HANBALYADA RAMADAANKA IYO MUSTASHAAR.AHMED ARWO

Waxa berrito Isniin 6 June 2016 inoo bilaabmaysa bisha barakaysan ee
Ramadaan, bisha soonka, bisha quraanka, bisha dambi dhaafka, bisha
nafta lala xisaabtamo, Allana sheyda anka inga xidho.
Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda islaamka, iyo
Soomalida ku nool shan ta dal Somaliland, Somalia, Jabuuti, Ethiopia
Somali Zone, iyo Somalida Kenya, sidoo kale Soomalida qurbojooga ah
ee daafaha dunida ku daadsan.
Waxaan dalka Somaliland xukuumad, shacbi, rag iyo dumar, dhalin iyo
waayeel, miyi iyo m agaalo u baryayaa in Alle barakada soonka nimco
iyo barkhad inoogu daro , in Alle nabad da inoo xoojiyo. Sidoo kale
ayaan u rajeynayaa Soomalida kale iyo guud ahaan dunida Islaamka.
Allow meeshii dab ka baxaayo dami, Allow colaadda ka qaad dunida
Islaamka, Allow beer kooda burcad isu mari, Allow adaa awood u leh ee
u gargaar shacbiga Suuriya iyo Falastiin.
Waxaa habboon in qof waliba xisaabtamo oo qaladkuu galay ka toobad
keeno, haddaad xil ummadda u hayso xisaabtan, oo xusuuso inay geeri
iyo xisaab aakhiro ku sugayso, xilka naftaada iyo qoyskaaga kaa
saaran qiimee oo u gudo sida ugu habboon. Iska jir markhaa tiga
beenta ah. Ma aha markhaatigu kan maxkamadda uun laga hor furo, waxa
ka mid ah qoraalada beenta ah ee qofna lagu daafacaayo qofna laga
been sheegaayo. Waxa ka mid ah TVga qof keliyi kolba waji soo
gashanaayo.
Dambi aadmi ayaa loo yahay oo waa ina daan weyne, ee waxa la rabaa
soo noqosho iyo toobad keen. Allow ha na dilin anagoon toobad
keenin, Allow dambigayaga, kii waalidiint ayo, ka muslimka kii
dhintay iyo kan noolba Allow dhaaf. Allow ha naga dhigin kuwa
amma anada ummadda ku tagri fala mid umadeed iyo mid shakhsiba. Allow
ha noo ciqaabin dan biga ay galaan kuwa aan noo naxayn adna kaa
cabsoonayn. Allow naga qabo kuwa iyag oo xumaan samaynaaya ku dhuunto
diinta iyo munaafiqiinta.
Muslinow yeyna ku dhaafin barakada Ramadaan, soonka raaci quraan
akhris iyo taraawii xda, iska jir golayaasha xanta iyo beenta, ka
dheerow namiimada iyo isku dirka.
Alle heyna hanuuniyo dhammaanteen danbiile ayeynu nahay ee Alle
dambigeena ha dhaafo. Aamiin.
http://samotalis.blogspot.com/ |