Hambalyo Jamaal Cali Xusseen

 

 

 


Salaamu calaykum ,

Runtii, waxa xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin ah in Jamaal Cali Xusseen yahay shakhsiga a an u arko in uu ku guulaysan karo in uu soo celiyo maqaamkii iyo sumcadii Xisbiga UDUB, isla mark aana dhaafin kara xiliga ururnimada una gudbi kara xisbinimo. Teeda kalena waa nin aan isl eeya hay wuu u qalmaa in uu hogaamiyo Jamhuuriyada Somaliland, sababo badan awgeed oo ay ka mid yihiin:-



1- Waa nin aqoon fiican oo dhisan leh waxbarasho ahaan.

2- Waa nin leh waayo aragnimo shaqo iyo hogaamineed oo waliba ta aynu maanta u baahanahay ee dhismaha iyo kobcinta dhaqaalaha

3- Waa nin gacan weyn ka gaysta kobcinta jaamacadaha Somaliland.

4- Waa nin xidhiidh dhow leh madaxda caalamka, haday tahay reer galbeedka ama dunida carabta.

5- Waa nin maal leh oo aan ka shaqaysanayn wadanka ee laakiin u shaqaynaya, waxa kaliya oo uu rabaa in la yidhaahdo waxaa waxa qabtay oo ka tagay Jamaal Cali Xussen.

6- Waa nin abwaan ah oo ay u fududahay in uu qanciyo cidkasta, dood ahaan.

7-Waa nin Somalilandnimadu ku dheer tahay, oo ay daliil u tahay sida uu u dufaaco Somaliland am aba heesaha wadaniga ah ee uu u sameeyay Somaliland.

8- Nin leh haybad iyo muuqaal madaxnimo.

9- Waa nin ay jeclaystaan dadku marka uu hadlaayo, oo aad iyo aad u furfuran.

 



Markaa waxa quman in shacbiga Somaliland eegaan tayada, kartida iyo aqoonta uu leeyahay qof ka musharaxa ee hunguraynaya talada wadanka, yaanay inaga noqon nin dameeri dhaan raacd ay.

 


wasalaamu calaykum
 

 

 

 

 

 Cabdirisaaq Cali