Haddii Gud: UDUB uu xabbad ka dul rido Gud: KULMIYE xeer maxaa innooga yaalla?

Intii ka danbaysay 06/04/2009 dad badani uma aqoonsana Daahir Rayaale madaxweyne ee waxa shaki ku jiraa in loo aqoonsanyahay guddoomiyaha UDUB. Xeerka dalka u yaalla qofna kama weyna ee waa loo simanyahay. Dhibka taaganina ma aha hebel baa madaxweyne doonaya ee waa xeerkii oo dhulka la jiidayo, waa sharaftii dalka oo la xaadhay, waa dedaalkii dadka oo xabbad lala dhacay. Waa himiladii ummadu higsanaysay oo lagu tuntay, waa hiigsigii dadka oo la dilay.

Madaxweyne qofka loo doortaa waa in la sharfaa, haddii uu noqdo Daahir iyo qofkii kale ee loo doortaaba waa in lagu ixtiraamaa mas'uuliyadda loo dhiibay. Taasi maanta ma jirto, qofka ay ula egtahay in ay jirto, garanmaayo cidda uu u hiilinayo. Kala dooro in aad xeerka u hiiliso iyo in aad qof u hiiliso. Qaranimadu waa marka la wada ilaalinayo, dalka iyo danta guud. Haddii qaybi is tidhaahdo ilaali oo qaybta kale ka xigso horaa loo soo arkay ee taa ninna yuu ku seexan. Maahmaah baa tidhaahda "Aan wada hadallo waa aan heshiinno" Ilaa maanta lagama hayo Daahir Rayaale iyo UDUB wax wada hadal ah oo ay diyaar u yihiin. Haddii Kulmiye iyo UCID ay diidaan wada hadal, dadka ayaa markhaati ka ah oo tilmaami doona.

Maanta ma waxa aynu sugaynay in xukuumaddii dalku ay xabbad ka dul riddo Guddoomiye Xisbi Qaran iyo shacbigii dalka ee muwaadiniinta ahaa. Haddii xabbad lagaa dul rido waxa ay macnaheedu noqonaysaa adiguna xabbad soo qaado. Laakiin ilaahay mahaddi shacbigaa ka tanaasul badan kana dulqaad badan Madaxweynihii hore ee Somaliland haatan na ah guddoomiyaha UDUB. Waxa aan sidaa u leeyahay waa sida ay tahay, qofkii dhibsanayoow aniga dareenkayga waxba ha ka jawaabin ee dareenkaaga sheeg. Dadka qaar baa waxa ay ka jawaabaan qoraal uu qof qoray. Waxa ka habboon in aad adigu dareenkaaga oo xor ah aad sheegto. Dadkuna isku wada dareen ma aha, layaab na mallaha in la kala duwanaado.

Arrinka aadka la yaabka u leh waxa weeye. Xabbada laga dhexridayo muwaadiniinta. Dadka laga dhex ridayaa waa dadkii u badheedhay dawladdii xoogga badnayd ee M Siyaad Barre. Waa dadkii diiday dulmiga. Maanta waxa lagu wada joogaa in lala wada dagaalamo dulmiga. Xabbad la isu soo qaataa ma bannaana. Ninka soo amraya xabbad ka dulrid muwaadiniinta, waa la garan karaa ujeedadiisa, laakiin lagaama yeelin. Qaranimadu ma aha in ciidanka qaranka la adeegsado. Taasi waxa aan u malaynayaa in ay u muuqato dhammaan ciidamada qaranka. Marka lagu leeyahay ciidankii qaranka ayaa guddoomiyihii xisbiga qaranka ee Kulmiye Xabbad ka dul-riday. Miyeynu ku tilmaami karnaa ciidan qaran, dee waa maya.

Dadku werwer wayn bay ka qabaan qaabka ay xukuumaddoodii ku danbaysay. Qaabka uu ku danbeeyey guddidii doorashooyinku. Qaabka baarlamaan la'aanta ah ee dalku ku jiro. Xeer la'aanta aanuu maanta xeer jiraaba jirin. Qofkii dareensani wuu dareensanyahay, ilaahay baa weyn, baryada ilaahay ha la badiyo. Dedaalkii iyo geeddi socodkii iyo isu tanaasulkii midnaba maanta ma jiro. Wuu ka muuqdaa dhanka mucaaradku in ay diyaar u yihiin wadahadal. U fiirso guddoomiyaha UCID waxa uu ku ceceliyey waar maalintaa guurtidu sheegtay yaan lagu qaldamin ee aynu isu nimaadno saddexdeena xisbi. Jawaabtii waxa ay noqotay (Guddidii doorashooyinku qalinkay ku doogeen, Daahirna waabuu u saxeexay? Taasi maxay macnaheedu tahay? Miyaanay ahayn in la leeyahay la isu joojin maayo. Waar Danyarta ha loo joojiyo. Xoolihii danyarta ayaa halkaa lagu gaadhaye, haddii kale danyareey cashuurtaada diid.

Xabbad waa la idiinla imanayaa oo xukuumaddu way u badheedhay in ay xabbad idinla dhacdo, laakiin idinku xabbad ha soo qaadanina ee cashuurta uun diida. Cashuur aad qof siisaa waaba danbi. Cashuurta dalka ayaa iska leh. Haddii jeebabka dhawr qof aad u buuxiso, taa macnaheedu waa maxay.?
 


Nabaadiino

 


Sayid M. Yuusuf