeey ey, markaa warkaas oo ay Warbaahinteeda qaar ka mid ahi qoreen ayaanu beeninaynaa oo aanu leenahay waa mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxaanan leeyahay maanaan eedaynin shirkadda MSG oo arintaas waxa ka danbeeya dad dan gaar ah ka leh oo maba ceebayn karno oo waa shirkad gaar ah oo Shirkaddaas Xisaabeed keeda maanaan baadhin, anaguna waxaanu nahay Hantidhawrayaal dawladeed ayaanu nah ay. Markaa waxaan leeyahay haba yaraatee wax eed ah oo aanu ku eedaynaynay Shirkadda MSG oo Gal-dacwadeedkayagii aanu u gudbinay Xeer Ilaalintu ku jiraa ma jirto oo ama wax Shi rkadaas ku saabsani, dadka warkan suuqa galinayaana waa war xumo tashiil doonaya inay ku khalkhal galinayaan dacwadda oo nin daad qaaday xumbo cuskay ayaa la yidhi markaa warkaas waanu beeninaynaa”.

Hantidhawruhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Inta badan Warbaahinteena waxaad ku arkaysaa Hantidhawrkii waxa uu galay meel heblooyo oo imika arintii ugu danbaysay waxay ahayd oo ay Website-keena qaar qoreen Hantidhawrkii Qaranku waxa uu galay Wasaaradda Caafimaadka gaar ahaan Xafiiska Isu-duwaha gobolka Maroodi Jeex arintaasna waxba kama jiraan oo waa dad aan xogogaal ahayn oo masuuliyad wayni aanay jirin. Mida kale dadka waxaas sheegayaa ee wararkaas beenta ah suuqa galinayaa waxay meel kaga dhacayaan Nidaamkii caalamiga ahaa ee uu Hantidhawrku wax u baadhi jiray oo waxaanu samaynaa inta aanaan Hay’addaha baadhin wax la yidhaahdo Qorshaha Baadhista oo ah sida wax loo baadhayo iyo inta meelood ee la galayo iyo cida la qabanayo, markaas ka dib ayaanu qoraal ayaanu u gudbinaa dadka la baadhayo ee nala shaqaynaya aanu ku ogaysiinayno hawsha aanu baadhayno, waxaadse moodaa in baadhistii Hantidhawrku ay noqotay imika oo dadkii lagu cabsiinayo meel heblooyo ayaa la baadhayaa iyada oo arintaasna laga been sheegayo, markaa arintaasi anshaxa ayey ka baxsantahaye Warbaahintu ha ka waantowdo.

Anagu Odhad ahaan cidna kuma nidhaahno meel heblaayo ayaanu galaynaa iyo hebel baanu baadhaynaa ama hebelbaanu soo xidhaynaa ama hebelbaa lacag cunay midna ma nidhaahno, mida kale anagu waxbaanu eedaynaa markaanu eedaynana Ducumentry ayaanu ku eedaynaa oo markaanu helno Cidii saxeexday Jeegaga oo inta ugu badan ah arimaha aanu baadhno, isla markaana waxyaabaha ilaa iyo hada dheereeyey baadhista Warfaafinta waxa ka mid ah Jeegagii ka baxay 2010 ilaa iyo imika wixii ka baxay oo dhan ayaanu nidhi Jeeg walba ninkii dhabarka ka saxeexay ayaanu soo bandhignay oo aanu helnay, markaa mar labaad waxaanu leenahay Warbaahinteenu ha ka waantawdo Wararka ay ku khalkhal galinayso bulshadda”.

Hantidhawraha guud ee Qaranka Maxamuud Dheer mar la waydiiyey halka ay Shirkadda Ganacsadaha reer Somaliland ee Maxamed Aw Siciid ee MSG ka soo gashay baadhista Hantidhawrku uu ka wado Wasaaradad Warfaafinta, waxa uu yidhi “Warku waa sidiisaba waxa uu ahaa Baadhis la sameeyey oo saddex qof oo dacwada hada taagan ku eedaysan oo dilaaliinta baanka ee wax kala sarifta u badan oo waxa laga yaabaa in rag MSG iyaga oo la joog jooga la arkay amaba macmiil u ahaa haday kiiskan soo galaan markaas ayey haday doonto warbaahintii Shirkadii lafteedii iska weeraraysaa. Mida kale waan si fiican dadku u fahmaan eedaysanaha koowaad inuu ahaa Agaasimihii maamulka lacagta ee Tv-ga Qaranka, mana jirto meel ay agaasimahaas iyo shirkadda MSG iska soo galeen ama ay lacag ku kala qaateen oo shirkadan mudadii aanu joognay ee xukuumaddani jirtey Xisaabteedu gaar ayey ahayd oo Baanka ayaa lacagta laga amaahanayey marka danbena Baanka ayaa loo celinaya oo labadiiba waa la xaday tii Baanka loo celin lahaa iyo tii laga sii qaatayba, isla markaana waxa jira dad dilaaliin ah oo shirkadaha inta badan iska dhexyaaca, laakiin meel magaca MSG ku qoran tahay oo wax laga qaatay ama arintan meel ka soo gashay ma jirto”.

Maxamuud Dheere mar la waydiiyey lacagta Maqan ee ay ilaa iyo hada ogyihiin inta ay tahay, isaga oo arintaas ka gaabsaday,waxa uu yidhi “Gal-dacwadeedkii waxa uu yaalaa imika Xeer ilaalinta oo waxaan jeclahay inaanan ka hordhicin, isla markaana baadhista wajigeedii hore way dhamaatay oo waxa hadhay wajigii labaad oo kaliya”. Mar uu ka hadlayey sababta keentay in mudo aad u dheer ay dacwadani soo jiitanto, waxa uu yidhi “Mudadaas dheer ee ay socotay baadhistu intaba waxa socotay sidii wax looga qaban lahaa ee loo tirtiri lahaa raadka oo hawlo ka adag hebel baa la baadhay ayaa na soo maray oo qofka la baadhayaa Foojarka uu lacagta ku qaatay ama Jeega uu ku qaatay ilaa aad hesho qofka waxba kuma haysid, laakiin nin sii xaday sanad ka hor lacagna tabaabusho kasta wuu samaynayaa, balse galista aanu galnay Warfaafinta ayaa na caawisay oo uma arko anigu inuu wakhtigu nagu dheeraaday sababta oo ah waxaanu baadhista ka soo bilawnay 2010-kii oo waxaanu soo gaadhsiinay sanadkan aynu ku jirno ee 2012-ka, markaa mudada intaas leeg kharashka baxay oo dhan marag muujintiisu hadii uu danbi yahay iyo hadii uu run yahayba waxa kala saaraa waa lacagtii la qaaday iyo Jeegii ay ku baxday. Meel maamulkeedu iska xumaa marka horeba oo Agaasimahan lacagta cunayey isaga ayaa maamulka isku kharibay oo Xisaab-xidhkeeda ilaa aad ka salgaadho arin sahlan maaha oo anigu markaan eego xajmiiga ay baadhistani leedahay waabad dedejiseen ayaaban odhan lahaa”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Arinta iyaduna yaabka ah ee aanu aragnay ayaa ah Agaasimihii Maamulka ee aanu arintiisa baadhayno isagaa wax walba isku ahaa oo ka alaabta soo iibinaya ee saxeexayaa isaguu ahaa, ka alaabta diwaangalinaya oo dhamaan waxkasta oo Telefishanka galayaa isaga ayaa wada maamulayey, markaa in arinta si wayn looga gun-gaadho oo baadhistaas si cadaalad ah loo baadho ayaanu wadadeeda haynaa oo Agaamihii sidaas ahaa oo aan xidhnayn oo suuqa damiin iskaga jooga ayaa isagii oo suuqa jooga doonaya hadana inuu lacago kale dalacdo, isla markaana Kiiskani kiis laga dabaalankaro maaha oo waa kiis cad oo laba jeer ayaa Hantidii Qaranka si talan-taali ah loo xaday”. Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Mr. Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-dheere) mar la waydiiyey sababta Agaasimaha Maamulka oo kaliya ay u bartilmaameedsanayaan ee Madaxdii ka saraysay Baadhistu u gaadhi wayday, waxa uu ku jawaabay “Dadkeena inta is leh si gaar ah ayaa loo eryanayaa Agaasimahaasi waxa fiicnayd inay dadkeenu is waydiiyaan waar Maamulka dawladdu waa sidee oo sideebuu u shaqeeyaa? Waxay ahayd inay Xisaabiyayaasha iyo cida taqaana ay waydiiyaan. mida kale Telefishanka Qaranku waxa uu markaa ahaa Waax ka tirsan Wasaarada Warfaafinta oo waxa ay ahayd inuu Xisaabiye yeesho, laakiin Agaasimihii hore isagaa isku Xisaabiye ahaa, Xilka Kaasheerkana isaga hayey oo markaa waxa uu isku hayey saddex xi loo kala ah Agaasimihii maamulka lacagta, xisaabiyihiina isagaa ahaa oo Foojarada samaynayey Kaasheerkii lacagta baanka ka soo qaadaynayey isagaa isku ahaa, masuulka Jeegaga dhabarka ka saxeexayana isagaa ahaa oo Kayd hayana isagaa ahaa Agaasimihaasi.

 intaas waxa dheer waxaad moodaa marka aad raadkiisa aragto inuu haystay awood ka baxsan maamulkii oo Agaasimihiisii iyo Wasiirkii wasaaradaba shaqadoodii ayuu hayey oo labada midna kamuu saxeexin warqadan qabashada iyo kuwan dalabka ee aanu hayno oo tii xisaabiyihii isagaa ahaa oo isku soo gudbinayey oo Agaasimihii maamulka lacagta isagaa ahaa oo ku saxeexan markaa shantii masuuliyadood ee dambiga cida gashaa ay qaadi jirtayba isagaa isku haysta”. Hantidhawraha Guud ee dalka Maxamuud Dheer mar uu ka hadlayey lacag uu soo dalacday Agaasimihii maamulka lacagta ee Telefishanka Qaranku, waxa uu yidhi “Waxaanu hada haynaa oo Magaalada laga sameeyey 700 Malyan oo Somaliland Shilings ah oo la leeyahay dayn hore ayey ahayd oo si fudud waxa ugu suurta gashay inuu Shaambad walba ku dhufto, markaa dhamaan masuuliyiintii baadhista la gali lahayd xilalkoodii oo dhan isagaa isku hayey”.

Mar la waydiiyey halka ay ku danbeeyeen Baadhisihii ay ka wadeen dawladaha hoose ee dalka qaarkood oo joogsatay, waxa uu yidhi “Anagu kamaanu hadhin baadhistaas aanu ka samaynay Dawladaha hoose ee dalka qaarkood oo anagu markaanu baadhistayada dhamayno wixii ka soo baxay Gal-dacwadeed ayaanu Xeer ilaalinta u gudbinaa oo Gal-dacwadeedkayagaasi hadii uu baxo lama xidhi karo oo kuwii taagan ayuun bay ahaanayaan, markaa dhamaan baadhisahaas aanu ka samaynay dawladaha hoose arintoodii waanu gudbinay anaga oo waxaanu ka sugaynaa uun inta ay cadaaladu qabanayso masuuliyiintaas”.

Source:Haatuf