Hambalyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh ee uu u maamusay ,Duuliye Axmed Maxamed Xasan iyo hal soo jeedina...

 


 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee ree r Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba,idinku sa laamaya salaan t a islaamka,asalaamu calaykum waraxmatu laaahi wabarakaatu.Waxaan Allaha awoodda leh weydiisanayaa,in uu dhammaanteenba innaga yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,khaatumada na kheyr ugu khatimo,amin.

Aan u daa dago dulucuda qoraalkan iyo ujeedada aan ugu holaday qalinka.Waxaan hambalyo iyo ducaba aan u dirayaa madaxwenaha Jamhuuriyda Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh,ee isagoo ka wak iila shacabka Somaliland,uu u maamuusay,u soo dhaweeyey,u karaameeyey, Biladda ugu sareysa Qaranka Soma liland u guddoonsiiyey,Duuliye Axmed Maxamed Xasan,oo damiirkiisu iyo dadnmad iisuba u ogolaan weyday inuu diyaarad ku duqeeyo shacabkii magaalada Hargeysa,balse Duuliyayaashii la midka ahaa ay maanta gacmahooda dhiigu ka gob'o laynayo,ka dib markay xasuuqeen shacab iyo maa ti aan waxba galabsan,xisaabtii aakhirana sug ayso.

Walaw aynaan Duuliye Axmed Maxamed Xasan,khatarta uu naftiisa galiyey & abaalkiisaba aynaan marnaba gud i karin,waxaan Allaha awooda leh uga baryayaa in maalinta la qatan yahay,ee loogu baahi bada n yahay,uu mii saanka xasanaadka ugu daro,kana yeelo adoomada uu Rabbi raaliga ka noqdo,adduun & aakhiraba,amin.Taa wa xaan ku lingixi lahaa,soona jeedinayaa,mar haddii aynu guri uu dego dalkeena Somaliland uga dhisanayno,aynu mushahar inta uu nool yahayna u qorno,oo walaalkeen nabadaa iyo nimca daa uu Rabigeen Tabaaraka Watacaa laa inagu arsaaqay,ha inagula noolaado.

Halna aan hawada u mariyo Duuliye Axmed Maxamed Xasan.Magaca iyo Geesinimadu,waata la kasbado maalinta xaaladu u dhaxeyso geeri iyo nolol,loona kala baxo gacan ku dhiigle iyo Geesi xaq u dirira. Waxa ad muujisay Gee sinimo,waxaad qaadatay go'aan adag,waxaanad kasbatay shucuurta & quluubta shaca bka Somaliland. Taariikd a aan duugoobin ee dalka Jamhuuriyada Somaliland,baal Dahaba ayaad kaga qor an tahay,meel walba oo shaca bka Somaliland ku nool yihiina,waxaad agtooda ku leedahay magac,sharaf, karaamo,walaalkayo ayaanad tahay.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkaygan kooban,hambalyo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mujaahid Muse Biixi Cabdi,sida gobanimada leh ee uu u maamusay Geesiga,Duuliye Axmed Maxamed Xasa n,waxaanan soo jeedinayaa,mar haddii aynu guri uu dego dalkeena Somaliland uga dhisanayno,aynu m ushahar inta uu nool yah ayna u qorno,oo walaalkeen nabadaa iyo nimcadaa uu Rabigeen Tabaaraka Wa tacaalaa inna siiyey,ha inagula noolaado.



Wabillahi Tawfiq,

 

 

 

 

 

Eng. Qoraa: Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Senior Certified Network Specialist
|
CNA | CCNA | MCP | FCNSA | A+ |
31
October,2020