Habar Toljecle ama Habar Awal ama Habraha kale dham maantood waa la wada yaqaan e, aan ereyga Habar bal isdul-taagno!





Waxa jira afaf badan, oo luuqaddeenna Soomaaliga ah, soo dhax-gallay. Ereyo badan oo aan ka bawsannay dadkii inna soo booqday, ama isticmaarsiga innoogu yimid, ayaa dhaxal ahaan afke enna ugu dhax-milmay.


Kalmadihii innagu cusbaa badhkood, oo odhaahdoodu ay innagu adkaatay, oo uu carrabkeennu jili kari waayay, ayaan sidii aan ku maqalnay si ka duwan aan ugu dhawaaqnay; oo aan ka dib na sidii iskugu tabbinnay.


Waxa iyaguna jira hormo kale, oo aan macnahoodii ay lahaayeen, ee ay qoomamkii innoo keenn ay ay u yaqaanneen, aan innagu ka baddalnay, oo aan macno kale oo aan ahayn koodii saxda ahaa, aan u la baxnay. Waxa ka mid ah: habar.
Habar waa erey soo gallooti ah. Waxa uu innooga yimid: (Hebrew). Asal ahaan ereygu waa lab. Waxa uu la macno yahay: reer.


Sidaa daraadeed, waxa uu habar innagu soo gaadhay, oo ay dadkii innoo keennay u la jeeddee n: reer. Laakiin sida ay dad badani u fahamsanyihiin, ee ay hooyo uga la macno dhiggayayaan, ma ahan.
Tusaale:
 

 

Magaca Beesha

Habar = Hooyo

Habar = Reer

Habar Toljecle Hooyo Toljecle Reer Toljecle
Habar Awal Hooyo Awal Reer Awal
Habar Garxajis Hooyo Garxajis Reer Garxajis
Habar Yoonis Hooyo Yoonis Reer Yoonis
Habar Gidir Hooyo Gidir Reer Gidir

 


Waxa kale oo iyaduna xussid mudan, in aanu ereygan habar oo kali ahi aanu (Hebrew) inooga imannin e, ay jiraan ereyo kale oo ay isaga isla lug ahaayeen; oo ay isla soo haajireeni.
 

 

 

 

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com