Habeenka Dhaqanka iyo Hawraarta Hargeisa oo kul miyay Abwaanada Waawayn ee Somaliland iyo Wacdarihii Madasha:-
 

 


Hargeisa (TNN) Waxa xalay lagu qabtay Hotel Imperial ee Magaalada Hargeysa Habeen loogu Magac daray Habeen Dhaqan iyo Hawraar Xiiso leh, Madashaasi oo kulmisay Abw aano Caan ah oo looga qadariyo Guud ahaanba Cariga Somalida waxaa ka mid ahaa  Xa san X. Cabdullaahi (Xasan Ganey), Abwaan Maxamed Ibraahim Warseame (Hadraawi), Abwaan Axmed Aw Geedi (Dheeraad), Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan Guuleed, Abwaa n Wabax, Cabdalla Xaaji, Xasan Cabdi Madar, Jamaal Cali Xuseen,

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Wakiilada, Dhalinyaro, Aqoonyahano iyo Marti sharaf aad utiro badan.

Xafladan oo ay soo Qaban qaabiyeen Ururka Qoraaga Somaliland, maalgalisayna  Shirk ada Diyaaradaha ee Daalo Airlines ayaa ahay mid xiiso gaar ah ay uqaban Dhalinyaradii ka soo qayb gashay.


Ugu horayn, waxa furay Xafladaasi Dhaqanka Abwaanka weyn ee Xasan X. Cabdullaah Xasan Ganay, waaanu ku Furay Maansadiisii Dhaqan oo runtii Dhinacyo badan ka  taaba naysay Dhaqanka Somalida iyo wakhtiyadii hore, Xasan Ganay oo Si aad looga  xiisayna yay Madasha in badan aan ka soo xaadirin Cawaysyada Dhaqanka iyo Hawraarta  Harg eisa, waxaa ay dhagaystayaashu aad uxiisanayeen qaabka uu usoo bandhigay  maansa daasi iyo guud ahaanba dhaqanka somalida.


Abwaanku Waxa uu madasha ku soo bandhigay Dhawr maanso oo Aad uxiiso badnaa  X usuus gaar ahna ku reebay dadkii ka soo qayb galay ayaa waxaa ka mid ahaa  maansa dii gahaydhley iyo Maansadii gorgor oo uu sifiican uga sharaxay waxyaabihii ay ka  dhas heen maansooyinkaasi iyo wakhtiyadii uu tiriyay abwaanku.


Xasan Ganay waxa uu aad ugu dheeraaday Maansadii Layaabka lahayd ee Gorgor iyo sidii ay ku bilaabantahay isaga oo Xusay in markii Danbe abawaano uu ka mid ahaa  H adraawi, iyo Maxamed cali kaariye ay ka jawaabeen maansadaasi layaabka lahayd ee Gorgor.


Xasan Ganay waxa uu sheegay in Maansadani ay ka timi barnaamij radio hargeisa ka  b ixi jiray oo la odhon jiray “ma ogtahay” ayaa laga sheegay Gorgor riyaha la socda oo  w aliba riyaha mid ka mid ah jeclaaday, arintaasi fajac galisay dadwaynihii wakhtigaasi  go objooga ka ahaa ayay ka bilaabantay Maansadani.


Madashaasi oo Si talantaali ah la isu Waydaarsanayay Maansooyinka Dhaqanka waxaa isagu Madashaasi ku soo bandhigay Maanso Dhaqan ah Abwaanka Caanka ah ee Axmed Aw Geedi Dheeraad oo halkaasi ka soo jeediyay Maansadiisii Baadi-sooc, taasi oo ka hadlaysa dhaqankii iyo hidihii dadkeenii hore lahaayeen, iyo Maacuuntii la isticmaali jiray Wakhtiyadii hore, kuwaasi oo badankoodu sii dabar go,ayaan wakhtiyadan danbe.



Abwaan Axmed Aw geedi oo Maansooyinkiisu ubadan yihiin Dhaqanka Somalida ayaa  w axaa uu Madasha ka tiriyay Dhawr maanso oo aad uxiiso badnaa kuwaasi ay ka mid  ah aayeen maansadii Dhaqan iyo Xusuus iyo Maansadii Dalxiis.



Madashaasi oo aan loo kala hadhin waxaa isaguna Xalay Dardaaran aad udheer ka  jee diyay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi oo kula dardaarmay dhalinyaradii madasha ka soo qayb gashay isago hogo tusaaleeyay kuna dhiiri galiyay ilaalinta  dhaq anka suuban ee Somalida.



Hadraawi oo xalay madashaasi ku soo bandhigay maansadii Goljo, oo ka jawaabaysay Gorgorkii rida Jeclaaday isaga oo sheegay in isaga ay soo galisay maansada sixitaan uu ku saxayo alle ha unaxariistee Maxamed cali kaariye oo si khaldan ufahmay kana  jawaa bay maansada.


Abwaanku mar uu dhalinyarada la dardaarmayayay waxa uu yidhi “ waxaa layidhi  side ed jir ilaa labaatan jir aad qalqaali ka waydo ha tirsan, soddon jir aad xarago ka  wayd ona ha tirsan, afartan jir ilaa konton jir aad Xoog ka waydona ha tirsan, lixdan jir aad geed hoostii iyo talo ka waydona ha tiran, todobaatan jir aad tusbax ka waydona ha tirsan markaa anagu waxaanu maraynaa wakhtii tusbaxa markaa waxaa la nooga  baah anyahay inaan Wadada dhabta ah idin tusino, wixii wanaagsana idin farno”


Abwaan maxamed Wabax oo ah Abwaan Dhalinyaro ah oo Laxaadka Aragu ka  maqan yahay ayaa isaguna Xafladaasi ka hadlay waxaanu ka soo jeediyay maanso  layidhaa hdo Abwaan Dhaqan, Maansadaasi oo ku halqabsaday sxbkii Axmed aw geedi, waxaa nay ka hadsaysaa maansadaasi isbeddelada ku dhacay Dhaqanka suuban ee somalida.


Abwaan Wabax waa qoraaga sheekada walbahaarka jacaylka iyo Warl,aanta indhoolka taasi oo in badan ku soo baxday wargeysyada Somaliland.



Waxaa isagu hadal kooban ka jeediyay madashaasi Qoraaga Buuga xeer Ciise Cabdalla Xaaji oo ka tirsan Radio Jabuuti iyo Telefeshanka Jabuuti waxaana ka jeediyay madasha Maanso uu kaga waramay Dhaqanka somalida.


Ugu dambayntii, Habeen Dhaqameedkaasi waxa isaguna ka hadlay Musharaxa  madaxw ayne ku xigeenka ee Xisbiga Ucid Dr.Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxaana uu ka  wa ramay qiimaha Murtida iyo Dhaqanka somalida iyo Dhinacyada loo adeegsan karo isaga oo Tusaale usoo qaatay kacaankii Siyaad barre iyo Suugaantii Hadraawi.



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Timacadde News Network
Hargeisa/Somaliland.
Timacadenews@hotmail.com