“Haddii Wasiirkii Xamar yidhi midnimadii ayaanu ku qancinaynay,Annaguna qaddiyada….”

 


Hargaysa (TNN) :- Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal war-baahinta qaarkood ay qoreen oo ka soo yeedhay wasiirka Arrimaha Guddaha dawlada Xamar, oo hogaaminayay xubnihii wadahadalkii Turkiga uga qayb galay dawladaasi.

Xirsi Xaaji Cali Xasan waxa uu sidaasi ka sheegay dood lagu qabtay Telefishan Qaranka oo ay xubnihii shirkii Istanbul Somaliland u metelayay ay faah-faahin kagfa bixinayeen qodobadii lagu heshiiyay shirkaasi, iyada oo ay shacabku halkaasi su’aalo ku waydiinayeen xubnahaasi.

Wasiirka madaxtooyadu oo faah-faahin ka bixinayay hadalka ka soo yeedhay wasiirka arrimaha guddaha dawlada Xamar waxa uu yidhi “Runtii waxaan faah-faahin ka bixinayaa heshiiskii u danbeeyay ee aan Turkiga ku kala saxeexanay dawlada Soomaaliya, oo saxaafada qaarkood sifo qaldan wax uga qoreen, haddii wasiirkii wadahadalada u hogaaminayay dawladaasi Xamar markii uu tegay Muqdisho ee uu shacabkooda u waramayay yidhi reer Somaliland waxaanu ku qancinaynay midnimadii Soomaaliya. Annaguna waxaanu leenahay waxaanu ergadaasi la hor fadhiisanay oo ku qancinaynay qaddiyadii gooni isu tagga iyo madaxbanaaniyadii aanu la soo noqonay. heshiiskuna marba gole iyo goobtiisa ayuu leeyahay waana wax sii soconaya”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi wasiirku “Wadahadalkaasi waxaanu ku metelaynay shacabkayagii iyo dawladayada aanu u dhaaraney iyo madaxweynihii noo diray, waajibkayagii ayaanu gudanay Somaliland-na heshiiskaasi waxaa uu u ahaa guul wax ku oola iyo in aanay xuquuqdeedii hawada oo ka maqnayd muddo dheer dib ula soo noqoto”.

Dhinaca kale
ku xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo dhamaan xubnihii kale ee ka midka ahaa ergadii Somaliland u metelaysay shirkii Istanbul ee Turkiga ayaa sheegay in heshiiskaasi uu ahaa mid midho dhalkiisu ku dhamaaday guul Somaliland-na u soo kordhiyay xuquuqdeedii hawada oo lagu heshiiyay in guddi wada jir ah oo labada dawladood u maamuli doonta arrintaasi, iyada oo loo saarayo guddi farsamo oo laba dhinac ka kooban.
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland