Hambalyo Jaamacada Gabiley

Hambalyo ay dirayaan ardaydii
ka qalin jabisay dugsiga sare ee timacade.
Hambalyo ay dirayaan ardaydii ka qalin jabisay dugsiga sare ee
timacade.Anaga oo ah dha maan ardaydii ka qalin jabisay Dusiga
sare ee Timacadde haatana wax ka barta jaamicadaha dalka iyo
dibadiisa waxaan hambalyo u diraynaa jaamicada Gabiley. Waxaan
sigaara hamb alyo ugu diraynaa dhamaan maamulka, masuuliyiinta
iyo gabi ahaanba dadkii xilka iska saar ay kuna guulaystay
inay ka midho dhalinta jaamicad ay yeelato Magaalada Gabiley.
Waxa xusid mudan in inbadan waalidka gobolku ka fikiri jireen
jaamicad u raadinta caruurt ooda marka ay dhamaystaan dugsiga
sare,laakiin ka warwarka arintaasi maanta waxa uu noqday mid soo
afjarmay.
Waxaan maamulka cusub ee jaamicada kula talinaynaa in inay u tafo
xaytaan sidii ay jaami cada uga dhigi lahaayeen mid la
tartanta jaamicadaha dalka kana mid noqota hormuudka jaamicadaha
dalka.
Waxaan ugu danbayn ardayda gobolka ee nasiibka u heshay jaamicadan
iyo kuwa kale ee damacsan iyo galaanba kula dardaarmaynaa inay ka
midho dhaliyaan mustaqbalkooda kuna dadaalaan waxbarashadooda, waxa
naga xasuusin ah mutidii abwaan Hadraawi ee ahayd:
Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii deynin.
Submited by
Ali Sh.Ahmed-yasin
|