Haday daawo bukuuto maxaa lagu daweeyaa ?

 


Marka hore waxaan salaamayaa hawl wadeenada Longlivesomaliland News Media ee sharafta leh iyo sida ay u tixgelinayaan rayiyada kala duwan ,marlabaadka waxaan jeclahay inaan kahadlo qadiyadan doorashooyinka ee ina wareerisay ,gaar ahaan mudo kordhinta ,waxaanan tilmaami doonaa cida masuuliyadeeda iska leh ee gabtay hawsheeda .

waxaa ayaamahan danbe isa soo taraya hadalka iyo hugunka ka taagan doorashooyinkii oo fooda inagu soo haya ,iyo xukuumada oo u muuqata inaanay diyaar u ahayn arintaasi,waxaana xaaladani ay abuurtay shakiyo iyo baqo laga qabao sida wax u dhacayaan ,baqaahaas oo inta badan laga qabo su,aasha ah maxaa layeelayaa hadii doorashooyinku waqtigoodii dib uga dhacaan? waxaana lays weydiinayaa ,ma markale ayaa hadana la kordhinayaa? su,aal kale ayaa iyana maanka dadka ku wareegaysa oo odhanays ,asalkaba horta yaa kamas ,uul ah dhibaatadan markastaba lagu dhammaynayo xeer jajabaka ee aan sharciga loo haynin maxukuumadaa? ma mucaaradkaa? mise waa golaha baarlamaanka?

Arintani waxay isoo xusuusisey hees uu lahaa marxuum xasan sh muumin oo uu kaga hadlaayey in sharcigu dawo yahay loogu talagalay in umaduhu ku daaweeyaan mashaakilka soo waajaha ,waxaanu is weydiiyey hadaba maxaa layeelayaa hadii daawada lafteedii-
bukooto ? .

Hadaba anigu waxaan qabaa dhibkan ina hasta inaanay mucaaradka iyo muxaafadku isku riix riixi karin ee ay labadooduba masuul- kayihiin,waayo waxaan aaminsanahay in golayaasha sharci dejintu masuulka yihiin oo aanay cidkale eeda laqaybsanayn,haday sidaa tahayna labada gole mucaaradka iyo muxaafadkuba waakujiraa ,weliba golaha wakiilada hadaanan wahmiyeyn mucaaradkaa ubadan,sidaa aawadeed gaabinta ayka gaabiyeen baarlamaanku inay jideeyaan xeer soo afjara aritan mudo kordhinta ee ina wareerisay yaan runta laga war wareegine waa loo simanyahay ,waayo mucaaradka awooda ayku leeyihiin waynu ognahay ,dee hadii ay sugayaan in labada nin ee xisbiyada hogaamiyaa ay kursiga soo fadhiistaan oo la,aantood aanay waxba kala soconayn ,talada kumaan darin ,hadii kale se wax ay sharci arinta xaliya u dhaqan gelinwaayaan oo kamaqani majirto, eeyaanay waxaba xukuumada riyaale ku xoqonin.

Bal waxaa is wey diin leh dawadeenan bukootay halkee laga hayaa?waamaxay sababta ay u awoodi la,yihiin in ay xeer arintaa kasoo saaraan,laba sababood mid uun bay ku doodi karaan oo labadooduba kala daran; tan kowaad,haday tahay aqoon la,aan aanay ogeynba in meeshii gaab ka jiro ee distoorka kamida ay buuxiyaan oo gufeeyaan ay hawsha loo igmaday tahay,amaba arintii uguba ee aan sharciba ka oolin xeer cusub u agaasimaan ay shaqadooda tahay taasi waamasiibo weyn iyo mid subxaanallah.tanlabaad, hady leeyihiin waanu ognahay laakiin madoonayno inaanu qabano waa masiibo kasiidaran.

Runtii arimaha u fadhiya daawadeenan bugkta ma,aha keliya arintan mudo kordhinta,ee waxaa kamida , in ay sharci qeexaya sida dakhliga dawlada loo hooyo iyo sidii ha,adaha maaliyad ee dawlada uu ugu soo xaroon lahaa ,ee uu uga bixi lahaa ninkan keliya ee dalkii u rogay bakhaar nin iska leeyahay dadka intii kalana ka dhigay inamayar yar oo xaajigaa bakhaarkale uu dirto kii siduu doonayo xaajigaasi yeeli waayana bustihiisu waadibada sida caadadu iska tahay. waa alifqaloocday awalkii oo madaxweyne riyaale sameynteeda masuul kama ahayn ,laakiin aakhirka albaqruu ku dhibaa ayaalayidhiye, taa danbuu masuul kayahay oo inuu saxo oo alifkaasi aanu inadhibin awalkii qaloocday ayey ahayd,hasayeeshee Riyaale waaqof oo damac waa geli karaa hasa yeeshee hay adihii dalka sharci kala haga oo kala xakameeya samaynlahaa waa daawadeenan bukta.

Arin saddexaad baa jirta oo iyana u dabran daawadeenan bukta waana xeerkii doorasada golaha guurtida ,ilaahada ogaalkay maan maqal in sharcigaasi dhamastiranyahay ,hadii uu dhammaystiranyahayna ma maqal sabab loo dhaqan gelin la,yahay.

Hadaba waxaan ka codsanayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sharaftale inay arin tan kahadlaan oo ay war cad dadka ka siiyaan sababta xeerarkan loo samayna la,yahay ,haday samaysanyihiina jeebka loogau hayo ee loo hir gelin la,yahay.

waxaan njeclahay dood wadaag hufan oo hadafkeedu yahay in aynu ogaanao bal caqabadaha hortaagan xubnihii ay nu u igmanay in ay dhinaca sharciga dalka ka dhisaan ,fadlan mudanayaasha sharaftale intoodii fursad u heli karta ina ay internetka soo isticmaasho waxaan ka cod sanayaa inay arintaa ka hadlaan oo noo sheegaan dhibka ka haysta dhinaca sharci dejinta iyo furdaamin hawlahaa aan soo tilmaamay.

Anigu shakhsiyan wax sababa oo idin hortaagan ma ,arko sheekada kuma darin hadaad noqoteen dhammaantiin wiilashaa yar yar een ku soo maaah maahay in ay xaajiga bakhaarkale u shaqeeyaan ,waanan idin kala hanweynahay taa,dee haduu wadankii isu bedelay Talyaanigii oo maafiyo debeda idiin taagantahay oo hadaad sharciyadaa dejisaan idin khaarajinaysana waa war aanan weli maqal.!Dadaweynahana waxaan ka codsanayaa hadii hadalkaygaasi aanu daw ahayna siduu dawgu yahayinay iisheegaan, xildhibaanadana aan xaal siiyo,hadii uudawyahayna aysaxaan waxaan ku gefay ,waxaan kala dhantaalayna dhammaystiraan.

Runtii anigu waxa aan is idhi danta dalkeenaa ku jirta waana halka sartu ka qudhunsantahay qodobkaan ka hadlay ,dalkan marwalba laleeyahay marxalad khataruugalay ee waxa ugu wacanina yahay sharcigii la raaci lahaa oo maqa . waxaana ku filayd tusaale ahaan mudo kor dhinta in ay baarlamaan ku markii u horeysayba ay yidhaahdaan ,maanta xeer jajab ayeynu ku xalinaynaa mudo kordhin hala sameeyo,wixii danbe se; xeerbay soo saari lahaayeen odhanaaya tusaale ahaan ,xukuumada laba jeer oo qudha ayaa loo kor dhinkaraa mudada ,haday ku fulin weydo doorashadana waxaa golaha baarlamaan ku magacaabayaa xukuumad kumeel mgaadha oo ay hogaaminayaa shakhsiyaad qaranka magac kule oo aan damac siyaasadeedna lahayn. iyo sidii ay doonaan ee kale ee loo maaraynkaro, laakiin iska fadhi oo hakugu dhacdo dhirbaaxadu oo hadana adoo halkii fadhiya marlabaad haku cuskato ,waataa ta aan la aqbali kareynini.

waxaan kusoogebagebaynayaa qoraalkaygan qaybo kamida maanso uu lahaa marxuum cismaan askari waxaana weeye:
manabaa danbeeyoo diinta aad ku haysaan ?
waxyi soodegaayana miyuu damacu kaagalay?
jimankiyo dabaylaha miyaan dirankaraynaa?
sidii daayin ugu huray deeqdii saleebaan?
dalka inay hagaajaan dadow yaad kasugaysaan ?


Waa ayo hadaba cida aynu kasugeyno in ay danteena ka hadasho oo barta ina bukta taabato ,dhibkeenana faaqido oo fikrad guud oo sida wax u khaldan yihiin, ee hay,adaha sharcigu shaqadooda uqabsan kari la,yihiin aan wada gaadhno inagoo aan mucaarad iyo muxaafad isu kala soocin. majirto ayaan filayaa cid danteena inooga hadlaysa oo aan inaga ahayni markaa bal aan isku dyno inayanu lafo guro oo dabadeedna ka gaadhno aragti guud oo halka wax ka qaloocaan ah iyo hadii lakaraayo talooyin sidii wax looga qaban lahaa ku saabsan.

 

 


Maxamed Xasan

hirrig@hotmail.com
USA