WAR-SAXAAFADEED

 


Date: -03 / 10/2014

Hambalyada Madaxweynaha Ciidal Adxa 2014

Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somalilan d iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, ci baado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatay na ALLE u naxariisto una dinbi dhaafo.



Aamiin Aamiin Aamiin

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.