Halkan
Ka Akhriso Dhamaan Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Maanta Ka
Qabsoomay Magaaladda London

Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku ay
taageerto wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da ama ciddii
beddesha ay ku heshiiyaan.....
London (TNN)- Shirkii ka socday Magaalada london ee Somalida
arrimeheeda lagaga wada hadl ayay Saacadihii la soo dhaafay ayaa
war-murtiyeed laga soo saaray, ka dib markii uu shirkaasi soo
gabagaboobay wakhti yar ka hor.
War-murtiyeedkan oo ka koobnaa 26 qodob ayaa kala ahaa:
Hordhac
1. Shirka London ee ku saabsan Soomaaliya waxaa uu aqalka Lancaster
House uu ka dhacay 23kii Febraayo 2012, waxaana ka soo qaybgaley
konton iyo shan wefdi oo ka kala socdey Soomaaliya iyo beesha
caalamka.
2. Waxa aan shirney waqti muhiim u ah Taariikhda Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa ay hadda ka soo baxaysaa dhibaatooyin
bani’aadamnimo kuwii waqtigan ugu xumaa dunida. Ciidamo Afrikaan iyo
Soomaali ah ayaa Al Shabaab ka saarey Muqdisho iyo degaamo kale.
Hay’adaha ku-meelgaarka ah waxaa uu waqtigoodu dhammaanayaa Agoosto
2012, waxaana dadka Soomaaliya ay doonayaan in la caddeeyo waxa ka
dambeyn doona. Xaaladdu weli ma deggana, waxaana ay u baahan tahay
taageero degdeg ah oo ay siiso bulshada caalamka.
3. Go’aanka ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya waxaa leh dadka
Soomaalida ah. Hoggaanka siyaasadda ee Soomaaliya waa in ay ahaadaan
kuwo ay la xisaabtamaan dadkooda. Kaalinta bulshada caalamka u furan
waa in ay fududeeyaan horumarka iyo koboca: xooggeenu waxaa uu ku
jiraa midnimo iyo taageero isku dubaridan oo aan siinno Soomaaliya.
Waxaa markii la qabanqaabinayey shirkan aan aqoonsanney muhiimadda
ay leedahay in aan dhegeysanno oo aan la shaqeyno dadka Soomaaliyeed
ee jooga gudaha iyo dibadda Soomaaliya, waxaana aan ku soo
dhoweynney la kulankooda ka hor shirkan.
4. Shirku waxaa uu diiradda saarey sababaha dhalinaya degganaan
la’aanta, iyo sidoo kale waxyaabaha calaamadaha u ah (macaluusha,
burcad-badeednimada, iyo argagaxisanimada). Annaga oo bulshada
caalamka ah, waxaan isla garanney: in aan dardar cusub gelinno
geeddi-socodka siyaasadda; in aan xoojinno AMISOM oo aan Soomaaliya
gacan ka siinno kobcinta ciidankeeda ammaanka; in aan gacan ka
geysanno degannaanshaha heer degaan; in aan ku dhaqaaqno tallaabo
wax looga qabanayo burcad-badeedda iyo argagaxisada.
Siyaasadda
5. Waxaan ku heshiinney in waqtiga Hay’adaha Federalka ee Ku-meelgaarka
ah uu dhammaanayo Agoosto 2012. Waana in aan mar kale waqti loo
kordhin. Waxaan soo dhoweyney heshiisyada tilmaamaya waddada lagu
gaarayo dowlad si middan ka badan dadka u matasha: Axdiga Federalka
ee Ku-meelgaarka ah, Heshiiskii Kampala, iyo Khadiiddada Waddada/Roadmap.
Waxaa aan ayidney mudnaanta, lagu xusey Mabaa’diida Garowe, oo
sheegayey in degdeg la isugu keeno Gole Ta’siisi ah (Constituent
Assembly), waxaana aan carrabka ku adkeyney in Golaha uu ahaado mid
ay ka wada muuqdaan fikradaha dadka Soomaaliyeed ee dhammaan
gobollada iyo degaamada kala duwan, iyo in ay waajib tahay in
haweenku ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka siyaasadda. Si waafaqsan
heshiiskii Garowe II ayaan isula oggolaaney in la dhiirrigelinno
horumarka oo aan tallaabo ka qaadno kuwa qasaya geeddi-socodka
nabadda, iyo in aan tixgelin doonna talooyinka arrintan la xiriira
inta ka horreysa Shirka Istanbul ee la qaban doono bisha Juunyo.
6. Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku
ay taageerto wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da ama ciddii
beddesha ay ku heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda
mustaqbalka.
7. Waxaan cambaareyney argagaxisanimada iyo xagjirnimada
gacan-ka-hadalka wadata, haddii ay ku kacaan Soomaali ama ajnebiba.
Waxaan ugu baaqney in dhammaan kuwa oggol in ay ku gacan-seyraan
rabshadda/gacan-ka-hadalka ay ku soo biiraan geeddi-socodka nabadda
ee Jabuuti. Waxaan ku heshiinney in aan sameyno barnaamij loogu
talogaley kuwa soo goosta oo lagu taageerayo kuwa ka soo baxa
kooxaha hubeysan.
8. Waxa aan carrabka ku adkeyney sida degdegga ah ee loogu baahan
yahay in Soomaaliya ay awooddo in ay maalgeliso adeegyadeeda
dowladda, oo ay hantideeda u adeegsato waxyaabaha dadka faa’iidada u
leh, iyo sidoo kale wax ka qabashada musuq-maasuqa. Waxaan soo
dhoweyney horumarka laga sameeyey dhisidda Guddi Wadajir u Maareeya
Maaliyadda/ Joint Financial Management Board (JFMB) si loo kordhiyo
daahfurnaanta iyo xisaabtanka ee dhinacyada soo ururinta iyo in si
habboon u isticmaalidda dakhliga dowladda, iyo sidoo kale gargaarka
caalamiga ah ee horumarinta, kaas oo gacan ka geysanaya xoojinta
hay’adaha maareynta maaliyadda dowladda ee Soomaalida ah. Baaq ay
soo saareen xubinihii u horreeyey ee JFMB waxaa uu ku qoran yahay
Lifaaqa A.
9. Geeddi-socodka nabadda waa in ay xuddun u ahaataa ixtiraamidda
xuquuqaha aadanaha. Waxaan ku baaqney in la qaado tallaabo gaar
ahaan mid wax looga qabanayo ku-tumashada iyo xadgudubyada waaweyn
ee xuquuqaha aadanaha ee haysta haweenka iyo carruurta. Waxaan
carrabka ku adkeyney in ay waajib tahay in suxufiyiintu ay hawshooda
u qabsadaan si xor ah oo aan cabsiyi ku jirin. Waa in la ilaaliyaa
dadka rayidka ah. Waxaan madaxda Soomaalida ugu baaqney in ay
qaadaan tallooyin lagu xaqiijinayo xuquuqaha aadanaha laguna
joojinayo dhaqanka ah in aan waxba la isu raacan (impunity). Waxaan
ku heshiinney in aan xoojinno dadaallada caalamiga ah ee ay ka mid
tahay in loo maro hay’adaha Qaramada Midoobey ee xuquuqaha aadanaha.
Ammaanka iyo Caddaaladda
10. Waxaan ku heshiinney in ammaanka iyo caddaaladdu ay muhiim u
yihiin in la helo geeddi-socod siyaasadeed oo guuleysta iyo
horumarkaba. Ammaan wanaagsan waxaa si joogto ah loogu heli karaa oo
keliya marka ay barbar socdaan caddaalad wanaagsan iyo talinta
sharciga.
11. Waxaan u mahad-celinney dalalka ciidamadoodu ay
nabad-ilaaliyeyaal ahaan u joogaan gudaha waxaana aan ammaanney
guulihii iyo wixii ay u hureen AMISOMiyo ciidamada kale. Waxaan soo
dhoweyney qorshaha wadajirka ah ee ay dejinayaan Qaramada Midoobey
iyo Midowga Afrika waxaana aan mar kale ku celinney muhiimadda ay
leedahay in la sameeyo hoggaan taabogal ah. [Waxaan soo dhoweyneynaa
in la ansaxiyo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee
tirsigiisu yahay **** ee ballaarinaya maandeytka (hawsha) AMISOM oo
badinayana tirada ciidankooda.] Waxaan AMISOM ku dhiirrigeliney in
ay hubiso ilaalinta dadka rayidka ah. Waxaa aan wada-hawlgalayaasha,
gaar ahaan deeq-bixiyeyaasha cusub, ku dhiirrigeliney in ay maaliyad
siiyaan AMISOM, taas oo ay ka mid tahay mid la soo mariyo Midowga
Yurub.
12. Waxaan ku heshiinney in, muddo ka dib, Soomaalidu ay la
wareegaan mas’uuliyadda ammaankooda ayna kobciyaan nidaamkooda
cadaaladda si ay wax uga qabtaan halista ku wajahan ammaankooda ayna
wanaajiyaan helidda caddaaladda. Waxaan aqoonsanney in Soomaalida oo
keliya ay u taallo in ay go’aansadaan nooca ammaan iyo caddaalad ee
ay doonayaan.
13. Waxaan aqoonsanney hawsha wanaagsan ee socota ee lagu taageerayo
waaxaha ammaanka iyo caddaaladda ee Soomaaliya. Waxaan ku heshiinney
in aan dhisno qaab wada-hawlgalayaal caalami ah si loo helo
isudiwidda aadka loogu baahan yahay iyo si diiradda loo saaro
hawlahaas, oo ay xoojinayaan tiro mabaa’dii ah oo lagu qorey lifaaqa
B oo si dhow ula shaqeynaya Guddiga Wadajirka ah ee Qaramada
Midoobey ee Ammaanka/UN’s Joint Security Committee.
Burcad-badeednimada
14. Waxaan mar kale ku celinney sida ay innooga go’an tahay
ciribtirka burcad-badeednimada, annaga oo ogaaney in dhibaatadu ay u
baahan tahay in hab ballaaran oo dhulka iyo baddaba ah wax looga
qabto. Waxaan muujinney welwelka aan ka qabno la-haystayaasha
muddada dheer lagu hayso Soomaaliya ee gacantana loo qaadayo. Waxaan
soo dhoweyney hawsha Kooxda Xiriirka arrimaha Burcad-badeedda
Dibadda Xeebta Soomaaliya. Waxaan sidoo kale soo dhoweyney guusha ay
gaareen dadaallada ciidamada caalamiga ah,waana ay innaga go’an
tahay sii wadista dadaalladaas oo kale oo leh xeerar adag oo hagaya
hawlgalka iyo ciidamo ku filan. Waxaan isla oggolaaney in
burcad-badeednimada aan lagu xallin karin hawlo mileteri oo keliya,
waxaana aan ku celinney muhiimadda ay leedahay in bulshooyinka in ay
wax ka qabtaan waxyaabaha sababta u ah burcad-badeednimada, iyo sii
wanaajinta in biyaha xeebaha Soomaaliya si waxtar leh loo adeegsado
iyada oo loo marayo tallaabooyin lagu dhisayo kartida dhinaca badda
ee gobolka. Waxaan soo dhoweyney dadaallada socda waxaana aan isla
oggolaaney in si wanaagsan la isugu duwo loona taageero. Waxaan ku
baaqney in si buuxda loo hirgeliyo Xeer-dhaqanka Anashaxa ee Jabuuti
(the Djibouti Code of Conduct) iyo in la sameeyo Soon/Degaan
Dhaqaale oo Gaar ah (Exclusive Economic Zone). Waxaana sugeynaa
waqtiga aan dib u eegi doonno horumarka la gaarey oo uu ka mid yahay
kan laga gaarey Shirka Burcad-badeednimada ee lagu qaban doono
Imaaraadka Carabta ee Midoobey bisha Juunyo.
15. Waxaan soo dhoweyney dadaalka wada-hawlgalayaasha hawshan/partners
in industry ee ka dhanka ah burcad-badeedda, waxaana aan ku baaqney
in si sidan ka ballaaran loo qaato Habka Maareynta ee ugu Wanaagsan
(Best Management Paractice) ee maraakiibka korkooda. Waxaan soo
dhoweyney hawsha hadda socota ee ku saabsan hagidda caalamiga ah ee
adeegsiga sharikaadka gaarka loo leeyahay ee ammaanka ee hubeysan.
16. Ma jiri doonto burcad-badeenimada aan waxba la isugu raacan.
Waxaan ku baaqney in si weyn loo kobciyo awoodda garsoor ee dacwad
ku soo oogista iyo xiridda kuwa ka dambeeya burcad-badeednimada ee
Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka waxaana aan aqoonsanney baahida
loo qabo in la xoojiyo kartida dowlad goboleedyada. Waxaan soo
dhoweyney heshiisyada cusub, ee qaar ka mid ah dowladaha iyo
hawlgallada ciidamada badda awood u siinaya in ay kuwa looga
shakisan yahay burcad-badeednimada loo maxkamadeeyo marka ay
wada-hawlgalayaashu ku qabtaan gobolka Badweynta Hindiya, iyo in
marka lagu helo, loo wareejiyo xabsiyo ku yaalla Puntland iyo
Somaliland oo heerarkoodu gaarsiisan yihiin jaangooyooyinka
caalamiga ah. Waxaan ogaanney ujeedka lagu doonayo in laga sii
fekero suuragalnimada in Soomaaliya gudaheeda laga dhiso maxkamado
ku takhasusey wax ka qabashada burcad-badeednimada.
17. Waxaan mar kale sheegney sida ay innooga go’an tahay in aan
maxkamadeyno kuwa u madaxda ah burcad-badeednimada. Annaga oo
aqoonsanneyna hawsha hore loo soo qabtey, waxaan ku heshiinney in
aan sii wanaajinno isuduwidda hawlaha wax looga qabanayo isusocodka
maaliyadda sharci-darrada ah iyo in la isu duwo sir-doonka iyo
baaritaannada. Waxaan ogaanney in Seychelles laga dhisey
Xarun-goboleedda Isuduwidda Sir-doonka-Maxkamadeynta ee
La-dagaallanka Burcad-badeedda/Regional Anti-Piracy Prosecutions
Intelligence Coordination Centre.
Argagaxisada
18. Argagaxisanimadu waxaa ay halis adag ku tahay ammaanka
Soomaaliya, kan gobolka, iyo kan caalamka. Waxaa ay silic weyn u
geysatey dadka Soomaaliyeed. Waxaan isla wada oggolaaney in aan u
wada shaqeyno si sidii hore ka xooggan, iyo iyada oo si buuxda loo
ixtiraamayo talinta sharciga, xuuqaha aadanaha, iyo sharciga
caalamiga ah ee bani’aadamnimada, in la dhiso kartida si loo
carqaladeeyo argagaxisada gobolka, iyo in wax laga qabto sababaha
asalka u ah argagaxisanimada. Waxaana aan aan isla garanney
muhiimadda ay arrintan leedahay. Waxaan isla garanney muhiimadda ay
leedahay carqaladeynta safarrada argagaxisada ay ku tagayaan
Soomaaliya iyo kan ay kaga imanayaan, iyo muhiimadda ay leedahay
carqaladeynta maaliyadda argagaxisada, waxaana aan ugu baaqney
dalalka goboka ku yaalla in ay hirgeliyaan talooyinkii
Koox-halweedda Tallaabada Maaliyadda/Financial Action Task Force ee
ku saabsanaa la dagaallanka dhaqidda lacagta (raad-gadidda
lacagta/money laundering) iyo maaliyad-siinta argagaxisada. Waxaan
xusney in sir-doon iyo baaritaan taabogal ah, iyo taageero la siiyo
nidaamka cadaaladda dembiyada ee Soomaaliya, ay muhiim u yihiin la
dagaallanka argagaxisada. Waxaan ku heshiinney in aan la shaqeyno
Golaha Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argagaxisada/the Global
Counter Terrorism Forum iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah iyo kuwa
goboleed si looga soo dhalaalo hawshan muhiimka ah.
Degannaanshaha iyo Soo-kabashada
19. Waxaan soo dhoweyneynaa guulaha ay gaareen degaanno ka mid ah
Soomaaliya ee ay ku abuureen goobo deggan, waxaana aan ku heshiinney
in aan kordhinno taageero lagu dhiso maamul sharci ah oo nabad ku
dhisan, iyo si loo wanaajiyo adeegyada ay helaan dadka ku nool
degaamadaas. Waxaan ku heshiinney in dadaallada noocaas ahi ay
dhiirrigeliyaan/kor u qaadaan wadajirka, ayna qayb ka noqdaan
geeddi-socodka siyaasadeed ee qaranka.
20. Waxaan fulinta Qorshaha Soo-kabashada iyo Dejinta Muqdisho u
aqoonsanney mid muhiim ah. Waxaan ku heshiinney in barnaamijyada aan
ku baahinno degaannada dhowaan dib loo soo ceshadey. Waxaan diiradda
saari doonnaa taageero lagu suuragelinayo in faa’iidooyin degdeg ah
oo la joogtana ah loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah:
bedqabka iyo ammaanka, fursado dhaqaale iyo adeegyo aasaasi ah.
Waxaan dhiirrigelin doonaa maamullo degaan oo waxtar leh oo lala
xisaabtamo, waxaana aan taageeri doonnaa xallinta khilaafaadka.
21. Waxaan ku heshiinney in guud ahaan taageerada arrimaha
degannaanshaha ee gudaha loo bixiyo si waafaqsan Heshiiska Cusub ee
ka hawlgelidda qaramada jilicsan ee dhowaan lagu ansxiyey Busan, oo
aan ka faa’iideysanno istiraatiijiyadihii dejinta ee ay diyaariyeen
IGAD iyo Dowladda Federalka ee Ku-meelgaarka ah. Waxa aan ayidney
tiro mabaa’dii ah oo hagaya taageerada caalamiga ah ee la siinayo
arrimaha degannaanshaha ee gudaha ee Soomaaliya (Lifaaqa C). Waxaan
xusney in la sameeyey Sanduuqa Maaliyad Degganaansho oo cusub kaas
oo qaar badan oo innaga mid ahi ay wax ku biirin doonaan[1].
22. Waxa aan isla oggolaaney in dib-u-dhiska iyo koboca dhaqaalaha
ee Soomaaliya ee muddada fog ay ku xiran yihiin ganacsi gaar loo
leeyahay oo firfircoon, iyo in gargaarka iyo maaliyadda qurba-joogta
ay labaduba kobcin karaan qaybaha laga faa’iideysan karo ee xoolaha,
kalluumeysiga iyo qaybaha kale ee dhaqaalaha. Waxaa aan xusney in
degganaanshuhu uu shuruud u yahay badi maalgelinta joogtada ah ee
kaabayaasha dhaqaalaha sida nidaamyada korontada, waddooyinka iyo
biyaha. Waxaan fileynaa in dhammaan arrimahan looga munaaqashoodo
Shirka Istanbul.
Bani’aadamnimada
23. Shirka waxaa ka hormarey kulan gooni ah oo laga yeeshey
arrimahabani’aadamnimada kaas oo ay wada guddoominayeen Qaramada
Midoobey iyo Imaaraadka Carabta ee Midoobey. In kasta oo ay
dhammaatey macaluushii, haddana ka-qaybgalayaashu waxaa ay welwel ka
muujiyeen dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee hadda jira, waxaana ay
ballanqaadeen in ay bixiyaan gargaar bani’aadamnimo oo sal looga
dhigayo baahida jirta oo keliya. Waxaa ay isla oggolaadeen waxyaabo
lagu heshiiyey oo la xiriira arrimaha bani’aadamnimada iyo in
gargaarka lagu xiro soo-kabashada muddada fog (waxaa lagu
faahfaahiyey qoraal gaar ah).
Isuduwid Caalami ah
24. Waxa aan ku heshiinney in hawsha looga heshiiyey London aan u
gudbinnoKooxda Xiriirka Caalamiga ah/International Contact Group
(ICG) ee Soomaaliya, waxaana aan soo dhoweyney go’aanka ICG ee
Jabuuti ee ah in laga fekero dib-u-habeyn si loo noqdo kuwo intan ka
waxtar badan. Waxaan ku taliney in ICG ay dhisto guddi hawleedyo u
qaabilsan geeddi-socodka siyaasadda, ammaanka iyo garsoorka, iyo
degannaanshaha iyo horumarinta. Waxaan ogaanney in, ICG dhexdeeda,
ay koox dalal muhiim ah oo ku hawlan arrinta ay ka shaqeyn doonaan
horumar laga gaaro dhinaca taageeridda dadaallada Qaramada Midoobey,
Midowga Afrika iyo IGAD.
25. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada Wakiilka Gaarka ah ee
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Xafiiska Qaramada Midoobey
ee Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ay ku fududeynayaan horumarka laga
gaarayo Soomaaliya. Waxa aan sidoo kale soo dhoweyney kaalinta IGAD
iyo Midowga Afrika, iyo taageerada Jaamicadda Carabta, Midowga
Yurub, iyo Ururka Shirka Islaamka. Waxaa aan dhiirrigelinney in si
waxtar leh ay hawlahooda isugu duwaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee
ka shaqeeya Soomaaliya. Annaga oo aqoonsan xaaladda ammaan ee
culeyska leh ee weli ka jirta Soomaaliya, ayaan haddana soo
dhoweyney dib-u-guuritaanka ay UNPOS ay dib ugu guureyso Muqdisho
waxaana aan isla oggolaaney in aan higsan doonno in aan waqti badan
oo kale ku bixinno gudaha Soomaaliya si Soomaalida loogala shaqeeyo
hawlaha adag ee hor yaalla.
Gebogebo
26. Waxa aan muujinney rajada aan ka qabno in la gaarey waqti cusub
oo siyaasadda Soomaaliya, oo ay taageereyso bulshada caalamka, ay
nabad ka dhalinayso Soomaaliya. Waxaa naga go’an in danaha dadka
Soomaaliyeed aan xuddun uga dhigno dhammaan tallaabooyinkeenna.
Waxaa aan ka dhur sugeynaa maalinta xaaladda ka jirta Soomaaliya ay
sameysey horumar dad ugu filan in shir caalami ah lagu qabto halkaa.
Inta laga gaarayo waqtigaas, waxaa aan laba-laabeynaa dadaalkeenna
aan dadka Soomaaliyeed ku gacan siineyno doonistooda ay dalkooda u
doonayaan mustaqbal wanaagsan.
Timacade News Desk
London , UK
|