Hambalyo iyo Dardaaran

 


Hargeysa (TNN)-Ummadda reer Somaliland waxaan uga hambalyaynayaa sannadguurada 50aad ee ka soo wareegtay markii aynu xornimadda ka qaadanay Boqortooyadii Ingiriiska Bishii Juun 1960-kii. Waxaan Illaahay inooga baryayaa in sannadkan sannadkiisa inagu  gaa dhsiiyo bashbash, barwaaqo iyo Somaliland oo Bulshada Caalamka ka mid ah.

Waxaan kale oo aan ummadda reer Somaliland kula dardaarmayaan inay gutaan  waajibaa dkooda dastuuriga ah oo ay codeeyaan. Waxaan aad idiinku adkaynayaa inaad  nabadgel yada illaalisaan, cadawgeena u foojignaataan.

Ogaada walaalayaal waxaad u codeynaysaa waa mustaqbalkiina ee maaha lixda musharax oo keliya.

Illaahay xaqqa ha ina waafajiyo, jidka toosana ha inagu hanuuniyo. Guul iyo Gabanimo, Bashbash iyo Barwaaqo, Isku-duubni, Dulqaad, UL IYO DIIRKEED is O goo Isku Gargaara Alla Ha Inaga Dhigo.

Saddexdayada Musharxna kii Khayrku idiinku jiro Alle Ha Idiin Dooro.

Wabillaahi Towfiiq

 

 



Eng. Faysal Cali Waraabe

Somaliland Ha Waarto