Hanaanka
Siilanyo iyo hanweynida boos raadiska siyaasiyiintiisa.

HAMBALYO HAMBALYO. waxaa mar kale guul gaadhay shacbiga reer
soomaliland oo markii afaraad qabsaday doorasho xor iyo xalaal ah
codkoodana ku xaqiijiyey jiritaanka somaliland iyo horumarkeeda.
hadii aan u u soo daadago dulucda maqaalkaygan waxaa aan kaga hadli
doonaa dhisitaanka dowlada cusub ee uu imika madaxweynaha dalka loo
doortay uu ku mashquulsan yahay,
Madaxweynaha la doortay dhawaan ee talada dalka ku guulaystay waxa
maalmahan ku so cda hambalyooyin iyo talooyin loo jeedinayo,
hambalyada ka sokow, waxa haboon in uu dhegaha u raaridyo talooyinka
iyo tusaalaha loo soo jeedinayo, arimahaasi waaa qaar muh iim u
noqon kara, isla markaana wax weyn ka tari doona go'aan qaadashada
iyo waxyaaba ha dadku ka filayaan ee ka gedisan nidaamkii hore.
Sida aynu wada ogsoonahay waxaa Xisbul xaakimka talada haya ama hada
qaban doona ku jira rag badan oo siyaasiyiin ah oo badankoodu ku
jireen URURKII SNM qaarkoodna xilal bad an ka soo qabteen
dowladihii hore ee dalka soo maray
madaxweynaha imika dalka loo doortay iyo ku xigeenkiisa ugana qayb
galay xisbiga kulmiye ee hada talada dalka la wareegi doona
doorashadii madaxtoonyada, ayaa imika aad igu ha wlan
dhisitaanka dowlada cusub iyo hay'adaheeda. iyaga oo u magacaabay
gudi runtii aad u fiican gudidaas oo iskugu jirta siyaasiyin
aqoonyahano, culimo awdiin ,, iyaga oo oo shirar isdaba joog ah ku
jira , kana shiraya sidii ay noqon lahayd dowlada la dhisi doono,,
iyo ha y'adaha dalka ka shaqo gali doona.
hadaba sidaan kor ba kusoo xusay
waxaa xisbiga kulmiye ee hada talada dalka la wareegi doona ku jira
rag badan oo ruugcadaa ah, kuwaas oo iskugu jira siyaasiyiin ,
mujaahidiin,, iyo aqoonyahano,, iyo qaar badan oo markii uu ololuhu
socday ayna ka hadhsanayd 3 cisho ka soo cararay xisbiga markaa
talada hayey oo ahaa UDUB ninmankaas oo hayey xilal heer sawiirnimo.
markaa nimankaas oo iyagu usocday oo kalya aad ka heshaan boos ama
xil xisbiga kulmiye.
nimankaas iyo niman badan oo xisbiga ku jira ayaa imika geed dheer
iyo ku gaaban ba u fu ulay sidii ay xil uga qaban lahaayeey iyada oo
lagu mashquulsan yahay wali dowladii la dhisi lahaa.iyaga oo u xusul
duubaya helista Boos uy ku adeegtaan oo aanay ummadda ugu ade
egin.
su'aasasha hor taala waxaa weeyana mudane siilanayo ma raacayaa
hadaladiisii uu ku soo jiitay shacbiga reer somalilan ee uu codka ka
helay ee ahaa waxaan dhisi doona dowlad koo ban oo tayo leh???
Xisbiga Kulmiye wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo uu qaarkood
kaga soo gudbay tabo siyaasadeed, wakhtigii uu u diyaargaroobayey
tartankii doorashada 2008 ilaa 2010, wuxuuna aakhirkii gaadhay
guusha uu kaga badiyey musharixiintii uu kula tartamayay hogaanka
dalka, waxaana arin ma hadho ah dadka qaarkii ku noqonaysa sidda uu
xisbi mucaaradku uga badiyey
xukuumaddii talada dalka haysay, taas oo jawaabteedu noqon karto
xeelad siyaasadeed iyo hab dimuqraadi ah doorasho u dhacday.
Hadaba muhiimadu waxa ay tahay in xisbiga Kulmiye darsi ka barto
waayihii soo maray xisbigii UDUB ee talada hayey iyo asbaabihii
keenay in
laga guulaysto, taas oo uu xisbiga Kulmiye ku dhaliili jiray
wakhtigii uu
mucaaradka ahaa, waxyaabaha dhaliisha uu ku lahaa UDUB ee
lagu tilmaami jiray oo ay ka mid ahaayeen Maamul xumo, Musuqmaasuq
iyo xil loo dhiibo qof aan u qalmin,
GABAGABADII
waxaan kala dardaarmayaa gudomiyaha xisbiga kulmiye anha
madaxweyn aha dalka. in uu iska ilaaliyo nimankaas daqiidadihii u
danbeeyey isu soo dhiibay, kuwaas o wax yeeleynaya hanaanka iyo
geedi socodka dimuqradiyada dalka.
Mukhtar
Ahmed Adan Badari
mukhtargunga@hotmail.com |
|