HAMBALYO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda,
Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo
guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda
Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1442-ka oo maalinta
berri ah ku beegan, waxaanu u rajaynayaa in sannadkan sannadkiisa ay
ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano.
Waxaanu madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda
inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo,
nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu in ta bukta
ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu
ka dulqaado Xanuunka, ca afimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE
u naxariisto una denbi dhaafo.
Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu
dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku
dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga
Jam huuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik,
ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
|