Hadalada Aan Ka
Fiirsiga Lahayn Ee Masuuli yii nta Xukuumada Rayaale Yaanay Noqon
Ceeb Saxaafada La Marmariyo

Wasiirada
ku jira xukuumada madaxweyne Rayaale ayaa ca adaystay in
hada lada ay xanafta iyo xajiinta leh ee ay fag aarayaasha ka
yidhaahdaan marka ay iyaga ku soo noqd aan hadaladaasi, waxay
eedooda kula galgashaan ama mari yaan saxaafada madax
banaan,iyaga had iyo jeerna ku and a cooda in hadalad
oodii si khaladan loo turjumay ama lagu been abuuray,si ay rayi’u
caalamka u majaro habaabiyaan.
Wasiiradan oo aan hadaladoodu meel dajin hadaladood siyaayiga ah ee
ay od hanayaan,isla markaana marka qaarkood odhanayso waxa ay
ka xishoodaan iyo cid ay ixtiraamayaan jarto,xataa madaxweyne
Rayaale laftiisa.
Hadaladan waxay ka mid yihiin eryada ay halhayska ka dhigteen
wasiirada xu ukuumada Rayaale, marka uu la xumaado hadalka ay
warbaahinta ku faafiye en, kuwaas oo ay kaga soo noqdaan
muuqaal aanay jeclaysan oo kaga yima ada dadweynaha,
hadaladaas waxa ka mid kan hoos ku xusan “Hadalkaygii si khaldan
ayaa loo turjumay oo dad ujeedo gaar ka leh ayaa rogay, anigu sidaa
u maan jeedin ee waa laga faa’iidaystay hadalkaygii, waxaan doonaya
in aan beeniyo warkii aan hore u sheegay oo sidii aan ujeeday aan
loo baahin oo dano gaar ah heli oo aan ognahay ayaa ummada u majar
habaabiyaan si kale u fasiray, waa been aan sal iyo raadtoona lahayn.”
erayadaas iyo qaar badan oo la mid ahiba waxay ka soo yeedhaan
Wasiiro iyo masuuliiyin ka tirsan xukuumada rayaale
Arrintan ayaa ah mid caado u noqotay wasiirada xukuumada madaxweyne
Ra yaale in ay dafiraan hadalo hore uga soo yeedhay oo warbaahintu
faaf isa y,iyagoo saxaafada ku eedeeya in ay ka baahiyeen war been
abuur ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn waa sida ay ku doodaane,
balse sida aynu ka warqa bno saxaafadu wasiirada kaligood
waxba uma baahiso, balse waxay saxaafadu warkoodu baahisaa
dhinacyada kala bulshada oo ay ka mid yihiin xisbiyada mucaaradka
iyo qaybaha kala duwan ee bulshada mana jirto cid kale oo aan ahayn
Rayaale iyo Wasiiradiisa ku jira xukuumadiisa oo saxaafada ka
sheegta eedo la xidhiidha hadalo ay sheegeen oo saxaafadu si kale u
turjumtay iyo warar laga been abuuray labadaba, taasi waxay
markhaati u tahay in masuu liyiinta xukuumada Rayaale fashilka
aan qarsoonayn ee ka muuqda ee ay ummada masuulka iyaga yihiin iyo
hadalada deel qaadka ah ee ay la yimaadaan ay saxaafada xorta ah
kula galgashaan,iyagoo kula kaca aflagaado iyo hadalo sumcadooda
lagu dhaawacyo.
Anshaxa warbaahinta iyo shuuruucda saxaafada meelna kaga jirto in
waxaanu odhan qofku laga sheego, laakiin hadalka wasiirka ka soo
yeedha ha khaladan aado ama ha saxnaadee saxaafada sida uu
yahay ayay u baahisaa.
Inta badan marka ay wasiirada masuuliyiinta xukuumada madaxweyne
Rayaale ay si beeninayaan, ayaa waxa ku keena arrintaasi cadaadis
kaga yimaada dad weynaha,kuwaas oo aan u arag in dantooda isla
markaana mararka qaarkood keeni gaadha isku dhac bulshada dhexdeeda
ah, waxaanay inta badan hadal ada ka soo yeedha wasiiradan iyo
masuuliiyinta kale ee xukuumada Rayaale ay dhaawac weyn u geysataa
masuuliyiintaas iyo xukuumada ay ka tirsan yihiin.
Arrintan ayaa inta badan waxa ay dood xaasaasi ay ka dhex dhalisaa
dadwe ynaha,iyaga oo qaarkood ku jaahwareera hadalada si burinaya ee
ka soo yee dhaya masuuliyiinta xukuumada oo inta uu war sheego
haddana dib u beeni naya, waxaanay dadku inta badan si
waydiiyaan sababta uu marka hore uga fiirsan waayay hadalka ka soo
baxay afkiisa, waxaanay dadka qaar oo ah into oda badan ay ku
tilmaamaan in masuulkaas marka hore ku dayay dadweynaha dareenka ay
ka bixiyaan hadalkiisa.
Haddii ay cadho ka muujiyaana inuu markiiba beeniyo hadalka uu hore
u shee gay, haddii ay sidaa ku qataana ujedadiisii marsaday.
Hadaba eedahan raqiiska ah ee ka soo yeedha masuuliiytinta xukuumada
mad axweyne Rayaale, kuwo ceeb ku ah caqliga dadka ay waxan u
sheegayaan, isla markaana meel ka dhac ku ah milgaha iyo sharafta ay
masuuliyadub leeda hay,taas oo u baahan in qofka masuulka ah
inuu la yimaado ilaalinta amaanada iyo dhowrsanaa xilka uu ummada u
hayo, saxaafadu maaha waxa eeda iyo fashilaada maamulka dawliga ah
ka timid la marmariyo ama lagula galgasho, waana caado ay leeyihiin
madaxda dunida sadexdaa ama afrikaankuba intooda badan marka
xilgudasho la’aan ka timid iyaga xagooda ay kula galgalashaan
saxaafada xorta ah.
Saleebaan Ibraahin
Xaashi
Email: saleban32@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland |
|