Haaween ka Mid ah Agoomaha Mujaahidiinta SNM oo Shee gay in Afhayeenka Madaxtooyadu si Xun Ula Dhaqmay

 

 



Hargeysa (TNN)- Haween tiro badan oo ka mid ah agoomaha ay ka tageen mujaahidiintii SNM, ayaa sheegay inuu si xun ula dhaqmay Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cakuse), kaasoo ay xuseen inay kala kulmeen hadallo qallafsan oo aan munaasib ku ahayn, kadib markii ay ka dalbeen inuu farriintooda cabashada ah gaadhsiiyo Madaxweynaha.

Haweenkan oo aad u jilicsan, kana muuqato daranyo culus oo damacsanaa inay cabasho ka d han dhaqaale xumada haysata iyo taageero la’aan xukuumadda u gudbiyaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo cabashadooda ku saabsan hab-dha qanka ay kala kulmeen Afhayeenka Madaxtooyada soo gaadhsiiyey Jamhuuriya shalay, waxay carrabka ku adkeeyeen in Mr. Cukuse ku tiiqtiiqsaday, isla markaana ula dhaqmay si fool-xun, iyagoo tilmaamay in afhayeenku ku wargeliyey inay ka dhaqaaqaan wajahadda madaxtooyada si aan anjnebiga dalka ku sugan u arag darxumadooda.

Sidoo kale, waxay hooyooyinkaas agoomaha ah tibaaxeen inay Madaxweynaha ka sugayaan taageero dhaqaale iyo waxqabad, madaama uu ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM, xogogaal u yahay halgankii raggoodii ku shahiideen.

Hooyooyinka cabashada la hortegay Madaxtooyada oo iska soo xulay saddex dumar ah oo afkooda ku hadla, ayaa Jamhuuriya uga xog-warramay dulucda cabashoodu ku qotonto iyo farriinta ay Madaxweynaha gaadhsiinayaan.

Ugu horreyn, hooyo Sureer Haaruun Geelle oo sharraxaad ka bixinaysay weji-gabaxa ay kala soo kulmeen Madaxtooyada waxay tidhi; “Annagoo dalkan dartii dhibaato noo soo gaadhay, una baahnayn in wax naloo qabto ayaa nalagu yidhi gaaladu yaanay nagu kiin arkine ka taga wajahadda madaxtooyada; wax agoon SNM ah ma jirto oo way weynaadeen dadkuye. Hooyooyinkii agoomaha ahaa ayaannu nahay, tii agoontu u kortay in badan oo aan shaqo hayn baa jirta, in badan oo aan wax baranna way jirtaa.

Agoomuhu ma wada shaqaystaan. Waxa uu ninka Afhayeenka Madaxtooyada ah nagu yidhi; dawladdaa shaqo siisay; wax shaqo la siiyey iyo wax wax loo qabtay toona ma lihin. Dalkaya ga mashaakilkii iyo dulmigii aannu kaga tagnay ayuun baa markay dawladdani dhalatay bilaab may. Markii aannu damacnay inaannu Madaxweynaha cabashadayada u gudbino, isagaa illeyn madaxdii SNM ahaayee ayuu nin weyn oo afhayeen ah nagu yidhi sawta agoomihii go’aan laga gaadhay ee wax la siiyo, waxaanuna leenahay madaxweyne, laba jawaabood uun baannu kaa sugaynaa inaad tidhaa, waxba kuma lihidin dalka amma inaad tidhaa ragga dalka u shihiiday hooyooyinkood iyo xaasaskooda wax baan u hayaa, horena wuxuu noogu yidhi Madaxweynuh u anigaa muujahid ah oo agoonta iyo cid walba habaynaya.

SOOYAAL ninka masuulka ka ah wuxuu yidhi, agoon iyo cid aan wax u hayaa toona ma jirto, dawladduna way idin dafirtay ee qolqolka iiga kaca.”

Sidoo kale, hooyo Faadumo Diiriye Rooble, ayaa iyaduna daboolka ka qaaday inay madaxwey naha ka sugayaan jawaab cad, iyadoo sheegtay in meel-ka-dhaca Afhayeenka Madaxtooyadu kula kacay aanay ahayn wax loo dulqaadan karo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ololihii doorashada ku galay agoonta iyo hooyada goblantay waxbaan u qabanayaa, ballanqaadyadaasna waxba kamuu fulin, waxna noomuu qaban.

Madaxweyne, haddaanad waxba noo qabanayn; carruurahayagii hoy ma leh, waxbarasho ma haystaan, wax ay cunaan ma haystaan oo gidaarrada ayey fadhiyaan, waanay niyad-jabaan markay arkaan qayrkood oo jaamacad dhigta, waajibkayaguna ma aha inaannu oyno oo ubadkayagu gidaararda ka ooyaan.

Ina Rayaale iyo Allaah u naxariistee Cigaal maannu hunugurayn jirin; SNM baannu nahay kuma anaan odhan jirin, laakiin Siilaanyo waa kii ogaa halka raggayagii ku madheen, waana hoggaa miyihii ugu muddada dheeraa ee SNM toddobada sannadood haystay. Waxaannu hanqalka la soo kacnay markaannu maqalnay ballanqaadyadisii ahaa annagaa wax idiin qabanayna; maan taad dhiisha fakhriga tuuraysaan, carruurihiinuna wax noqonayaan, idikuna wax noqonaysa an; laakiin waxba waannu noqon waynay, waxna waad noo qaban wayday Madaxweyne.

Madaxweyne; laba xaalo mid uun na dheh, anigu SNM ma rabee na dhaafa amma wax baan u qabanayaa.

Ninka la leeyahay Afhayeenka Madaxweynaha wuxuu nagu yidhi, agoontii baad tihiin lacagta qaadanaysay; ma nihin annagu, SNM oo dhanna wax ma qaadato ee farriinta madaxweynaha noogu gee, waxaannu nagu yidhi, waxba la idiinma hayo, shaqaysta, ubadkiinii way waa weyn aadeene.

Tamaadhadii aannu iibinaynay ee suuqa la fadhinay, ubadkana ku biilinaynay waxa naga burb uriyey Maayir Jiciir, markaa annagoon meel aannu joogsanaba haysan ayuu nagu yidhi gaala da nagu kiin arkaysee ka taga meesha.”

“Ballanqaadka Madaxweynuhu mar muu ahayn oo laba muu ahayn, wax wali naloo qabtayna ma jirto, markaannu Sooyaal nimina waraaqa ay nimanka joogaa naga qoreen, madaxtooyad aa nnu idiin gaynay bay nagu yidhaahdeen, dabadeedna intay nagu soo noqdeen ayey nagu yidhaahdeen; dawladdu way idin nacday oo la idinma doonayso. Manaan qancine dawladda sare ayaannu u kacnay, waxaaba nalagu yidhi yaan caddaanku nagu kiin arkine ka taga wajahadda. Waxa keiya oo aannu ka codsanay inay madaxweynaha isku kaa sii daayaan si aannu u uga cabano waayahayaga.

Cabashadayadu waa in wax naloo qabto oo keliya, waayo waannu jilicsanahay haddaannu na hay agoonta mujaahidiintii ka soo hadhay.” Sidaa waxa tidhi hooyo Faadumo Aw Aadan Caalin oo ka mid ah haweenka agoomaha SNM ee cabashada la hortegay Madaxtooyada Somaliland.

Ma aha markii ugu horreysay ee dadka jilicsan iyo agoomuhu cabasho la hortagaan Madaxtoo yada, balse marar badan oo hore ayey dhacday intii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talad a haysay.

source:Jam