Hammiga siyaasadeed ee wasiirada & Xisbi ee Sacad Muuse miyaanu u ekeyn sida ninkii yidhi Biciidkaan dilo doono.

 


 


Sida cinwaanka sare ku qoran, ninba u qalab qaatay ugaadhsi, intii aan gurigiisii ka bixin , ay uu Xaaskiisii ku yidhi heblaayo,Biciidka aan
dili doono, saanta aan ka jeexi doono, Sangaha aan soo siin doono,subagiisa maad dhami (cab) gabadhii waxay ugu jawaabtay alla dhami-kari-maayo. Naa waad
dhamiye dhan, waxay ku celisay alla dham-kari-maayo. Ninkii dhibaaxo ayuu xaaskiisa ka dhuftay. Bal hada akhriste labaad qof ee aan is dhaami eeg.
doqoniimo dawo ma leh.

Sida waxa ka dhigan ninka xisbi iyo wasiirada ah ee isku sii qab-qabsanaya ee ku sii coloobay sheekada 10 sannadood inaga xigto, Horta 10 Sannadood oo soo socda ilahay ha ina gaadh siiyo e,waana loo wada joogi doonaaye, sida horba u dhacday car yaan la idin arkin indinka o o tanaasulay sidii horeba u dhacday. Saa dariiqii la idiin soo marayey hada ayaad sii saxl-de en, waa isku muush-quulkiina

Arrintiinu waxay ila eeg tahay quud aan jirin qoryo u guro. Kolay kuwa tanaasula ayaad tihii n waxba ha coloobina.
 

 


Maxamed Yuusuf Buux.