Habeenka Cawska London iyo Caawimada Boon Xirsi

 


Habeenka cawayska london oo aan noociisa hore loo soo qabanqaabin, ayaa lagu qabanayaa Galbeedka London, maalinta Sabtida ee 22ka jeenaweri, Madashanu waa:



Bridge Park Complex
Brentfield, Harrow Road,
NW10 0RG
buses - 18, 112, PR2
Nearest tube/Rail - Stonebridge



Waxaa ku kulmaya dhammaan Abwaanadii waaweynaa ee wada taqaaneyn, kuwii colaadihii ku soo caan baxay iyo kuwii horteed ku caanbaxay suugaan dhaqameed iyo kaftan aan turxaan lahayn, barbaarinta jecaylka iyo isu soo hilawga bulshada. Waa kuwii inna lahaa: " Badawgaan la tababarin, yaa baraya, yaa baraya caashaqa."


Baryahan danbe waxaynu ku daaley suugaan colaadeed, kani wuu ka duwan yahay. Cawskani waa murti iyo madaalo, qosol iyo maad ku salaysan madhaafaanka ma huraan hidihii iyo dhaqankeena, jacaylna kama madhna.


Cawskani waxaa horyaal ka ah Axmed Sulayman Bidde iyo Boon xirsi.


Cawskani, waayeelka waa u xusuus iyo waayo waayo, dhallinyarada waa u maaweelo iyo waxbarasho. Ha ka maqnaanina oo ha moogaanina.  Waxaa cawayskan isku soo dubaridey Ururka Saafi ee xaruntiisu ku taal Harlessden.


Axmed Sulayman Bidde oo aan cawayska wax ka weydiiyey, wuxuu yidhi:" Barnaamijkani waa mid aanu ugu tala galay, in aanu ku taageero Abwaanka weyn ee Boon xirsi, si aanu uga qayb qaadano hawlihiisa Caafimaad. Waa nin abwaaniinta iyo dadweynahaba ku qaali ah. Markaa waxaan leeyahay barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen."


Faahfaahin dheeraad ah iyo tikidhadaba kala xidhiidh: Rooda M. Ibrahim (Karaani) - xidhiidhyaha guud ee ururka - 07940401288 iyo Ismaciil Aw Adan Jama (Jaajumow) - no. 07947838047

 

 

 

Haamud Duale