Haayadda UNDP Oo Deeq Ka Kooban Afar Gaadhi Ku Wareejisay Wasaaradda Cadaaladda, Maxkamadda Sarre, Ururka Qareenka Haweenka Somaliland, Iyo Jaamacadda Camuud Kuliyadeedda Sharciga

 


Wasiirka Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo ka Hadley madashaasi ayaa sheegay.... Daawo Sawiradda

Hargeysa (TNN)- Haayadda UNDP ayaa maanta Deeq ka kooban Afar Gaadhi waxa ay ku wareejisay Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, Maxkamadda Sarre, ururka Qareenka Haweenka Somaliland, iyo Jaamacadda Camuud Kuliyadeedda Sharciga.
0
Munaasibadda Deeqaddan oo ka dhacdey Maxkamadda Sarre ee Somaliland ayaa wax ka soo qayb galay Wasiirka Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, Saraakiil Sarsare oo ka socdda hayaadda UNDP, iyo marti sharaf kale oo kala duwan.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka Hadley Mr Stive oo ah Madaxa haayadda UNDP, waxana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu deeq kalla duwan gaadhiisyo qaybta caadaaladda dalka, waxana uu tilmaamay faa’iidda ay lee dahay deeqddani.

Mr Stive, Waxa uu ku booriyay in la xanaaneyo isla markaana la daryeelo gaadiidkan isaga oo sheegay in ujeedda deeqaddani ay tahay in lagu caawiyo haayaddaha ku shaqadda leh.

Masuulkani waxa uu sheeegay in haayaddiissa iyo Wasaaradda Cadaaladdu ay wadda shaqayn wanaagsan lee yihiin isaga oo tilmaamay in ay laban laabi doonaan shaqadoodda.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Pro Saleebaan Axmed Guulleed,
Gudoomiyaha Maxkamadda iyo Gudoomiyaha ururka Qareenka Haweenaka Somaliland, oo ka Hadley xafladaasi ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyay cid kasta oo ka qayb qaadatay deeqddani, waxana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin Deeqddan.

Wasiirka Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo ugu danbeyntii halkaasi ka Hadley ayaa sheegay inaanay deeqddani ahayn tii ugu horeysay ee la soo gaadhsiiyo, basle horre deeqo kala duwan loo soo gaadhsiiyay, waxana uu amaan balaadhan u soo jeediyay Haayadda UNDP.

Wasiirku waxa uu ku nuuxnuuxsadey isla markaana u soo jeediyay Goobaha la gaadhsiiyay deeqddan in ay xanaaneeyaan isla markaana ilaaliyaan, isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la dayactirro.

 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office