Hambalyo, tallooyiin iyo duco ku socota qaranka JSL iyo madaxdiisa cusub


 


Taariikhda 26-ka June iyo 1-da July waxay hore umadda reer Somaliland agtooda uga ahaayeen taariikh lagu xasuusto khaladkii cuslaa ee jiilkii 1960-kii joogay ku lumiyeen madaxbanaanidii  Jamh uuriyada Somaliland. Waxa ilaahay mahaddii ah in geesiyaasha gudida doorashooyinka qaranka Somaliland ay ku guulaysteen in taariikhdii madoobeyd ee 2-daa maalmood ay ku suntaan oo dib loogu xasuusan doonoo muujinta qaangaadh-nimada dimuqradiyada iyo ilbaxnimada qaranka  So maliland.


Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu umadda reer Somaliland la  qaybsad ay farxadda iyo rayn-raynta ku wajahan sida maamuska leh ee doorashooyinkii madaxtooyada  JSL ku dhaceen kuna dhammaadeen. Waxa muwaadin walboo Somalilander ah, meeshu doono  ad uunka haka joogee, farxad iyo qiiro galiyay sida shacabka reer Somaliland ay kuyuu-yada  dhaad heer ugu jireen si ay codkooda u dhiibtaan iyagoo is-ixtiraamaya, isku naxariisanaya  wajiyadood ana farxadi ku dheehantahay.


Shicibka reer Somaliland waxaanu ku leenahay waad na farxad galiseen oo waad na quwayseen hadaanu nahay qurb jooga-e, ilaahay ha idinka farxiyo oo ha idin quweeyo oo ha idinka ilaaliyo colaad iyo abaaro, aamiin.


Ururku wuxu hambalyo diiran u diraya madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka sida xortaa umaddu usoo dooratay ee kala ah Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo Cabdiraxman  Cabdu laahi Ismaaciil Saylici. Waxa kaloo iyaguna hambalyo mudan dhammaan madaxda iyo hawl  wadee nada xisbiyada qaranka ee sida hufnaanta iyo ixtiraamku ku dheehanyahay ulla shaqeeyay  gudi da doorashooyinka, dabadeedna aqbalay natiijadii ay soo saareen bishan July 1-deedii. Waxa si gaar ah hambalyo u mudan madaxwaynaha talada ka dagaya Daahir Rayaale Kaahin ee sida  wad ani-nimada iyo geesi-nimada leh u aqbalay natiijada doorashooyinka, dalkana usoo jiiday magac wayn.


Waxaanu madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka la doortay kula talinaynaa inay dhisida  s eeska qaranimada JSL dhamaystiraan oo ay dhisaan mid adag oo u quus gooyaa cid walboo reer Somaliland rabitaankooda shaki kaga jiray. Waa in aan wakhti, maal iyo muruqtoona lugu lumin arimaha Somalia ee mudnaanta la siiyo adkaynta qaranimada JSL iyo qancinta inta inaga midkaa ee aan walli qancin (tiisaba daryeela tu kale ku dara). Waa in manhajka (Curriculum)  waxbarash ada JSL ay wasaarada tacliinta qaranku dajinteeda iyo daabacaadeedaba yeelata oo waa in la j oojiyo buugaagta ay UNESCO dalka usoo daabacdo. Waa in gudi heer qaran ah la abuuro oo  dajin aysa taariikhdii inasoo martay intii aynu ku hoos jirnay gumaysigii 2-aad ee Somalia, gudidaas oo turxaanbixinaysa umadda reer Somaliland midaynaysana taariikhdaas iyadaa, taas oo qayb ka noqon doonta adkaynta seeska qaranimada JSL.

Sidoo kale waxaanu ku talinaynaa in aan la ogalaan hay-yadaha iyo shirkadaha ganacsigu inay  J SL gudaheeda kaga shaqaystaan magaca Somalia oo waa in lagu amra inay dabaqaan oo ay  tixg aliyaan qodobka 1-aad ee dastuurka JSL haddii kale caalam ina dhagaysanaya ma jirayo oo sidii hore uunba madaxa la innoo salaaxi doonaa. Waa in la badilaa diblomaasiyada dhibanaha ee cid walba aynu cagtooda is hoos dhigayno waayo taasi waxay keentay oo aduunkii u turjumtay  inay nu sugayno Somalia waana sababta la iskugu taxaluujinayo had iyo jeer in halkaa la hagaajiyo. JSL aqoonsigeedu wuxu ku xidhanyahay 80% waa gudaha dalka oo adkaanta qarankeena iyo  hor umarinta dhaqaalaheenu laf dhabbar u yihiin sidaa daraadeed waa in xukuumada cusubi u tafaxa ydata xalinta xiisada bariga dalka (Buuhoodle, Sool iyo Sanaag Bari) ka taagan iyo ta Ceel-Barda ale, dhaqaalaha dalkana furfurtaa oo maal gashiga muwaadiniinta fudaydisa dhiiri galisaana.


Waxaanu kusoo gunaanadaynaa dhambalkayagan duco aanu u dirayno qaranka JSL iyo  madaxd iisa. Waxaanu ilaahay uga baryaynaa madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka cusub in  haw sha baaxada leh u fudaydiyo oo uu shaydaanka ka fogeeyo kana dhiggo kuwii dalkooda iyo  dadk ooda horumariya ee khayr badan lagu xasuusto, aamiin Allow.



Wa bilaahi tawfiiq,


 


Maamulka West London Somaliland Community

Tel (office): +44 208 848 1180
Email: wlondonsomalilanders@gmail.com
Website: www.wlsomalilandcommunity.org.uk