Hal doorkii Kulmiye ku Faani jirey mee maxa xilalkan m ucaarid ka lagu casuumayo loogu igman waayay. mise hal doorba kuma hadhin oo baahi ba keentey in mucaaridka la fadhateysto

 



Waxan maanta doonaya in an dhawr ery oo runtii igu muudan ka idhaahdo isbadalkan lagu sameyay golihii wasiirada JSLand runtii wa loo baahna isbadal in lagu sameyo gol aha wasiirada waayo shacabku inbadan bu qeylo dhaan u direy madaxweynaha inu wax ka badalo wasiiro dhawro ah oo shacabku aad iyo aad uga cawdeen islamarkan ay dhib sadeen hawlihii ay qaranka u hayeen dhaliilo badanina jireen, waxase nasiib daro ah in an midna lagu so darin wasiiradii shacabku codsadeen in la badalo oo ay wali joogan ka na mid yihiin kuwa la sii dalacasiiyay waana nasiib daro..

Mida kale ee an jecelahey inaan wax ka idhaahdo, horta caalamkan aynu joogno lama ar ag xisbi doorasho ku guuleystey oo taladii dalka gacanta ku dhigay oo midida daabkee da heysta oo siyaasiyin axsaab kale oo ka tirsan ku soo casuumo xilal sare wa arin ina gu cusub oo caalamkan ugub ku ah.

Runtii wey dhici karta haddii doorashada horteed ey laba xisbi qaran ku heshiiyaan in ay talada dalka si siman u qeybsadan oo ay dawlada wadaag sameystan markaasaad arki karta oo ay macquul tahay in labad xisbi soo wada magacaaban golaha wasiirada, lkn habkan cusub ee dawladan Siilaanayo inoola timid ma jiro caalamkan xisbi sidaasi u dhaqma o shakhsiyaad xisbi mucaarida ah ka tirsan oo an iscasilin oo waliba xilal haya in loo magacaabo wasiiro wa sheeko inagu cusub oo runtii hore inoo soo marin.

Waxa iyaduna maanta caalamkan aynu joognu ku cusub siyaasiyiin mucaarid sheegane ya oo mab'da xisbi mucaarid aaminsan oo qunyar farta loogu yeedheyo oo qaadaneya xilal faro guud kood ah oo loo magacaabay isagoo an la tashan xisbigii u ka tirsana ee mucaaridka aha tanina wa mid inaguso kordhey oo an hore inoo somarin, waliba saxaaf ada iyo warbaahinta horteeda ka odhaneya waan ku faraxsan nahay xilkaasi la igmad ay ama la i magacaabey, shalayna laha wa in laga takhalusa oo dalka laga qabta mafiya dan kulmiye ee dalka heysata, wa mid iyaduna inagu cusub oo uu mucaaridka somaliland saaxada siyaasada kuso kordhiyay inu xil ka qaban karo xisbiga talada haya hadii loo gacan haadiyo, wa arimo caalamkan ku cusub oo an hore loo arag.

Waxan haddaba aakhristoow isweydiiyay oo an ila hadda garan la'ahey sababta iyo ba ahida ku kalifeysa madaxweyne Siilaanayo inu fadhateysto ama garabka taabto madax da ka tirsan asxaabta mucaaridka ah isagoo heli karaya hal doorkii kulmiye ee labeenta aha ee uu xisbigu ku faani jirey.

1.MAYE HAL DOORKII KULMIYE, ma hal doorkii kulmiye ba laga waayay wasiiro buuxin ka ra jagooyinka mucaaridka loogu casuumayo halkee wax ka si yihiin,

2. Maye raggii xisbigan usoo halgamey miyeey dhamaadeen oo baahi ba timid,

3. Maya kuwii ku laxaad waayay kulmiye ee naafada ku noqdey halgankii kulmiye,

4. Maya kuwii maalkooda u hurey kulmiye ee ku maal iyo aduun ba waayay ee hantidoo din ololaha ku galay kulmiye,

5. Maya kuwii waxwlaba ku seegay, su'aalo badan baan isweydiinaya oo an garan la ah ey sidaan uga jawaabi laha waxan socda ee uu madaxweyne Siilaanayo ku dhaqma yo, marmar waxan isidhaahda waaba run wixii la sheegsheegayay ee aha odaygu talo ba g acantiisa kuma jirto taasan xaqiiqsan kara maanta markaan uu kuurgalay arimahan so cda..


Waxan qoraalkeygan kuso gabagabeynaya KULMIYE WA WADA UULOO UL LA QAATO MA LEH, taasa marag ma doon ah maadaama laga maarmi waayay siyaasiyintii mucaaridka aheyd ee axsaabta mucaaridka ka tirsaneyd. Waxan u sheegaya taageerayaasha kulm iye iyo siyaasiyinta kulmiye in ay maanta ka jaanis wanaagsan yihiin kuwa axsaabta mu caaridka ka tirsani haddii jagooyin soo baxaan wasiiro iyo wasiiro kuxigno oo loo yeedhi doono mucaaridka inteyda hadhey...kk

Guul baan u rajeynaya somaliland ilaaheyna isbadal kheyr qaba ha inooga dhigo aamin
 

 

 


Omar Darood Hassan

Norway