Hadal Hayn Xoog Leh Oo Ku Saabsan Isku Shaandhayn Gun Iyo Baar Ah Oo Uu Madaxweyne Biixi Seefta La Dhex Qaadayo Xukuumaddiisa Kadib Guuldarooyinkii Doorashooyinka Kasoo Gaadhay

 


Hargeysa, August 5, 2021- (TNN): – Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeysa Foore soo gaadhay ayaa noo xa qiijiyay in Madaxweyne Biixi ku mashquulsan yahay isbadel weyn oo uu ku samaynayo Golihiisa Xukuumadda kadib Guuldarooyinkii ay Xukuumaddiisa iyo Xisbigiisa Kulmiye kala kulmeen Doorashooyinkii Isku sidkannaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda, gaar ahaan Shirgudoonkii Wakiilada iyo Maayaraddii Caasimaddaha Da lka.

Warar madax bannaan oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegay in dhawaan la filayo inuu Madaxweyne Biixi Talaabadan qaadayo, waxaanay wararku sheegayaan in mudooyinkii u dambeeyay ay masuuliyiin miisaanlihi Cv-yadooda ula sii socdeen Dhinaca Qasriga Madaxtooyada halkaasi uu Madaxweyne Biixi ku kala xulanayo Xubnaha ka mid noqonaya Golihiisa Xukuumadda ee dhawaan la filayo inuu ku dhawaaqo, islamarkaana waxa aad loo naawilayaa inay rag baddan oo Miisaanlihi oo Cusub ay kasoo dhex muuqan doonnaan magacaabista asi Madaxweynaha ee loo dhegtaagayo.

Ma jiro War Rasmiya oo arrintani ku saabsan oo kasoo baxay cidda ay khusayso balse Ilo-wareedyo Wargey ska Foore helay oo ka agdhaw Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xilka hayay Muddo afar sanno ah uu hadda doonnayo inuu Xukuumaddiisii ugu dambaysay Muddo Xileedkiisa uu soo dhiso, islamarkaana aad loo hadal hayo inay wax badan kaga duwanaan doonto Xulashooyinkiisii hore oo aad loo dh aliilsanaa.
Wararkan ayaa sheegaya in talaabadan uu Madaxweyne Biixi soo wadaa ay iskugu jirto Isku-shaandhayn, Xil ka qaadis iyo Magacaabis taasi oo ay kasoo dhex muuqan doonaan rag miisaan culus ku leh Siyaasadda Somal iland kuwaasi oo intii hore Xukuumadda Madaxweyne Biixi dibad joog ka ahaa.Waxa uu Warku intaa ku daray aa in Madaxweynuhu uu xilka ka qaadi doono Wasiirro door ah iyo Agaasimeyaal, isagoo beddelkoodana Maga caabi doono. Sidoo kale waxa uu isku-shaandhayn ku samayn doonaa Gudoomiyayaasha iyo Agaasimeyaasha Hay’adaha Madax-bannaan ee Dawladda Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sida la sheegay waxa uu Golihiisa Xukuumadda kasaari doonaa liis uu si gaar ah diirad da ugu hayay, islamarkaana la sheegay inay iskugu jiraan Wasiiro door ah, Gudoomiyayaal iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo qayb ku lahaa guuldarooyinkii Xukuumadda Madaxweyne Biixi kasoo gaadhay Doorashooyinkii Wak iiladda iyo Deegaanka islamarkaana faro madhan ka kala soo hoyday Deegamaddii ay kasoo jeedeen.

Bulshada iyo dadka la socda Siyaasadda Somaliland ayaa si weyn ugu dhegtaagaya Nooca ay noqon doonto Is ku shaandhaynta uu Madaxweyne Biixi soo wado iyo ragga uu dibada uga soo tuurayo Xukuumaddiisa, iyadoo sidoo kale aad looga dhursugayo Masuulka uu u Xulanayo Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland oo muddo lix bilood ah bilaa Wasiir ahayd kadib markii uu Wasiirkii Wasaaraddaaasi Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon uu iska casilay xilkaasi, kana mid noqday Xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiiladda Somaliland.

 

Xigasho: Wargeyska Foore