Hadal
Intuu Afkaaga Ku Jiro Ayuu Amaanadaa Yahay

Ujeedada maah maahdaydan waxa ay
xambaarsantahay arrin aad u wayn, oo inkasta oo la ogaa hadana aan
xaqiiqdeeda si dhab ah loo taabanayn, shir beeleedkii kulmiye ee uu
islahaa Buurmadow u gurmo, inta aan wax xillii kasoo bixin, oo
hadhow looga garnaqsado, hadduu soo shaacbaxay, oo ay iyagii
fashiliyeen, waliba banaanka u soo saareen wixii ay halkaa kaga
hadleen, bal akhriso
http://www.somaliland.org/2008/08/21/bayaan-140-beelaha-gaashaanbuur-ee-habarjeclo-ka-soo-saareen-musharixinta-kulmiye/
Marka aad maqaalkan akhrido waxa aad dareemaysaa, in reerkan iyo
xisbiga oo ay xoog ku haystaan midna dimoqraadiyada u dhawayn,
waxaanan dadkayga oo aanan
kala saarayn ka codsanayaa in ay hubiyaan meesha ay codkooda
siinayaan, ilayn iyadoon waxba lahayn haddii sidan la yeelay wax
waliba waa suurto gal hadhow e.
Waxa aan ilaahay uga baryayaa dadkaygu in ay helaan hogaamiya daacad
ah oo aan qabiil iyo calooshiisa midana u shaqaysan ee qaranimada
soomaali land iyo horumarkeeda ka shaqeeya, kaasna u malaynmaayo in
uu Kulmiye hada yahay waayo reerbaa ku heshiiyay in ay si aan xalaal
ahayn usoo saaraan musharax Silaanyo, Udubna iyada waxa aynu
sugaynaa in ay qabsadaan shirkooda si loo kala doorto murashaxiin.
Suhuur Ali
suhuur2008@hotmail.co.uk
|