Ha Eersan Codkaaga!! Ha u Codayn UDUB 5 Sano oo Kale!!

 



 


1. Hordhac:
Magaca, sharafta iyo karaamada ay ummadi leedahay waxa markhaati cad iyo tilmaanba u ahi waa halgankii, nafhuriddii iyo kifaaxii ay soo galeen iyo kolba siday uga gil-gisheen iskagana dulqaadeen dulmigii iyo cadaadiskii lagu hayey. Halgankaa iyo nafhuriddaa la soo maray waxa dabadeed lagu xardhaa diwaannada sooyaalka taariikheed ee ummaddaasi leedahay, kaasoo loo sii gudbiyo fac ka fac, isla markaana noqda bar wax laga soo dheegto iyo halbeegga xasuusta halgankii qadhaadhaa ee ummaddaasi soo martay kaasoo ay xuskiisa, xurmadiisa iyo xaq-siintiisaba mariyaan si aanay dhacdooyinkii maalmihii adkaa xasuustooda uga libdhin.

Markase ummadi ay si dhib yar ku illawdo taariikhda halgankeeda, ay xasuusan waydo waayihii soo maray iyo qiimaha ay shalay ku kacday nabadda iyo xorriyadda ay maanta hadhsanayaan, ay kala saari waydo nacabkeeda iyo nasteexeeda, ay ka faanto ama ka xishooto wixii ay shalay ku faani jirtay; waxa muuqata inaysan ummaddaasi waxba ku qaadan dulmigii iyo xasuuqii shalay loo gaystay. La arkee, waana dhacdo suurto gal ah, in ummaddaa mar kale loo gaysto mid la mid ah dulmigii iyo cadaadiskii soo maray ee ay badhkood ka soo badbaadeen, maadaama aysan waayihii iyo dhibtii soo martay ka korodhsan duruus iyo waayo aragnimo ay wax ku qaadato.

Kaddib markii halyeyadii SNM ee uu hoggaaminayey guddoomiyaha xisbiga mucaarida ah Kulmiye ahna musharaxa madaxweynaha mujaahid Axmed M.Maxamud “Silaanyo”, ee soo hooyey guusha iyo dawladnimada maanta la wada hadhsanayo ay si buuxda ugu guulaysteen dib u xoraynta dalka, beelaha Somaliland waxay samaysteen qaab iyo hannaan is maamul, si naba-gelyada iyo kala dambayntu ay u soo noqoto.
Isa saamaxaad guud, wixii tagay ka samirkii, maaraynta waxa taagan iyo ka saadaalin mustaqbal dambe aayihii, ayey ummadda Somaliland mar kale fursad iyo nasiib u heleen in ay dib u dhistaan qarankii ka gaagaxay. Wax la kufo oo hadana la kacaba, wada tashi, isku tashi, isu tanaasul, danta guud koow iyo yaan dib loo noqon ayaa saldhig u ahaa hannaanka ay ku sifoobeen dadweynaha Somaliland. Taasina waxay u horseeday, nabad waarta, dib u dhiska dalkii burburay iyo hannaanka dawladnimo ee maanta la wada hoos hadhsanayo.
Mahadi Eebbe ayey u sugnaataye, kartida iyo dulqaadka shicib weynaha Somaliland waa deeqaha iyo darajooyinka Rabbi bixiyo ee uu ummadan ku galladay,taasi oo ay kaga duwanyihiin inta ay hayb Soomaalinimo la wadaagaan.

2. U meel day codkaaga!!
Shicibka karaamada iyo kartidaba leh ee Somaliland waxay naf, maal iyo muruqba u hureen sidii nabad gelyada, xasiloonida iyo dib u dhiska dalkooda hooyo ay uga wada shaqayn lahaayeen. Waxay si shuruud la’aan ah ugu hoggaansameen dhawridda iyo ka dambaynta axdiga qaranka iyo distoorka dalka u yaalla. Waxay si hagar la’aan ah hiil iyo hooba ula garab istaageen hoggaamiyihii ay ummadda Somaliland codkooda siiyeen (Mudane Dahir Riyaale) sidii uu uga midho dhalin lahaa himilada iyo hiigsashada ummadda Somaliland oo ah in la helo qaran madax-bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka.

Shicibka karaamada leh ee Somaliland waxay sameeyeen dadaal, dulqaad iyo dal-jacayl xad-dhaaf ah waxayna la yimaadeen himiladii, sifihii, kartidii, horumarkii iyo wax kasta oo ummad in la aqoonsado rabta lagu aqoonsan lahaaba. Waa iyaga kuwa mar walba dalka ka badbaadiya dibin-daabyada, dabinnada iyo colaadaha cadawgu soo maleego si aanu marnaba himilada iyo rabitaanka shicibka Somaliland u rumoobin. Waa iyaga kuwii isdaba taagay ee aaminay hoggaamiyahooda, illaa iyo intii uu isagu caddaynayo in aan la aamini karin!

Haddaba Su’aalaha loo baahanyahay inay is weydiinayaan muwaadiniintii 7 sano ka hor iyagu doortay codkoodana ugu deeqay Mudane Riyaale (5 sano!) iyo xisbigiisa UDUB waxa weeye:
• Faa’iido ama khasaare midkee buu keenay hoggaamiyihii aad codkaaga siisay?
• Horumar ama dib u dhac midkee buu kuu keenay codkaagii?
• Intee in le’eg ayuu codkaagu ka masuulyahay xaaladda dalku haantan marayo?

3. Xukuumaddii Muddo kordhinta, Muranka iyo Is-maandhaafka siyaasadeed.
Muddadii ay Xukuumadda M/weyne Dahir Riyaale talada dalaka haysay, waxay bulshada Somaliland ku xasuusan doonaan inay ahayd xukuumaddii Muddo kordhinta, Muranka iyo Is-maandhaafka siyaasadeed. Waxa ay ahayd xukuumaddii ay dalka Somaliland soo mareen murannadii iyo carqaladihii siyaasadeed iyo distoori ee ugu adkaa taariikhda illaa iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbannaanidii ay 1960-kii lumisay. Is-maandhaafkan iyo murannada siyaasadeed ee 7-dii sano ee ugu dambeeyey soo noq-noqonayey, waxay hoos u dhigeen sumcaddii iyo magacii ay Somaliland dunida ku lahayd. Waxaa yaraaday oo hakad galay hankii iyo hadal-hayntii ay beesha caalamku Somaliland u qabtay. Waxay dunida iyo dalalka Somaliland taageeraaba ay aad uga cabsi qabeen in Somaliland noqoto qaran fashilmay oo xilkiisii gudan kari waayey.
Waxa abuurmay shaki iyo walaac ay qabaan dalalka Somaliland taageera una ololeeya aqoonsigeeda, waxayna ka cabsi qabaan in Somaliland ay ka leexatay tubtii habboonayd ee ay
19-ka sano haysay, una leexatay hilin qaldan, taasoo dhaxalsiin karta in bulshada caalamku odhan karaan Somaliland weli uma bisla gooni isu taag ay Somaaliya ka go’do iyo aqoonsi caalamiya toona.


4. Awoodda Cod bixiyaha:
8 sano ka dib, waxa muuqata in ay lagama maarmaan tahay in dalkeenu uu u baahanyahay isbeddel siyaasadeed oo hor leh. Is beddelkuna waxa uu yimaaddaa marka ay bulshadu dareento in isbeddelkaasi dantooda u adeegayo. Isbeddelka siyaasadeed waxaa saldhig iyo asaasba u ah Codka Dadweynaha.
Waxay ummadi kaga feejignaataa kagana samato bixi kartaa inuu hoggaamiye xumi talada u qabto waa iyaga oo maalinta doorashada aad uga fikira cidda ay codkooda siinayaan.
Waa iyaga oo iska xakameeya danahooda shaqsiga ah, mudnaantana siiya danta guud.
Haddaba Cod bixintu waa fursad qaali ah oo soo marta muwaadinka dhawrkii sannadoodba mar. Waa fursadda uu muwaadinku kaga tashan karo aayihiisa dambe ee uu ku dooran karo hoggaamiyaha uu ku aaminayo talada dalka. Waa fursad uu muwaadinku mar kale ugu meel dayi karo codkiisa, kulana gar naqsan karo hoggaamiyihii iyo xisbigii lagu hongoobay ee rumayn waayey himiladii iyo hadafkii ay ka lahaayeen kuwii codkooda ugu deeqday.
Doorashada xorta ah ee uu muwaadinku sameeyo iyo cidda uu codkiisa siiyo waxaa ka dhasha laba nooc oo hoggaamiye:
 Hoggaamiye la mahadiyo oo bulshada u horseeda horumar, taariikhdana lagu xasuusto.
 Iyo hoggaamiye aan la mahadin oo bulshadu ay eeddo gacmohoodana ay eersadaan!
Sidaa darteed codbixinta inagu soo fool leh waxaa lagu kala dooran doonaa labadaa hoggaamiye ee aynu kor ku xusnay.

5. Kanna Siib, Kaana Saar!!
26-ka Juun 2010 waa maalin muhimmad iyo culaysba u leh taariikhda iyo aayaha dambe ee Somaliland. Waa maalin ay habboon tahay inuu codkiisa u meel dayo muwaadinkii damiir leh ee in uun dal jacayl ku jiro, waa maalin ay in la dareemo waajib ku tahay muwaadinkii ka damqanaya xaaladda qalafsan ee dalkeennu marayo, muwaadinkii rumaysan ee qiraya halgankii qadhaadhaa ee dalkeenna lagu xoreeyey waa maalin u baahan inuu taariikhda dib u milicsado.
26-ka Juun 2010 waa maalin ku suntan halgankii iyo halyeyadeennii taariikhiga ahaa markii aynu 50 sannadood ka hor xornimadeenna hananay: “Sarreeyow ma nusqaamow, aan siduu yahay eegnee Kaana Siib, Kanna Saar iyo ereyadii (AHUN) Cabdillaahi Suldaan Timacadde.

Haddaba muwaadinka sharafta lahow, waxaa wacan inaad aqoonsato waxtarka ama waxyeellada uu codkaagu u keeni karo dadkaaga iyo dalkaagaba. Waxaaa habboon inaad garowsato in aad codkaaga ugu hiilin karto danta dalkeenna hooyo. Ma aqoonsan tahay in codkaagu kaa dhigi karo mujaahid taariikhda kula midooba kuwii naftooda u huray xornimada aynu wada hadhsanayno?!

Maanta waxay taagan tahay markii, adiga oo adeegsanaya codkaaga aad odhan lahayd:
UDUB Siib, KULMIYE-na Saar.
Sidaa darteed muwaadin: Ha Eersan Codkaaga oo Ha U Codayn UDUB 5 sano oo kale oo RUQE iyo RUN LA’AAN AH

6. Geba-gabo
Waa hoggaamiyaha ama siyaasiga ka isagu reeba ee ka taga aragtida ama fikirka isaga u meelmara ee taariikhda u gala, sida: inuu yahay nin masuul ah oo qawlkiisa iyo ficilkiisaba lagu kalsoonaan karo, iyo inuu yahay nin beeniyey ballan qaadyadii uu sameeyey oo caddeeyey inuu yahay nin aan xilkas ahayn, aan lagu kalsoonaan karin, oo aanay ballani xidhin.
Xumo iyo samaan, Khayr iyo khasaare, Wax tar iyo wax yeello, Laga raysay ama loo darsay; hoggaamiye kastaba isaga ayaa ka taga raad raaca iyo sooyaalka taariikhdiisa ee dadkiisa iyo duniduba ku xasuusan doonaan.
Maxaa lagu xasuusan doonaa M/weyne Daahir Rayaale iyo Xisbigiisa UDUB?
Waxay taariikhda ummadda reer Somaliland M/weyne Rayaale, xukuumaddisa iyo Xisbigiisa UDUB ku xasuusan doonaan:
Xil gudasho la’aan, xumaanta oo la alooso, xiqdi iyo nacayb la abuuro, bulshada oo la iska horkeeno, xadhig iyo xadgudub aan xaq ahayn, Musuq-maasuq, Xoolo urursi iyo hantidii danta guud oo la Xaraasho, Xeerka iyo sharciga oo la dacal maro, Xukuumad iyo Xisbi aan xilkooda gudan oo intaa xumaanta uun u heellan,
Xisbi iyo xukuumad ku guul darraystay taladii iyo hoggaankii dalka, xisbi iyo xukuumad la ambaday masuuliyaddii loo igmaday, inuu haddana 7 sano ka dib yidhaahdo cod baan ka doonayaa bulshada Somaliland waa arrin gef, ceeb iyo maangadba ku ah mustaqbalka iyo aayaha dambe ee bulshada reer Somaliland.
Haddaba in mar kale la doorto Xisbi iyo Xukuumad sidaas ah, waa arrin muuqaal qaldan ka bixinaysa macnaha dawladnimo, milgaha iyo habdhaqanka ummadnimo, himilooyinka ay ummaddu hiigsanayso iyo sumcadda ay Somaliland bulshada caalamka ku leedahay.

Guntii iyo geba-gebadii Muwaadinka sharafta mudanow, ha ku abaal marin xumaanta iyo waxyeellada uu dalkeenna u geystay xisbi fadhiid ah (UDUB) oo aan lahayn gole dhexe, guddi fulineed, barnaamij siyaasadeed iyo qorshe cad oo wax qabad.
Ha ugu deeqin mar kale codkaaga xisbi (UDUB) aan u qalmin oo barnaamijkoodii siyaasadeed ku bedelay mid qabiil si la iskaga horkeeno beelaha walaalaha ah ee danta iyo dalkuba ka dhexeeyo.
Fadlan u codee Xisbiga keliya ee awoodda u leh inuu dalka ka hirgeliyo isbeddel dhab ah oo la taaban karo: Xisbiga KULMIYE. Sidaa darteed U CODEE XISBIGA KULMIYE.

Muwaadinka Sharafta leh, codkaaga oo aad siiso Xisbiga KULMIYE waxay la macno tahay adigoo:
• U codeeyey ictiraafka iyo gooni isu taagga Somaliland
• U codeeyey Xaqa iyo wanaagga
• U codeeyey Distoorka iyo Caddaaladda
• U codeeyey horumarka Dalka iyo Dimuqraadiyadda
• U codeeyey aayaha iyo mustaqbalka dambe ee da’yarta haatan dulman
• U codeeyey sumcadda, sharafta iyo isku kalsoonida shicib weynaha Somaliland
• U codeeyey difaaca Qaranka iyo sugidda nabadgelyada ummadda Somaliland
• U codeeyey u sinnaanshaha sharciga, xuquuqda iyo waajibaadka
• U codeeyey dawlad wanaagga iyo kala dambaynta
• U codeeyey xil gudashada iyo la xisaabtanka ka aad xilka u dhiibtay
• U codeeyey la dagaallanka dulmiga iyo musuq-maasaqa
• U codeeyey xaqa inta dulman ee aan lahayn cod iyo awood ay isku difaacaan
• U codeeyey sooyaalka taariikheed ee dalkaaga
• U codeeyey xuska iyo xasuusta halgankii la soo maray iyo intii naftooda u hurtay


Wa Billaahi Tawfiiq

Guul, Horumar iyo Isbeddel Khayr leh Somaliland

Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr||UK|