Halgankii Ummada & Hankii Cabdi-Qaadir Koosaar (IHUN)‏

 



Khudbadaas waxaa loogu wanqalay oo ay taariikhda bulshada aduunka ku gashey, qaarada Afrikiin a ku suntatey khudbadii (Qaybtii 1aad)...

Gurboodow yaryare Wey gabaabsidaye
Goormaa kacdeen Goormuu Nin ragi
Nacas garabsan jiray Goormuu hacoo
Geela raaci jiray Goormuu kasgaab
Garta qaadi jiray Goormuu bakhayl
Gool loogi jiray Goormuu fuluhu
Geli jiray rogaal Goormaa baroor
Baqal gaadhi jiray Goormay gabniyo
Madi geel sinmeen Goormaa halyeey
Gocor maagi jiray Goormuu atoor
Aar guhaadin jiray Goormay dhalool
Galool mudhay ahayd Goblantooy adduun
Waa galinba cayn Gedaan loo filayn
Ayey gudo wadhaa

Maansadii Agabare, Abwaan Axmed Aw Geedi

“Muxuu yeeli lahaa hadduu Hogaamiye Amikaar Kabral(Amílcar Cabral) noolaan lahaa oo uu goobjoog u noqon lahaa geeridii shirqoolaysnayd ee ku timid Sarkaal Sare Cabdiqaadir Koosaar (IHUN)?” Waydiintaa ayaan iswaydiiyey,waxaa markiiba maankaygu iigu warceliyey: “Si kale Amikaar Kabral muu yeeleenee, khudbadii uu ka dul akhriyey aaskii qaaradeed ee loo sameeyey halgame Nakruuma ayuu ku soo celin lahaa”...


Khudbadaasi Amikaar Kabral uu maalintaa May 12, 1972 akhriyey ayaa waxaa lagu tilmaamaa khudbada ugu dhumucda weyn ee halgame qaarada Afrika ahi uu jeediyo. Waxay aheyd khudbadaasi dhiirigalin iyo toosin.Inkastoo dad badan oo taariikhda qoraa ay yidhaahdaan nuxurka khudbadaa waxaa lagu soo ururiyaa sidii wax looga qaban lahaa cudurka “is-boqno goynta” ee Qaarada Afrika la hadhey,horumarna u diiday. Qaarada Afrika guud ahaan, gaar ahaana dalka Soomaliland waxaa in badan hormoodkooga mashquuliyey oo waxqabad u diiday hebel boqno goo, kaadhka ka gub, sun cagaaran qabadsii, taladiisa khilaaf, yaanu muuqan,wanaagba ha u qirin, dhimashadiisa wax ku yeelo, geeridiisa soo dhawee oo caleemo-saar,aaskiisa khudbad mashxaradeed ka dul akhri,awooda dawladeed wax ku muquuni,dadka ku doortay dibindaabyadooda ka shaqee,iwm.


Khudbadaas waxaa loogu wanqalay oo ay taariikhda bulshada aduunka ku gashey, qaarada Afrikiina ku suntatey khudbadii kansarka is-boqno goynta(Cancer of betrayal- Discours sur Le Cancer de la Trahison).Horumar la’aanta iyo is gargaar li’ida ka jirta qaarada la quudhsado ayaa loo tiriyaa inay khudbadaasi muuqaal guud kaa siinayso. Amiikar Kabral wuxuu u dhashay wadanka Gini_Bisaaw,waxaanu ahaa halgamaa lagu boqno-gooyey isla dalka uu khudbadaa ka jeediyey hal gu’ dabadeed.


Dadka reer Soomaaliland haddii ay khudbadan eray-bixin u samayn lahaayeen waxay ku ladhi lahaayeen magacyo siyaasiyiin u badan, dalkana ka caan ah.Waa siyaasiyiin mabda’oogu ku salaysan yahay “Waxay shalay diideen bay maanta doonaan, waxay shalay dooneen bay maanta diidaan”. Mabda’aa cidii ka hortimaada kalgacal iyo gurmad uma fidiyaan. Waa is-tiqiin is-ilawday.
Wadanka Soomaaliland ayaa dib ula soo noqday xornimadoodii ay u gawraceen midawga shanta Soomaaliyeed gu’gii bishii May 18,1991.Dadaal dheer iyo halgan dheer oo loo huray ayaa xoriyadaa dib u soo celiyey.Dad tiro leh ayaaney u suurtogalin inay midhaha halgankoogii arkaan ama ku doogsadaan.Wadanka Gini_Bisaaw ayaa sidoo kale xornimadiisii qaatey bishii Sebtember,1973.Inkastoo aduunweynuhu aqoonsadey 10 Sebtember 1974.


Wadanka Gini-Bisaaw horaantii 1970-yadii waxaa ku wada sugnaa mid ka mid ah hogaankii xisbiga PAIGC oo u halgamayey xornimada wadamada Gini-Bisaaw iyo Gasiirada Kayb Feer( Cape de Verd) ahaana sarkaal sare Amikaar Kabral(Amílcar Cabral) iyo sarkaal sare Cabdiqaadir Koosaar oo xul ahaan loo doortay inuu ciidamada wadanka Gini-Bisaaw siiyo tababar milatari iyo maamulba. Sidoo kale ayuu Cabdiqaadir Koosaar ahaa hogaankii ciidamadii SNM ee u halgamey dib ula soo noqoshadii xoriyada wadanka Soomaaliland. Labadaa hogaamiye midna umay suurtogalin inuu goobjoog noqdo maalintii loo dabaal-degayey guushii halgankaga ay kaalinta laxaad leh ka qaateen. Sidoo kale ayaa labadoodaba waxaa geeridooda ku hogaamiyey dil lala beegsadey.


Horaantii 1971 ayaa hogaamiye Amikaar Kabral bilaabey inuu diyaariyo hawlihii lagu soo dhaweyn lahaa xornimada dhalaneysa gu’ga 1973. Gu’gani ayaa hawlahaa qaranka ee u diyaargarawga xoriyada waxaa ka mid ahaa in la dhiso ciidan qaran. Waxaabu jaleecay wadamada Afrika wadanka kaalmo laxaad leh arintan ka geysan kara. Waxaa xilliga cusbaa wadamo dhawr ah oo awoodda dalkooga ku qabsadey inqilaab Milatari. Waxaa wadamadaa ka mid ahaa Jamhuuriyadii Soomaaliya oo waliba horumar ka muujisay korodhka tirada iyo tayada ciidamada xilligaa.


Isbadal siyaasadeed ayaa ka dhacey wadankii Jamhuuriyada Soomaaliya.Inqilaab Milatari oo aan la mahadin ayaa ka hanaqaadey.Dad badani aad ayey u soo dhaweeyeen, sidoo kale ayey dad kalena muujiyeen diidmo qayaxan.Abwaan Cabdi Aadan Qays oo ku hadlayey afka bulshada reer Soomaaliland ayaa ku cadeeyey hagardaamada reer Soomaaliland ku habsatey maanso, una rajeeyey inay mar uun la soo noqon doonaan.Soo noqoshadaa Cabdi Qays saadaalieyey waxay dhabowday bishii May 18,1991.Waxaanu abwaanku yidhi:
Sasabada naftaydaay Janadaad ku sooryeeyn
Waa sagaal gu’ iyo subax intii aan ku sugayee
Haddana isa seegnee Anuun baa samraayee
Sidaan kugu arkaayana Samo kaama filayee
ku sugayeee Allahayoow
Sahdanbe maxay noqon

Safar iyo naftayduna Sahan bay ku laalan tee
Salka kama fadhiistee socodkaagi baa i dilay
iyo soo noqoshadaadiiye Anuun baa samraayee
Sidaan kugu arkaayana Samo kaama filayee
ku sugayeee Allahayoow
Sahdanbe maxay noqon

Si ay sababtu aheydba wadankaasi Gini-Bisaaw wuxuu codsigooda u soo gudbiyey wadankii Jamhuu riyada Soomaaliya. Si kastaba ha u dhacdee, Jamhuuriyadii Soomaaliya ayaa ku guuleysatey inay in dhaha wadankaa cusub soo jiidato Maamulkii Jamhuuriyada Soomaaliyana waxay xilkaa u cumaama deen sarkaal sare Cabdiqaadir Koosaar. Markii maamulkii jamhuuriyadii Soomaaliya wada tashi sam eeyey, indha-indhayna ku sameeyey saraakiishii ugu firfircoonayd xilligaa ayaa la isla gartey in sarkaal Cabdiqaadir Koosaar uu xilkaa ka soo bixi karo, wadankii Jamhuuriyadii Soomaliyana magac iyo maamuusba uu sarkaal sare Cabdiqaadir Koosaar u soo jiidi karo.


Waxaa warqadii hawlgalinta iyo codsiga gudashada xilkaa loo gudbiyey sarkaal Cabdiqaadir Koosa ar. Sidaa darteed ayaa Sarakaal Cabdiqaadir Koosaar u hawlgalay inuu doorto xubnaha kala hawl gali kara hawshaa oo ka tirsanaa wasaarada gaashaandhiga iyo Wasaarada Caafimaadka. Dhinaca caafimaadka wuxuu sarkaal Cabdiqaadir soo xushay Dr.Cabdilaahi Diiriye iyo kalkaaliye caafimaad Saynab. Dhinaca wasaarada xoogga dalkana waxaa uu ka soo xushay ilaa dhawr isbatoore oo tab abarkaa la fulinaya,uuna aad ugu kalsoonaa inay kaalintooda buuxin doonaan.

La soco qaybaha danbe.
 

 


Ururintii iyo tifatirkii:
Fu,aad Sheekh
Fariin mareegeed: Somaliland@farshaxan.com
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org