Haayada Caalamiga ah ee Caritas oo Xadhiga Ka Ja rtay Dugsi Cusub oo ay udhistay Tuulada Goray ee Gobolka Gabiley

 

Goray (Longlivesomaliland)Hay’ada caalamiga ee Caritus ayaa shalay xadhiga ka jartay dhisme dugsi cusub oo ay yeelanayso tuulada Goray ee ka tirsan  deegaa nka Degmada Tog-Wajaale.

xaflada xadhiga lagaga jaraayay dhismaha dugsigaasi oo ka kooban sadex fasal iyo xafiis ayaa shalay lagu qabtay is goobta laga dhisay dugsigaasi.

xafladaasi xadhiga lagaga jarayay dhismaha dugsiga cusub ayaa waxa kasoo  qa ybgalay wasiirka waxbarashada soomaliland, Xasan Xaaji Mahmoud (Xasan  Gadh wayne), gudoomiyaha golaha deeganka gobalka Gabilay, Aadan Muxumed Badde, gudoomiyaha waxbarashada gobalka Gabilay Sacad Aw Muuse Nadiif, xubno ka socday haayada caritus iyo dad wayne kale oo farabadan.


ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay wasiirka waxbarashada soomaliland wuxuu yidhi [waxa sharaf wayn inoo ah xafladani aynu maanta inigala soo qaybgalnay ee furitaanka iskuulka iyo la wareegidiisaba inaan kasoo qaybgalo anigoo horena uga sooqayb galay dhagax dhigiisii, balan qaaadayna inaan xadhiga ka  goyntiis ana ka soo qaybgalo, waxaan balan qadayaa in aan wixii aan kaqaban karno  was aarad ahaan ka la qabto, waxaan marlabaad aad iyo aad ugu faraxsanahay sida aad noo soo dhawayseen:

waxa kale oo wasiirku sheegay in wax barashadu caruurtu waalidka waajib ku tahay ee aanay baryo ahayn, dhamaanteena xaqbay inoogu leeyihiin inaynu  wa xbarno haday tahay cidda dhashay, xukuumada, wasaarada wax barashada, waxgaradka, iyo haayadaha wadaniga ahba.

waxaana waajiba inay dadku wax wada qabsadaan waxa lagama maarmaana ah inayna caruurtu da,da waxbarashada dhaafin ama aanay dib uga dhicin oo  walid ku kula dadaalaan waxbarashada.waxa kale oo halkaasi kahadlay gudoomiyaha golaha deegaanka gabilay waxa uu mahadnaq usoo jeediyay wasiirka  waxbara shada iyo haayada cartes iyo dad waynaha reer goray isada wayn i soo  dhawee yay waxa kale oo gudoomiyuhu sheegay in dadka reer goray ay ubaah naayeen iskuul mudo badana ay sugaayeen guddoomiyuhu waxa uu kula dardaarmay  dad wanaha reer goray inay waxbarashada caruurtooda ilaaliyaan, beertoo  laharam eeyana waxa kafiican caruurtoo laharameeyo caruurta oo mooska looweeciyo iskuulkani la idiin dhisayna aad daryeeshaan.waxa iyana halkaas ka hadashay  ma daxa sare eehayada cartes Nuura Cabdi Magan waxay na sheegtay in haayadani dhistay todoba iskuul kii ugu danbeeyayna uu yahay kan maanta wasiirku xadhiga ka jaraayo waxa ay sheegtay inay ku noolyihiin Goray lix boqol oo caruur ah oo  b ilaa malcamada, bilaa iskuula, maahana inaynu nidhaahno cid baynu  wax kasugay naa ee waa inaynu inagu wax lanimaadno marka aad adigu wax latimaadid ayaa wax laguu qaban karaa.

 


Nimcaan Dheeg ibraahin

Longlivesomaliland News Reporter
nimcaan@longlivesomaliland.com
Gabiley Office