H  A  D  A  L  K  A

 


Carabku waa malgacada qofku soo darsado waxa maskaxda iyo qalbigiisa ku jira.Waxaasi marka uu dibada uga soo baxo shakhsiga waxa loo yaqaana hadal.hadalku marka dhinac laga eego sidoo kale waa waxa bulshooyinku ku kala duwan yihiin.waana nimco ilahay bixiyo,maxaa yeelay waxaaba jira dadyow aan hadal ama hadalku ku adag yahay sababo badan awgeed.inta bulshada ka midka ah ee hadashaana way ku kala fiican yihiin hadalkaasi, oo qaarkood ayaa cod kar ah wax fiicana ka hadla,taasi oo la odhan karo waa hibo ilahay bixiyo.


Hadalku waa waxa aqoonyahanku ku soo bandhigo aqoontiisa,waa waxa qareenku kaga guuleysto ,qareenka kale ee ay kiiska isku hayaan,waa waxa borofiseerku ku hantiyo qalbiyada ardayda,waa waxa dhiktaytarka iyo madaxda aan waxqabadka laheyni ay dadkooda ku heystaan iyaga oo u soo diyaarinaya khudbado beer laxawsi ah,waa waxa ninka wax iibinayaa ku kasbado macamiisha,waana waxa culimadu ku soo bandhigto wacdigooda.

Maxaad jeceshahay haddaba inaad ka hadasho?yaad la hadashaa ?maxaad ka wada hadashaan?wixii lagu hadlaba miyaad rumeysataa?ma cidbaad hadalka kaga dayataa?maxay dadku kaga hadal fiican yihiin?hadalka ma la bartaa?hadalka kiisa qoran iyo kiisa odhaahda ahi maxay ku kala duwan yihiin?dadka hadalka qora iyo kuwa hadalka duuba midkee badan?hadalka badani muxuu turjumaa?hadalkaaga ma lagugu nacay?nin aad markii hore hadal ku nacday,hadal danbe oo uu yidhi ma ku jeclaatay?ma dhabaa hadalka waa lakala odhan og yahay? Hadaad hadli weydo maxaa kugu dhacaya?hadalka ma ku nafistaa?yaa ugu hadal fiican bulshada?ma jeceshahay in uu hadal kaa hadho?caanimadu ma hadalkaaga oo badanbaa?hadalku ma kaa caawin karaa sidii aad caan u noqon laheyd?hadalka tixda ah iyo ka tiraabta ah midkeed jeceshahay?maxaa dad badan oo hadal looga bartay aamusiiyey?kuwo aan hadli jirina ka hadalsiiyey?maxaa dadka qaar markay hadlayaan loo soo camiraa madashaasi,dadka qaarkiina looga jooga?hadalka ninka aad isku reerka tihiin muxu kula weyn yahay markasta?hadalka badani ma hidaa?maxaa hadalkaagu isu bedelaa markaad xil qabato?aan wada hadalno waa aan heshiino maxaa loo yidhaahdaa?bulshada leh dadka u hadla iyo mid aan laheyni maxay ku kala duwan yihin?maxaa inta badan wax xun looga hadlaa ?weligaa meel ma kahadashay,mawduucee ayaad jeceshahay inaad ka hadasho?waari meyside war ha kaa hadho sided u fahantay?nin hadli wayey habartii qadisay maxaa loo turjuman karaa?in aad hadal ka tagto iyo in aad dhisme waqaf ah ka tagto midkeed jeceshahay?dadka ma hadalkooda ayaad ku qiimeysaa ?

Maxay ku kala duwan yihiin hadalka raga iyo ka haweenku?maxaa bulshadeena loo dhahaa oral society?sida taariikhda ku xusan wakhtiyadii hore hadalka ragga ayaa martabad sareeyey bulshadeena,laakin haween badan ayaa wakhtigan hadalkoodu qoraal iyo odhaahba bulshada sameyn ku yeeshay maxaa sababay taasi ?aqoontu hadday badato hadalka bulshaduna ma badan karaa?haweenku in ay wax kasta iyo meel kasta ka hadlaan ma haboon tahay?ma aaminsan tahay in codkaagu wanaajiyo hadalkaaga?hadal sir lagugu dhiibay ma ka fakaday?afhayeenku ma ninka ugu codkarsanbaa mise waa ninka ugu aqoonta badan?ma og tahay in taariikhdu tahay hadalkaad ku hadleyso?sidaad u eeg tahay waxa ka muhiimsan sidaad u hadleyso?maxaa loo yidhaahdaa hebel wa aftahan?muxu aftahan ku noqday?waa maxay afmiishaarnimadu?haweenka iyo ragga midkee qiiradu dulmartaa marka ay hadlayaan?ma saxaafada hadalka qorta ayaad jeceshahay mise mida maqalka ah?







La soco ......................



Abdifataah Mohamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com