Hambalyo igama filaan intey HADIMMO ila daba socdaan

 


Waxa aynu maanta joognaa 1-da July 2015-ka oo ay markaas 55 sanadood kasoo wareegtey maalintii dalka aynu kala tagney ka madax-banaanaadey maamulkii Jimciyada Quruumaha (UN Trusteeship) ee Taalyaanigu (Italy) uga wakiilka ahaa. Madax-banaanida Somalia ka sakow wa xa kaloo maalintani ku suntantey liqida ay liiqdey 26-kii June iyo bilawgii taariikhda gumeysigii 2-baad ee Somaliland gashey.


Taariikhda gumeysiga 2-aad ee Somaliland ee ay markaas Somalia gumeysaneysay waxa udub dhaxaad u ahaa in la tirtiro wax alliyo wixii Somaliland kaga duwaneyd Somalia ee taariikh ahe yd, ee dhaqan aheyd ee dal aheyd. Waxa dadkii laggu shubbey taariikh odhaneysa 2-ba gobol ayaa isku biirey oo gumeystihii reer Europe dal Somalia la yidhahdo ayuu 5 qeybood u kala qey biyay. Waxa dadkii 2-da dal ee la isku tolley dagganaa iyo dunidiiba laga dhaadhiciyay in Soom aalidu isku diin, isku dhaqan iyo isku luqad wada yihiin. Waxa la meel mariyay siyaasad cadaw ka dhiggeysa kala duwanaanta iyo kala aragti noqoshada.


Hadaba iyadoo maanta la marayo 2015-kii, dalkii i gumeysta yidhina (Somaliland) gartey in uu gumeysigii ka hoos baxo oo uu kaligii tashan karo, oo ay taariikh badanoo reer Somalia aasee na dib ifka ugusoo baxdey, ayeey reer Somalia taaganyiin walli anagaa idin leh oo ay aaminsa nyiin taariikhdii gumeysigeygu ku qotomey. Waar kala duwanaanshuhu maaha kala fiicni ee ilaa hey ayaa dadkiisa kala duwey oo kakala dhiggey quruummo amma nations (shuceyban) iyo qa bbaa’il (qabbaailan). Ilaahey-ba naga dhiggey reer Somaliland, ilaahey-ba qaddarey in Afrika la gumeysto oo dalalka ay maanta ka koobantey ee ay Somaliland ka midka tahey kasoo baxa an.


Reer Somalia waxa aan leeyahay waar horena kala taariikh iyo kala dhaqan-ba weynu u aheyn maantana kala mustaqbal ayeynu nahaye xaqiiqadda ha iska indha marina. Inta aad aaminsant iin fikirka maanta aad aaminsantiin ee aad hadimada ila daba socotaana ha iga filanina in aan i diin hambalyeeyo xitaa haddii aad adduunka oo dhan horumarkiisa kow ka gashaan.


Allow Somaliland qaranimadeeda noo adkee oo dadkayaga qalbigooda burcad isku mari, aam iin.

 


Iid Xasan Aw Muuse,

Somaliland Activist

iidsl@hotmail.com