Hal-abuur Hirgalay iyo Caasha-luul!

 

Caasha Luul Maxamuud

 


Please is diiwaan gali ( register)


Kayd Somali arts and Culture iyo Universal TV waxa ay kugu marti qaadayaan, in aad ka soo qayb gasho Bandhig-suugaaneed lagu gardaadinayo hal-abuurka faca soo ifbaxaya, Caasha-luul Maxamuud Yuusuf iyo wax soo saarkeeda suugaaneed oo ka dhici doona istuudiyaha Universal TV, Clifforx Raod, London E17 4JE, fiidnimada Axadda 31 Janaweri, laga bilaabo 19:00.

Waa barnaamij noociisu ugub yahay oo markii ugu horraysey lagu soo bandhigay London bishii Octoober 10-keedii, caynaddiisuna xiiso gelisay intii ka soo qayb gashay. Waxa bandhiggan -oo ah kii labaad- lagu gorfayn doonaa hal-abuurka Caasha-luul, ahna hooyo da’ yar. Waxa ka qayb qaadanaya gardaadintaas maansayahan iyo Suugaan-dhaadhi ay ka mid yihiin:


Cali Axmed Raabbi (Seenyo)
Dr Martin Orwin oo ah macallin, suugaanta iyo afka Soomaaliga Jaamacada SOAS,
Axmed Maxamuud Xudaydi
Siciid Jaamac
M. Xasan Alto
Axmed Xasan oo ka mid ah maamulka WardheerNews.com,
Cabdiraxmaan Abees oo ah hal-abuurkii hibooyinkiisa lagu ibo furay bandhiggan,
• Maxamed Baashe iyo qaar kale.

Caasha Luul waxaa habeenkan codkiisa dibicsan ku nasin doona Cabdifataax Yare oo ah heesaa dhalinyaro ah

Maadaama ay madasha dad kooban loogu talo galay fadlan noo soo gudbi magacaaga ayan_mahamoud@kayd.org ama 07903712949 si aan kuu diiwaan galino. Waxa kale oo aan si xishmad leh kaaga codsanaynaa inaad wakhtiga ilaalisid maadaama barnaamijkani toos uga baxayo telefiishanka.
 

 


Ayan Mahamoud
ayaan_ashour@yahoo.co.uk