Horta Wasiir Ku Sheeg Hadaad Ku Dallacday Cayda Suldaan kaa ga Iyo Aflagaadada Beesha Aad Kasoo Jeedo Waad Ku Fa shil antay Cayda Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Eng Maxamed Cilmi
 

Cabdi Dheere


“Horta Wasiir Ku Sheeg Hadaad Ku Dallacday Cayda Suldaankaaga Iyo Aflagaadada Beesha Aad Kasoo Jeedo Waad Ku Fashilantay Cayda Eng Faysal Cali Waraabe iyo Eng Maxamed Xaashi.

Waxa Wax Laga Yaa yaqsoodo Noqday Hadaaqa Iyo Humaajada Ka soo Yeedhay Il xayiigta Dhawaan Loo Magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhiga (Cabdi Dheere), Taas Oo Ku soo Baxday Warba ahi nta Dalka Kuna Duray Eng Faysal Xaaji Cali iyo Eng Maxamed Xaashi Cilmi Isagoo Isticmaalaya Haddalo Qaawan Oo Cay Ah Oo Wax Tudhaalo Ahi Ku Jirin.


Horta Wasiir Ku Sheeg Hadaad Ku Dallacday Cayda Suldaankaaga Iyo Yasidda Beesha Ayuub Ee Aad Ka Dhalatay, Waad Ku Fashilantay Cayda Eng Faysal  iyo Eng Maxamed Xaashi.


Eng Faysal Waa Nin Usoo Halgamay Inta Badan Sidii Somaliland Wax Unoqon Lahayd, Waanuu Yaqaanaa Ninka Dalka Madaxwaynaha Ka Ahi, Markaa Waxaan Ku Leenahay Dhidhibso Oo Laqabso Halka Xaalad da Siyaasadda Dalku Marayso, Una Xishood Sidii Adeeradaa Sh Axmed Nuux, Maydhax, Yuusuf Ismaaciil Iyo Madaxda Ayuubka.


Eng Maxamed xaashina waa nin dalkan iyo dadkaba karaamo ka mudan mana doonayno in aanu kuu sh araxno Halyey,mujaahid iyo aqoonyahan Eng Maxamed Xaashi Hadaanad aqoon u laheyn Waxaanad O gsoonaataa Inaanad Joogin Hadda Maqsinkii Qaadka Ee Bristol Aad Ku Haysay Kana Kor Afka Qaadlaha Oo La Qabso Luuqadda Siyaasadda ee aad maanta soo gashey
.
Tan Kale, Wasiirow, Xilka Aad U Igmantahay Kuma Qumana Ujawaabista Madaxda Sare Ee Mucaaradka Ee Yaan Lagu Soo Ridin (Siddisidaada Mooyee Dhul Udhacaaga Hubso).

Cayda Qaawan Ee Aad Faysal Warbaahinta Uga Jeedisay Marna Naga Qarin Mayso Xaqiiqda Dhabta Ee Ka Muuqda Gol doloolada Xukuumada Aad Ka Tirsan Tahay, Faysalna Waa Hogaamiye Waddani Ah Oo Waliba Run Sheeg Ah Mana Qariyo Wax Kasta Oo Somaliland Liddi Ku Ah , Xisbiga Ucid na Waxa Lagu Yaqaanaa Toosinta Xukuumadda Iyo U Hadalka Masiirka Umadda.


Ugu Danbayntii wax loo jawaababa ma tihid WAAYO waxaad tahey ninka isagoo Xubin baarl;amanka ah siminaar u baxay oo dabadeed soo noqon waayey oo baxsadey.


Imikana waxaad baxsan hadii siminaar maraykan ahi kuu soo bax oo Xukuumadana waxaan leeyahey dadka aad magacaabeysaan civigooda Eeega



WAXAAN KUSOO GABAGABAY TUDUCAN GABAYGA AH:


• Miyaan iil madow iyo xabaal lagugu aasaynin
• Malaaigta eebana miyaanay ku imtixaamaynin
• Aakhiro miyaan lagu qoray ehlu naariinta
• Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun sow islamayaabo
• Illayn hadal idaa kuma yidhaa iyo axay toona
• Makanaa xil qaran loo ilmaday aamin badanaa dad
 

 

Qore Yusuf keyse + Nasir Bedel + Xasan Kaamliiibaan +Jiir