Hambalyo Cuqaasha, Aqoonyahanka iyo Ganacsatada Arrinka EASSY Internet Cable ee Berbera

 


 

Waxa muddadan dambe saxafadda maxaliga ah ku soo noqnoqonayey mawduuc ku saabsan  xad higa internetka ee badda hoosteeda mara oo la rabo in laga soo jiido badda, iyadoo la marin  doo no magaaladda Berbera. Hase yeeshee waxa arrinkaas mar walba ku marnaa Ganacsade reer  ja buuti ah oo aanan fahmin waxa Somaliland ka soo galay, Marka laga reebo in uu hayb ahaan ka soo jeedo beel ka mid ah kuwa Somaliland, kaas oo aan haba yaraatee wax dan ah u wadin  Jamh uuriyadda Somaliland shacbigeeda iyo kuwa gobolka Saaxil oo ay si gaar ah u taabanayso xagal-daacinta mashruucaasi.

Marka hore aan u galo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi oo ah ganacsade reer Jabuuti ah, ka as oo u tafa-xaydan duudsiga shacbiga Somaliland iyo gaar ahaan kuwa reer Berbera. Dadka  qa ar oo saxaafada wax ku qoraana waxay ganacsadahan ku tilmaameen nin reer Somaliland ah, ta as oo aan anigu dood weyn ka qabo.

Horta Somaliland-nimaddu ma aha hayb ee waa deegaan, taasna waxa kuu cadaynaya shacbiga kala haybta ah ee degan Somaliland dhulka ay ku fadhido oo ay walaaleyso ama isu soo soocdo deegaanka uu Alle kuwada beeray. Hadii Somalilandnimadu ay tahay qabiilna, waxa Somaliland  sh acbiga ka soo jeeda hayb ahaan ay degaan Dalalka Somalia, Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ee  kuwa as ma Somaliland baa la yidhaahdaa?. Iyadoo ay weliba meelo kale oo Afrikada ahna wax ka  deg an yihiin, hase yeeshee shacbigaas lama odhan karo waa muwaadiniin Somaliland ah. Waayo  wax ay hoos joogaan oo sitaan dukumentiga dalalka ay degan yihiin.Maxamed aw Siciidna kuwaas uun buu ka mid yahay ee meeshiisa ha iimaansado. Kuwa nagu siraya waa reer hebelna shacbiga  gob olka saaxil iyo muwaadiniinta Somaliland-toona caqliga kama xadi karaan.


Waan tan labaade ma jiraan colaad gaar ah oo ka dhexeeya shacbiga Somaliland iyo Shacbiga  Ja buuti marka laga reebo colaadaha iyo danaysiga Maamulka jabuuti oo aan haba yaraatee  maslax ad u haynin Somaliland iyo Somaaliya-toona. Xukumadda Jabuuti ee uu hogaamiyo Ismaaciil  Cum ar Geelena, waxay u taagan tahay keliya danta shaqsiyaadka xukuumaddani ay u xidhan tahay. Hadii aan usoo laabto dhaqanka xukuumadda jabuuti ee ku wajahayn dalalka aan dawlado la  ictir aafsanyahay ka jirina waa boob, dhac, hagardaamo iyo isaga-oohi marka aad isugu timaadaan fadhiyada caalamiga ah. Jamhuuriyadda Jabuuti oo tusta shacbiga Soomaaliya mid u hiilinayana waxaan hubaa in ay u taagan tahay dhagarta iyo bililiqaysiga dadka soomaaliyeed ha degaan  So maliland ama Soomaaliya e. Tusaalooyinka ugu waaweyna waxa ka mid ah:

1. Kii shirkii Carta oo ay jamhuuriyadda jabuuti ka faaŽiday telefishankeeda la gaadhsiiyey Afrika.

2.Kan ay xukuumadda jabuuti 400 oo ka mid ah ciidamadeeda kaga shaqaalaysiisay ciidanka  mida wga Afrika ee Muqdisho jooga si uu ugu baaqdo mushaharadii ay siinlahayd ciidankeedu.

3.Iyo Kan ugu dambeeya ee xadhiga internetka ee Berbera oo ay rabto in godkiisa laga soo jiido kan jabuuti si aanay u jirin god ay leedahay berbera, Somaliland ama Soomaaliyada kaleba.

Markaa akhristoow miyaanay xukuumadda jabuuti u xusulduubnayn uun hagardaamaynta  Shacbi ga Soomaaliyeed ee kale?.


Waa tan saddexaade, jabuuti miyay hayb ahaan inooga dhowdahay Soomaalida kale? Oo ah  suŽa al u baahan in la is weydiiyo, ilayn waxaaba ku badan quruumo aan Soomaaliba ahayn sida Carab iyo Cafar. Waxaan meelaha qaarkood ka arkayey cuqaal isku sheeg reer Hargeisa u badan oo  ga c anta haya ganacsadaha reer Jabuuti iyagoo u haysta in ay shacbiga reer Saaxil iyaga guntiga ugu jiraan, waxaanna kuwaasna odhan lahaa horaa loo yidhi “ Berberi Wax goŽ lagu qaado ka  we yn” ee ha aakhiro seegina. Shacbiga reer Saaxilna loogama taliyo Hargeisa hayb ahaan, masiirkoo dana laguma duudsiyi karo Madaxweyne, Suldaan ama Ganacsade dal shisheeye ka soo  doolayto ona.

Taas iskaga kaalayba oo anigu saddex masalo ayaan u hayaa in beesha Hawiye ee sharikadda ay sheerkeeda ku jiraan ee DALKOM la riixayaa ay Shacbiga Somaliland iyo kuwa Gobolka Saaxilba ay uga dhawdahay Jabuuti:

Waa tan koowaade, halgankii dhexmaray shacbigan Somaliland intooda badan iyo Dawladii  kelita liska ee Soomaaliya, beesha Hawiye waxay ahaayeen hadii aan la is yeelyeelaynin kuwii lugta  in oo qabtay cadawga saacadihii u dambeeyey, ee ku weerary koonfurta Soomaaliya isaga oo  xuku nkii faqashtu aan weligiisba burkaba bahal ka filanin, islamarkaana inagu gacan siiyay in xukunka laga tuuro. Taas bedelkeedana Jamhuuriyadda Jabuuti waxay hiil iyo hooba la garab taagnayd  ta liskii macangaga ahaa oo ay hadhaagiisiina magan gelisay markii laga itaal roonaaday.


Waa tan labaade, ninkii keli ahaa ee Soomaaliyeed ee diyaarad Hargeisa duqaynteeda amar ku  h aysata ka duway, ee jabuuti magangelyadda weydiistay wuxuu aha nin hawiye ah. Taas  bedelke edana xukuumadda Jabuuti waxay shacbiga Somaliland ee ku qaxay ku bilawday baadhis iyo bililiqo xiligaas.


Waa tan sadexaade, Qabiilooyika Hawiye ma aha kuwa dabada ka wadda oo qorya-qoryeeya kala jabka Somaliland iyo shacbiga gobolka sool taas oo ay bedelkeeda ku jiraan Shacbiga Puntland ee aan Somaliland u dhalanin. . Islamarkaana Hawiye Somaliland kama casuumaan oo keliya Gobolada Awdal iyo Salal oo ay xukuumadda jabuuti ka uriso hayb iyo qabiil. Arrimahaan iyo kuwo kale oo aanan halkan ku soo koobi karinba waxay ii caddaynkaraan in beesha Hawiye Shacbiweynaha Somaliland uga dhawdahay Jabuuti, ayna tahay in ictiraafraadinta jamhuuriyaddan lala kaashado iyaga.

Isku soo duuboo, hal aan idhaahdo Maxamed Aw Siciid, Hal kale aan idhaahdo Cuqaal-kusheega dabada ku wata, halna aan idhaahdo xukuumadda Somaliland ama Madaxweynaha, hal kalena aan idhaahdo sharikadda DALKOM iyo cida sheerka ku leh, midna aan idhaahdo waxgaradka iyo  gana csatada arrinkan kaga hadlay shirkooda-jaraaŽd, midna shacbiga Somaliland, kan u dambeeyana Shacbiga reer Saaxil.

Horta Maxamedow ma tihid Somaliland ee xataa hadii aad marti u noqonayso iska soo dhig maska qoorta kuu sudhan ee aad himilooyinkiisa gurracan xambaarsantahay. Kadibna adiga oo shaqsi  g anacsade ah oo ogol mabdaŽa iyo waxa shacbigani xaq u leeyahay wax ka soo raadso  Somalila nd.

Cuqaasha dabada ka riixaya in Berbera iyo Somalilandba la duudsiyona waxaan odhan lahaa  weli geedba uunka waa lagu arkayay idinka oo kale ee ogaada oo “ Weli warankii Shire Dheere waa taagan yahay Berbera”. Maxamed Aw Siciid iyo Hargeisa toona uma taliso Berbera ee taas ku baraaruga.


Madaxweynaha Somaliland-na waxaan odhan lahaa, Mudane waxa lagugu khuukhiyay in aan  bee sha ay odayaasheedu kuu yimaadeen cod ku siin doonin hadii aanad hagaajinin ganacsadaha reer jabuuti. Waxaanad kuu cad in aanu xisbiga UDUB isku hubin beelaha uu ka soo jeedo  ganacsadah ani ee Hargeisa dega, taas bedelkeedana ay xukuumaddu hubto oo keliya codka shacabka  gobol ka Saaxil, islamarkaana masaaliixdooda oo la hor istaagaa ay tahay waqcadda dhaba ah ee Saaxil ka qabsan karta xisbiga UDUB xiliga doorashada. Hadii lagaa guulaystana marwalba xisbiyadda mucaaridku waxay wacad ku mareen inay baabiŽäin doonan wixii heshiisyo ah ee xukuumadaadu gashay intii ka dambaysay mudda kordhinta. Waxaana kugula talin lahaa in aad godka shaxdaas dib uga laabato.

Shirkadda DALKOM-na hadalkeeda waa soo gaabinayaa, waxaan odhan karaa Shacbiga  Somalila nd oo Shacbiweynaha Saaxil ugu horreeyo ayaa idiin maqan ee ha ka warwarina, hana ku  tasha nina in sharikad jabuuti iyo Ina Aw Siciid wataan Saaxil wax ka fushadaan.

Waxgaradka iyo ganacsatada arrinkan bandhigayna waxaan odhan lahaa horta Ilaahay arrinkiina ha idinku guuleeyo, waad guulaysanaysaane, talona waxaan idiinku soo jeedin lahaa inaad  deda alkiina labalaabtaan oo aad abaabulka si weyn uga qayb gelisaan shacbiga, Aqoonyahanka, gana csatada, cuqaasha caqliga saliimka ah leh iyo waxgaradka Saaxil, ilamarkaana aad ku kabtaan  sh acbiweynaha Somaliland ee xaqooda lagu aasayo Jabuuti.

Midna waxaan odhan lahaa shacbiga Somaliland- ee hagardaamooyinkii nacabku weli waa ku sii socdaan somaliland ee haloo guntado oo hala badbaadiyo. Maxaa Jabuuti uun daba dhigay  Somal iland?Abwaankii baa laga hayaa “ Nin ku yidhi sinaan mayno, Adna diid sarrayntiisa”.

Shacbiga reer Berberana waxaan odhan lahaa, cid walba soomaali masuul bay ka tahay, xaqna  w ay u leedahay inaay ka muuqato halkii Alla ku beeray, Jabuutina idinkama hayb iyo qabiil fiicna ee sababma ayaad u dayacaysaan fursadaha idin soo maraya ee dhaqaale ama siyaasadeed iyadoo ay dhalinyaradiinii shaqala laŽaan tahriibayaan oo badda ku dhimanayaan maalin walba.


Guntii iyo gebagebadii waxaan shacbiga Somaliland u rajaynayaa guul ay kaga gacan sareyn  doo naan gumaysiga cusub, iyo caqli ay ku kala saaraan nacabka iyo nasteexa.


 

 

 

Daauud Yuusuf- Sweden
daauud2010@hotmail.com