HANBALYO gobolka hawd 4 gobolka togdheer 1[ horu marka s/land iyo heerka waxqabadkoodu joogo]

 



Waxaan aad u hanbalyaynayaa gobolka hawd oo maanta ka badiyay gobolka togdheer
cayaar ku dhex martay caasimada gobolka warshadaha badan ee burco.
cayaartan oo si qurxoon u dhacday waxay ku dhamaatay 4 gool oo gobolka hawd keensaday
iyo hal gool oo gobolka burco ku mitideen
si kastaba ha ahaatee waxa aad wax loo amaano ah in maanta aduunyada kale ee qaarada africa
ay rasaaaas ku cayaaran iyo dilal iyo nabad-galyo daro balse somaliland ay tahay mid
ku tartanta dhinaca cayaaraha kala duwan kubada cagta, ta kolayga, iyo ta laliska

Kolay qofba sibuu u arkaa tartankan cayaaraha ee markasta la qabto kana hirgala gobolada dalka
oo dhan anigu waxaan u arkaa horumar wayn oo dadkeenu gaadhay kuna talaabsaday guul wayn
waxaynu dhawrnaaba waa ayadoo aduunwaynaha aynu ka qayb qaadano waliba cayaartoygeena
ka iibino aduunyada kharashku yaalo ee lugtaadu kaa dhigi karto milyaneer lacag haysta.

Majiraan maanta dhalinyaro ku fikiraysa xanuun qabiil iyo cuqdad reer oo jooga somaliland
waakuwan is hareero jooga oo wada cayaaraya kubada cagta kuna kulmay magaalada burco
waxa jooga dhalinyaradii sool , sanaag, awdal , maroodi-jeex , hawd . saaxil , gabilay iyo inta kale
waxay dhamaantood marti u yihiin shacabkooda reer togdheer oo si farxad ku jirto usoo dahweeyay
xataa waxaan maqlay burco wax tuuryo ah ma gaysan ilaa imika oo cayaaruhu socdeen kkkk kaftan.com

Si kastaba ha ahaatee waxa dhamaan la gudboon shacabka somaliland meel kasta oo uu joogo
inay hoos u eegaan horumarka ay gaadheen ee dhinac kasta ah xaga nabad-galyada iyo dhaqaalahaba
waxa dhamaan inala gudboon i tayada wasaarada cayaaraha la maal galiyo dhalinyaradana loo helo
agabka lagu cayaaro iyo tababarayaal wacan.[maamulka dawladuna taageero wayn siiyo]
waxa aan waliba aad u jeclaan lahaa in dhinaca cayaaraha fudfudud ee orodada la hor mariyo
waayo dadka somalilanderku waxay aad ugu fiican yihiin dhinaca cayaaraha fudud.

Maanta dalka ithobiya ee aynu dariska nahay waxa dhalinyaradu aad u xiiseeyaan tartanka orodada
kuwa 1500, 5000, 10. 000 iyo maradoonka oo aan filaayo inuu yahay wax ku dhaw 42 kilomitir
waxay kasoo hooyeen guulo badan waxaana ka soo gala dhaqaalo badan
haday soo galaan kaalinta koowaad ilaa ta labaad ama sadexaad waxay helaan bilado dahaba
iyo biladaha qalinka iyo maarta sida lookala horeeyo

Ugu danbayn
dhamaan cayaartoyga gobolada ee ku tartamaya waxaan leeyahay hanbalyo iyo ciyaar wanaagsan
kolay waxaynu sugnaa waa natiijada kama danbaysta iyo kooxda koobka qaada


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London