Hadii lakala go'ay macnaheedu ma aha la isuma
talaabi karo,Madxweyne Xigeenka SL
Sheekh Shariifna waxa aanu u
aragnaa ninkii kala guri lahaa Somaliland iyo Somalia Xukuumada
Somaliland ayaa soo dhawaysay Madaxweynaha cusub ee loo Cumaamaday
Dawlada ku Meelgaadhka ah ee Koonfurta Wadanka Somalia.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo ah Masuulka labaad
ee ugu sareeya Qaranka ayaa sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif uu
yahay Siyaasi qunyar Socod ah oo wax badan ka bedeli kara Fikrada ah
in Somaliland aanay ka goí Karin Wixii la isku odhan jiray
Jamhuuriyadda Somaliland, sidaasi darted buu Madaxweyne ku xigeenku
tilmaamay in uu Sheekh Shariif la jaan qaadi karo Rabitaanka
Somaliland.
Hadalkaasina waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kaga tiraabay Xaflad
Qado sharaf ah oo uu la yeeshay Qurba jooga reer Somaliland, gaar
ahaana xubnaha iyo taagerayaasha Xisbil-xaakimka UDUB.
Waxa kale oo Md. Yaasiin intaa ku daray in dadka walaalaha ah ee
Afka Soomaaliga ku hadashaa aanay sinaba ku kala maarmi Karin, balse
la fahansiiyay sida uu yidhi fikrad khaldan oo lagu kala fogaynayo
dadka.
Mar uu Madaxweyne ku xigeenku ka hadlayay Sida uu u arko Shakhsiyada
Sheekh Shariif iyo Siyaasadiisa, waxa uu yidhi "Waxaan rajayn ka
filayaa Maamulka Qabsaday Koonfurta wadanka Somalia, waa Dhalinyaro
Cusub oo da'dii talinaysay 1960-kii meesha way ka baxday, da'daasi
waa da'ciil qabta oo siyaasad badani soo dhex martay".ayuu yidhi
Madaxweyne ku xigeenku,
Isagoo ka hadlaya sida uu Sheekh Shariif u arko Qadiyada
Madaxbanaanida Somaliland iyo gooni isu taageeda, waxa uu Madaxweyne
ku Xigeenku hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Somaliland iyo
Shariifku wax badan iskala meel dhigi karaan arrimaha Somaliland,
isla markaana uu rajaynayo in is faham badani ka dhalan karo, isagoo
arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Waxaan filayaa Shariifku inaanu
Arrinka Somaliland iyo Somalia si fiican u kala guri doono, Dabcan
Soomaali kala maarmi mayso, oo Cid xad xidhaysa iyo kala oodaysaa ma
jirayso oo sidaa Yurub baa la noqon doonaa, Qolo waliba horta inay
dib isu soo dhisto oo dib u muuqato, nina laga celin mayo Hargeysa
nina Xamar laga celin mayo.
Dadka khalad baa la fahansiiyay
oo la yidhi xad baa la xidhaya oo nina soo gudbi mayo, taasina waa
waxa dadka lagu kala fogaynayo, dadku waa dadkii uun laakiin sidaa
Yurub wax u kala leedahay baa aanu annaguna wax u kala yeelanaynaa,
dadkuna sidaas bay isu dhex soconayaan" , sidoo kale qadiyada
Somaliland ma aha mid mugdi gali karta, mana aha mid dib looga
laabanaayo, jiritaanka Somaliland waa muqadas, hadaba Somaliland
waxa ku sugan oo ka ganacsada dad u dhashay dalkaasi aynu isku
biirnay 1960kii, kuwaasi oo aynu xornimadeenii kala soo noqonay
1991'kii, markaa taas macnaheedu ma aha in Somaliland ayna cidna
iman karin oo ka ganacsan karin, ee hadaba dad badan ayaa noo marti
ah ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku
Xukuumada Somaliland oo aanu hore iyadu waxba uga odhan Mawqifkeeda
ku aadan sida ay u aragto Maamulkan cusub ee loo dhisay Somalia,
ayaa Dhawaaqan ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenku waxa uu daah
furay hadafkeeda siyaasadeed ee ay kula macaamiloon karto Somalia oo
beesha Caalamku u aragto inay tahay Dhimbiil ka dhex oogan mandaqada
geeska Africa.
Hore ayaa Axsaabta Qaranku uga hadleen sida ay u arkaan
Madaxweynahan cusub ee Somalia, taasi oo ay soo dhaweeyen, balse uga
digeen in uu ku dhaqaaqo dhabihii ay hore ugu hodmeen hogaamiyaashii
ka horeeyay.
Madaxweyne ku xigeenku waxa aad uga hadlay oo xusay in wadamada
dariska ah ay kula noolaan doonaan nabad oo ay ku jirto Somalia.
Qarannews
|