Maxamed Bulxan (Maxamed Cawar) wuxuu yidhi: " Haddii Mililig waa baal gashaday, haatan baylehe Birtu d haragtay goortuu Ilyaas, yaa-bahooy yidhiye. Biyaha Awdal waxaa joogi jiray, wiilal loo bogoye."
 

 

Gabaygan waxaa I xusuusiyey, colaada beelaha somalida ka dhex oogan, gaar ahaan, tii siya asada ee dhawaan ka dhex qaraxday beesha subeer awal iyo dhawaaqyadii ka soo yeedhay kooxo af beeleed ku hadlaya iyo kooxa ka soo jeeda beesha goolaftamaysa oo ka baayac mu shtareyneysa. Gabaygan iyo hordhiciisii waa kana, ka bogta dhamaantiin.

Xilli lagu qiyaasay dabayaaqadii qarnigii 19aad, intii aanay Daraawiishi weli qalabka qaadan, ayaa dagaal khadhaadhi dhexmaray labo jilib oo Isaaq, Habar Awal ah. Wuxuu dagaalkaasi ka dhacay meel la yidhaahdo Dhamal oo degaanka Berbera magaalada u ahayd ka mid ah. Waxaa dagaalkaa gabayo digasho ah ka tiriyey rag dhawr ah oo Isaaqa kale ah iyagoo nima nkaa haybta wada sheegta ee birta iska aslay ku diganaya. Waxaa sidoo kale gabayo calaal ah mariyey niman qolyihii isku baaba’ay kasoo jeeda.

Maxamed Bulxan oo lagu naanaysi jiray Maxamed-cawar oo nimankaa is laayey la hayb ah a yaa haddaba gabay uu kula hadlayo raggii dagaalka ka calaacalay iyo kuwii ku digtayba mari yey. Waa gabay qudhiisu hawaalawaran iyo calaacal u badan. Wuxuu Maxamed si balaadhan uga waramay colaado badan oo dhulka Soomaalidu degto xilligaa ka holcayey iyo abaaro xun oo dadkii naafeeyey. Waxay dulucdiisu tahay in dhibaatada bahdii ku dhacday dad badani la qabo oo aanay gaar iyaga uun ku ahayn. Wuxuu yidhi:


 




Burhaan gabay Bullaalow baryahan, beerka kuma hayne

Waataan ka baalidey sidii, beeyo roob helaye

Xalaybaa habeenkoo badhtamay, baan la ii tumaye

Aan bayamiyo wa taan tixaha, buuni ku ahaaye

*****

Balaayada adduun wali ma iman, bohoradeediiye

Buuray ku joogtaa intay, reero baabi’ine

Hadba qolodii bocor haysataa, loo bun dubayaaye

Badhaadhiyo sabool baysu jira, laba bidhaamoode

Banka xoolo lagu foofiyaa, biid kasoo hoyane

Ninkii baxaya buuraha jinkaa, loo bidhbidhiyaaye

Booraamo haddimuu Iblays, uga bidhaamaaye

Waxaa lagu bilkaydaa kuwii, boholo Faaf yiile

*****

Nuux Maxamed waa kii is bulay, beri colowgiiye

Bixin kuma lisaan qaalmihii, boodh cadka ahaaye

Biyaha Yuusuf iyo Aadan waw, kala baqaayaaye

Barbaar jeedal sidataa ka nool, labadii beeloode

Budhcadii Ruguud iyo Xiis, way bannaantahaye

Batar kama tumaan Muusayow, barandihii Maydhe

Laasqoray baqoolkii ma galo, bedenkii reer Suure

Boosaaso iyo Eylna waa, laga baroortaaye

Butiyaalo nimankii fadhiyey, way ka baxayeene

*****

Majeerteen is balawaadhintii, kala bannaan qaadye

Burjigii ka duul Nuur Cismaan, jarayey baanaha e

Baxsanow Keenadiid wuxuu u kacay, beled shisheeyaaye

Hobyo ugama baydheen ninkii, Baho u weynaaye

*****

Biyomaal Baraawiyo fadhiya, badaha sii jeeda

Isba Boodhe dabadeed ma cunin, budiyo iidaane

Biddoodkii Kismaayoodna ways, wada bog dooxaane

Boon iyo Xirsina haatan dhige, bilic wanaagiiye

Bulshadii Garaad Faarax iyo, bariba naafowye

Barkad iyo guryihii Bah Ararsame, balal ka qiiqowye

Boos Cali iyo Reer Gorodna, way kala birdhiiftaane

Rawax maalintii lagu bulay, beden coloobeene

Buuhoodle laga waa waxay, beri ku haysteene

Reer Sugule goodiga bankuu, baalcaddii dhigaye

Iyana baarax uma soo shiraan, beri samaadkiiye

Waa beeyo Habar Yoonistii, bu’aha waalayde

Waa taa laftoodaa balaqan, booraan loo qodiye

Arabna wuxuu la balawaasayaa, boogtadii shalaye

Waa tii Bah Deylana la dhigay, bacadkii Sheedaade

Makaahiilku boogtaa ku taal, waa bukaa waliye

Dadkaba nimaan baduugaha mar noqon, buugga laga waaye

Boqor iyo ka hoosow ma jiro, nimaan budhaysnayne

Dadka wada bakhtiyey Adari baan, bari ku noolayne

Waxa Xabashi baasku ugu dhacay, waysu baaneene

Haddii Mililig waa baal gashaday, haatan baylehe

Birtu dharagtay goortuu Ilyaas, yaa-bahooy yidhiye

Biyaha Awdal waxaa joogi jiray, wiilal loo bogoye

Burhaan beygii dhalay yaa beryana, baawar ku lahaaye

Barkiyoomin lacaguu lahaa, haatan baalida e

Baashiga lasoo sheegayee, baladadii qaatay

Banaadiikhda la iskaga cayimay, beerka iyo laabta

Boqorada la wada gowraciyo, buuniyada ooyi

Waa baadi geerida Isaaq, loo bundubayaaye

Bur sareen leh hay dubin kuwii, beertay laga qaadye

Weysada biyee waxaan u kic, beydki Nebigiiye

Balka ii dhig caawaba qaluhu, hayga sii baxo e

Adiguna tolkaa baal ka raac, bulan xigaalkeene

*****


 

Hamud Duale