HA SAMAATOO HA LA HELLO!!!!

 



Waxaanu daah inaga saarnayn, shakina ku jirin in dawlada Somaliland ay ku talaabsatay horumar aan la qiyaasiKarin mudada ay tallada haysay. Waxay hawl galisay shacabkii reer S/L min Zaylac ilaa Ceerigaabo. Guud ahaan waxa wadanka ka socda mashaariic wax ku ool ah, hadii ay tahay wadooyinka, isbataalada, iskuulada iwm.


Bishii ramadaan bay ahayd markii la dhagax dhigay isbataalka Togwajaale. Wafdi ka koo ban sadex wasiir, xildhibaano iyo marti sharaf kale ayaa Wajaale yimid si ay hawshaas u fuliyaan. Markii la dhagax dhigay ayuu ku ballan qaaday wasiirka wasaarada caafimaadku( Suleymaan Ciise Xagla-toosiye ) inaanu dhagax dhig uun noqonaynay, laga dhabayn
doono. Wasiirka Maaliyada ( Sh. Cabdicasiis Max. Samaale ) wuxuu London iyo Wajaalaba noogu sheegay in lagu daridoono kharashka isbataalka miisaaniyada 2014 ee dawlada.

Ballankii waa kuwaas ka dhabeeyey ee la bilaabay dhismihii isbataalka todobaakii tegey. Waxa kale oo hawshaas qayb-libaax ka qaatay Wasiirka W. warshadaha ( Abiib Diiriye Nuur ),xildh. Ibraahim Kacaan iyo xildh. Cabdillaahi Blaaki. Si kastaba ha ahaatee looma kala hadhin dawlad iyo muwaadinka ku deeqay dhulka, waligiina magac maamuus ku yeel an doona bulshada reer Gabiley iyo S/L. Ajarkii aakhirona u yaal.


Ugu danbayn , hadii aan nahay qorba- jooga reer Gabiley waxaan si kal iyo laab ah ugu soo mahanaqaynaa, bogaadinah u soo diraynaa mas-uuliintaas qiimaha iyo qaayahaba leh een kor ku soo xusay. Sidii wasiir Abiiba yidhi : reer Wajaalookala garta ka idiin xiiraya iyo kan hool-hoolaya.
 



Caafimaad hella!!!!!!!