Halgankii Ummada & Hankii Maxamed Cali (IHUN)
Guusha laga gaadhey dhameystirka qaybta hore ee hawshaa ayaa aad
loogu riyaaqay... .......
Maxamed Cali wuxuu ku jiray kuliyada Dagaalka (Kuliyatu
Xarbiya),waxaanu wax ka bartey hababka jabhadeynta, inkastoo uu ku
takhasusay cilmiga maamulka iyo maareynta miinada.Waxaa magalaada
Dimishiq ka yaalay xafiis ay lahaayeen jabhada xoreynta dhulka
Soomalida ee Xabashidu gumaysato (Jabhatu Taxriiral Soomaalu muxtala).
Jabhadani waxay xidhiidh la laheyd jabhada Somali Abo Liberation
Front.
Jabhada Xoreynta dhulka Soomaalida waxaa maamulkeeda hayey markaa
Sheekh Xuseen Sura oo reer Baale ahaa. Labadan jabhadood waxay isku
xidhayeen saddexda gobol ee Hererge, Baali, iyo Aarsi. Gobolka
Herergi wuxuu degaan ahaan u yahay ummada Soomaaliyeed, halka labada
gobol ee kale ay ka mid yihiin degaanka qoomiyada Oromada. Labadan
jabhadood aad ayey iskugu dhex jireen,wax wada qabsi badana aad ayuu
uga dhexeeyey.
“Waxaa xilligan jiray dhawr ciidan oo bartey Xarbu cisaabaadka(
habka jabhadeynta) oo ka soo kala baxey dhawr dal sida
Ciraaq,Suuriya iwm.Waxaa lagu talo jiray inaanu ciidankaa hogaamino
,oo meelahaas aan cidina xukumin ee no-man’s zones ee u dhexeysa
Bulaxaar iyo Saylac laga galo ayey aheyd ” ayuu yidhi Kornayl Yuusuf
Dheere Maxamed oo halkaa Suuriya kaga jiray kuliyadaa dagaalka.
Damiirku hagaagsanaa Hormoodnimo fiicanaa
Markuu hayin kuu noqdaa Habaas laga baaqsadaa
Hayaankana wuu ladhaa Haloosiyo toobiyuu
Hir doogle ku geynayaa, Wixii ku hoduu hiraa
Kashkuu hal’adayg faraa Samahuu u horseed noqdaa
Xumuu ka hagaag idhaa Hankana himiluu tusaa
Halyey diriruu noqdaa Markay ku bidaan hocoo
Hawaankana wuu nacaa Halbeega runtuu sidaa
Hawraarta dantuu tirshaa Haddeer wax taaganbuu
Hadhow ka hilaadiyaa. Wuxuu hebel ruuxu yahay
Intaanu heshiis la gelin Hawaawiga laacdanka’a
Maansada Higil, Abwaan Xasan Daahir “Weedhsame”
Maamulkii Cadan ee xilligaa ayaa ogolaadey inay hubkaa ugu deeqaan,
ugana dalbadey dalkii isku ahaan jiray Jekoslofaakiya(Czechoslovakia)
oo bishii Janaayo 1,1993kii u kala go’ay labada dal ee kala ah Czech
Republic and Slovakia.Waxaa markaa loo hawlgaley sidii hubkaasi ugu
gudbi lahaa Itoobiya una sii dhex mari lahaa dalkii la isku odhan
jiray Soomaaliya,siiba dalka iminka ah Soomaaliland ee bishii May
18,1991kii la soo noqday maamulkiisii.
“Dabayaaqadii 1970kii ayuu Maxamed Cali yimid Xamar,ka dibna gaadhi
ku tagey Berbera, ogaadeyna inay adkaaneyso in hub laga soo dejin
karo magaaladaa Berbera, wuxuuna u dhaafey Bulaxaar si uu u sahamiyo
sida ay suurtogal ku noqonayso inuu halkaa wax ka soo dejin karo”
ayuu yidhi kornayl Maxamed Galaal.
Sidii uu ididiilada ka qabey ayey u dhacdey oo sahamiskii ka dib,
shixnadii hore ayaa Bulaxarar ka soo degtay,laguna raray dameero loo
sii diyaaariyey.Si fudud ayey ku galeen dalkaa Itoobiya. Si fudud
ayey ku galeen dalkaa Itoobiya.
Guusha laga gaadhey dhameystirka qaybta hore ee hawshaa ayaa aad
loogu riyaaqay. Maxamed Cali ayaa u socdaaley dhanka magaalada Cadan
si uu u soo galbiyo shixnada labaad ahna tii u danbeysay ee hub
keenista.Waxaa kaloo ku wehelinayey socdaalkaa Maxame Cali koox ka
mid hogaankii jabhadaha Oromada iyo xoreynta dhulka Soomaliada ee
Xabashidu gumaysato.Waxaana ka mid ahaa oo laga tilmaami karaa
Maxamed Cabdi Sh.Ciise Cali (Jarjarse ), Axmed Muuse Xirsi –Axmed
Diqe sidoo kale loo yaqaaney Axmed Muuse Qoti, Tuuji. Kooxdana waxa
hogaaminayey Sheekh Jaare oo iminkana ah hogaamiyaha Oromo Islaamiya.
Dawladii xilligaa ka talinaysay dalkii la isku odhan jiray
Soomaaliya ayaa ka war heshay hubka sida fudud u dhaafey,maqlayna in
shixnad labaad soo socoto.Markii doontii hubka siday soo gaadhey
Bulaxaar ayaa waxaa gacanta ku dhigay maamulkii Dawladaa. “Waxaa ii
yeedhay taliyihi booliska magaalada Berbera laba xiddigle Cabdi
Guray oo indhaha ii saarey kooxda Oromada ah ee la soo qabtey,iina
sheegay hubka ay wateen iyo waxay u socdeenba” ayuu yidhi Axmed
Shell oo xilligaa 1971kii ahaa Maareeyaha Shirkada Shell ee
goboladii Woqooyi iminkana ah wadanka Soomaliland.
Markaa Maxamed Cali maamulkaasi wuxuu u haystay inuu yahay nin Oromo
ah,laguna diiwaan-galiyey,isna kamuu hadal oo diidmo kamuu
keenin.Waxaa maamulkii (Distric Revolutionary Council ayaa la odhan
jiray barigaa) Berberana haystay Maxamed Case(IHUN).Dhinaca
ciidamada aagaasna waxaa haystay Heybe Cumar(IHUN) oo markaa ahaa
gaashaanle, halka uu ciidamada cirka haystay Kornayl Ciro oo ka
danbeeyey inqilaabkii Afweyne ee guuldareystay gu’gii 1978.
Qaybtii 2aad
Mareegaha Farshaxan
Ogoosto ,2013
Ururintii iyo tifatirkii
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo
www.farshaxan.org
|