Haddii Ay Wasiiraddu Guulwadeeyaan, Anaguna Waanu Gooriilayn

 

Beeshana Waxa Metela Mudaneyaasha Labada Gole Md: Axmed Muuse Obsiiye, golaha Guurtidda

Md: Axmed Muuse Obsiiye oo ka mid ah mudanayaasha beelaha Habar yoonis kaga jira golaha Guurtida Somaliland ayaa xubnaha golaha wasiirada kaga jira beeshooda ku eedeeyey in shakhsiyaad ka soo jeeda beelahaasi oo ay ka soo ururiyaan gobolada, Maroodi jeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ay madaxweyne Rayaale ugu muujinayaan kalsoonidii beelahaasi, taas oo uu ku tilmaamay in xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka wakiilada iyo Guurtida aan wax wada tashi ah lagala yeelan, isagoo intaa ku daray in kalsoonida beelahaasi ay xildhibaanadoodu matalaan, balse aanay xubnaha wasiiradu matalin, isagoo dhinaca kalana shaaca ka qaaday in xildhibaanadooda labada gole ee Baarlamaanku ay shirweyne wada tashiya iskugu iman doonaan maalinta sabtida kuna qabsoomi doona caasimada.

Md: Axmed Muuse Obsiiye waxa uu sidaasi ku shegay mar uu shalay khadka telefoonka ugu waramayey wargeyska Haatuf kaas oo uu sidoo kale madaxweyne Rayaale uga digay shakhsiyaad ay wasiiradaasi la kulansiiyeen aanu u qaadan in kalsoonidi beelahaasi uu haysto .

Md:Obsiiye isago arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi
“ anagoo ah xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka guurtida iyo wakiilada ugu jira beelaha Habar yoonis, waxaanu halkan ka cambaaraynaynaa xubnaha golaha wasiirada kaga jira beelahaasi oo intay shakhsiyaad ka soo jeeda beeshaas uga yeedhaan gobolada saaxil, Togdheer, Sanaag, Sool iyo maroodi jeex intay Hargeysa isugu keeneen oo ay xildhibaanadii labada gole ee baarlamaanka ee beelahaasi matalayeyna intay gacan dhaafaan raba inay madaxweynaha ugu muujiyaan kalsoonidii beesha sidaa darteed waxaanu leenahay beesha wasiiro ma matalaan , ee waxaa matela xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, waxaanan leeyahay haddii ay wasiirada beeshu guul wadeeyaan.

Anaguna xildhibaano ahaan waanu goriilayn doonaa, haddii aanu nahay xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka kaga jira beelaha H/yoonisna waxaanu halkan ku sheegaynaa in shirweyne degdega aanu ka yeelan doono wasiirada magaca beesha tuurta ku qaatay, beeshiina mucaarid iyo muxaafidba way leedahay.
Laakiinse waxa ka dhexaysa danaha iyo talada guud ee masiirkooda”

S: ma la odhan karaa madaxweyne Rayaale ayaa ku amray xubnaha wasiirada beeshiina inay u soo muujiyaan kalsoonida dadweynaha taas darteedna ay u soo ururiyaan madaxweynaha xubno ka tirsan beesha ?
J: madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu ku yidhaahdo wasiiradiisa kalsoonidiisa iyo taageerada beeshiina keena balse marka talada beesha laga hadlayo waxa ummada ka wakiilada xildhibaanada labada gole ugu jira iyo cuqaasha balse koox ay soo ururiyaan wasiiradu oo dhinacooda ay ka keenaan beesha kalsoonideeda ma matali karaan.

 

 



Haatuf