Hamblayo Mujaahid Muse Biixi Cabdi oo ku guuleystay jagada musharaxnimada Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye

 


 


Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shaca bka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal me el aad joogtaanba aan Alla ha awoodda leh idiinka baryayaa ,inuu idinka yeelo kuwii addu un iyo aakhiraba liibaana , xaqa u hiiliya , dulmiga ka hiiliya, Qabyaaladda urteeda iyo fool xumadeedana iska fogeeya.

Tan iyo aasaaskii xisbiga Kulmiye,
23 May ,2002,oo aan ahaa xubin taageerayaashisa ka m id ah,waa Xisbi u taagan jiritaanka,Qaranimada,sinaanta,nabad gelyada, cadaalada, Dimu qraadiyada,Gobanimda iyo ka midho dhalinta rabitaanka shacbiga,oo ah inay ka mid noqda an wadamada Caalamka.

Waxaan maanta aan aad ugu farxsan ahay,soona dhaweynayaa ,kuna hambalyeynayaa g uusha taariikhigaa , ee walaalkay
Mujaahid Muse Biixi Cabdi, ku tallaabsaday,looguna doo rtay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye.....Geesi Guul dhashay iga dheh!

Is weydiin iyo sharaxaad toona uma baahna taarikhda dahabigaa ee Mujaahid Muse Biixi Cabdi,waxaanay ku xardhan tahay Gobanimada & Calankeena CAWAALE ee dusheena su dhan,oo uu dhiigiisii iyo naftiisaba u soo huray.Libinta uu maanta gaadhay, maaha mid dhe el dheel & ciyaar toona ku timid,ee halgan dheer, samir & dulaqaad ayuu ku gaadhay. Wa ana tii Allah ha u naxariistee,Gabayagii weynaa ee Cabdillahi Suldaan Timacade lahaa:

* Lama helo wadaadow
* waxaan cidi ku hawshoone
* naftaa loo hantaaqaa
* waxay hiigso leedahaye


Waxaan Allaha Kowankan ay gacantisu ku jirto uga baryayaa, inuu tartanka soo socda ee Madaxweynimada Jamhuuriyada Somaliland,uu ku guuleeyo,si uu u sii amba qaado ,una dh ameys tiro horumarka ballaadhan ee Maxawynaheena Somaliland,
Mujaahid Axmed Maxam ed Maxamuud Adan (Siilaanyo) , gayigeena gaadhsiiyey, kana dhabeeyo rabitaanka shac abakeena , oo ah inaan ka mid noqono dalalka caalamka.


Waxaan ku soo af meerayaa qormadan kooban,
Hambalyo, Hambalyo Mujaahid Muse Biixi Cabdi,Guuleyso walaal abidkaa.


 

 

 





Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
10 November, 2015