HADDII AY QAAR YIDHAAHDEEN WUU DHINTAY IYAGUNA WAY D HI MA NAYAAN ANA WAAN DHIMANAYAA LAAKIIN WAAN NOO LAHAY WAANAN SOO SOCDAA..AXMED YUSUF YAASIIN
 

 


Paris (TNN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo muddo ku jiray cisbitaal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa laba toddobaad ka hor ka baxay cisbitaalkii uu ku jiray.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo uu cisbitaalkaasi ku sameeyay qaliin, waxa uu hadda ku suganyahay guri ku yaala magaalada Paris oo uu ku nasanayo, waxaana la filayaa inuu wakhti ku siman toban maalmood ka bacdi ku soo guryo noqdo magaalada Hargeysa. Sidaas waxa Wargeyska Geeska Afrika, u xaqiijiyay Madaxweyne ku xigeenka, oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika.

Waxa uu Mudane Axmed Yuusuf sheegay in caafimaadkiisu wanaagsanyahay muddo laga joogo laba toddobaadna uu dibadda ka joogay cisbitaalka. “Caafimaadkaygu aad ayuu u wanaagsanyahay, muddo ku siman laba toddobaadna; hadda dibadda ayaan ka joogaa cisbitaalka. Markaas caafimaadkaygu aad iyo aad ayuu u wanaagsanyahay.” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku, waxaanu intaas raaciyay, “Sid aas umadda ugu sheega in caafimaadkaygu wanaagsanyahay oo hadda aanan qabin wax dhibaato ah.”

Madaxweyne ku xigeenka, oo la weydiiyay sida uu dareenkiisu noqday markii uu maqlay wararkii  bee nta ahaa ee laga faafiyay xilligii uu ku jiray cisbitaalka, oo ahaa kuwo sheegayay inuu geeriyooday, waxa uu yidhi, “Warkaas waan maqlay, geeriduna waa xaq oo qof waliba wuu dhimanayaa. Haddii ay qaar yidhaahdeen wuu dhintay, iyaguna way dhimanayaan ana waan dhimanayaa, qof walibana maalin buu dhimanayaa, laakiin waan noolahay, waanan caafimaad qabaa, waana Alle mahadii oo waan soo socdaa.”

Madaxweyne ku xigeenku, waxa uu si weyn ugu mahadceliyay shacabka Somaliland oo xilligii uu qaliinka galay Alle uga baryay inuu caafimaad siiyo, “Shacabka waan uga mahadcelinayaa guud ahaantood sidii ay ducooyinka iigu soo direen, mana aha kuwo aan weligay iloobi karo. Cid kasta oo ila soo xidhiidhayna waan u mahadcelinayaa, waxaanan u sheegayaa inaan caafimaad qabo, oo wanigan hadda idinla soo xidhiidhay [Geeska Afrika] ee sida caadiga ah kuula hadlayo.”

Madaxweyne ku xigeenku, waxa uu ugu dambayn sheegay inuu dhawaan dalka ku soo guryo noqon  do ono, “Waan soo baxayaa haddii Alle idmo, ugu badnaan tobaneeyo maalmoog gudahood, dhinaca Dubai ayaan soo marayaa, shacabka waxaan leeyahay anigoo nabad ah iyo idinko nabad ah inshaalah.” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
 


Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa