Guuxa
Reer Boorama Ee Ka Dhanka Ah Beelaha Dhexe Ee
Somaliland Ma Ilowsiiyey Saaxiibadoodii Xisbiga UDUB Ee ee
Beeshaasi ?

Waa shay iska caadi ah lagana
dareemo reer Boorama markastoo xukuumadda Rayaale beelaha reer
Somalilandka kale ku qabsadaan ama ku dhaliilaan wax sharci ah ama
sharcidarro ah, waana caado lagu yaqaano reer Boorama in markasatoo
xisbiyada Mucaaradka, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha kale ka
soo jeedaa cidhiidhi la geliyo kursiga madaxtooyada una arkaan in
beelaha dhexe siyaasiyiintooda iyo waxgaradkooduba hayb ahaan uga
soo horjeedaan Rayaale,
iyagoo markasta meesha ka saara in kursigan madaxtooyada Somaliland
ay Beelaha Dhexe codkooda ku geeyeen madaxweynaha haatan.
Sidoo kale ayaa reer Boorama ugu ololeeyaan colaad iyo xumaan ka
dhex dhacda reer Somaliland haddiiba loo dhawaado kursiga Rayaale,
iyagoo ku baaqa inay Somaliland qaranimadeeda baabiin doonaan haddii
beelaha dhexe ogolaan waayaan waxa Rayaale doonayo iyo waxay
doonayaan sax iyo qalad midkay doontaba ha ahaatee.
Arimahaasi iyo kuwa kale ayaad mooddaa inay mar kale ka soo
cusboonaadeen Magaalada Boorama iyo qaybo kale oo ka tirsan
deegaamada gobolka Awdal, kuwaas oo wakhtigan ka dhashay
diiwaangelintii dalka ka dhacday, shaqada serverka, iska
horimaadyada maleeshiyo beeleedka Baki iyo Gebilay, Eriga ama xil ka
qaadista Guddoomiyihii diiwaangelinta Ismaaciil Muuse oo markii
xilka laga qaaday reer Boorama qaarkood ku sheegeen waddani ay iska
Eryeen saraakiisha beelaha dhexe ee ku jira komishanka
diiwaangelinta, sababna uga dhigaya badinta Serverku badiyey tirade
dadweynaha gobolka Awdal iyo hoos u dhigidda tirade beelaha dhexe ee
Somaliland, iyadoo horena loo ogaa hadaladii uu Ismaaciil kaga
hadlay siddii Reer Burco ugu shaqaysteen tiradii badnayd ee
diiwaangelinta uga soo hoysatay gobolada dhexe, reer Booramana ula
shaqaysan waayeen hawlwadeenadii komishanka.
Markaad eegto dareenada kala duwan ee reer Boorama ka bixinayaan
afkaarta ay warbaahinta siinayaan shakhsiyaad ama siyaasiyiin ka soo
jeedda beelaha dhexe oo dareenkooda ka muujinaya natiijada Serverka
iyo arimaha siyaasadeed ee dalka ka taagan ayaad is odhanaysaa reer
Somaliland waxba kama dhexeeyaan, heshiiskii Boorama lagu gaadhay
1993-kiina malaha waa la laalay.
Dareenadan caynkan ah oo ay inta badan magaalada Boorama iyo meelo
ka tirsan gobolka Awdal ku faafiyaan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad ka
soo jeeda beelaha Makaahiil ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Rayaale
ayaan beelaha kale ee gobolkan ku nooli wax jawaab ah ka bixinin ama
aanay arimahaasi soo qaadin, kuwaas oo kala ah beelaha Maxamed Case,
H/Cafaan oo samarroon ah iyo beesha Ciise.
Markaad eegto shabakadaha ama website-yada reer Awdal maamulaan
qaarkood waxaad ogaanaysaa is Aamin la’aanta weli ka dhex jirta reer
Somaliland gaar ahaana reer Boorama aanay u aamnisanayn beelaha
dhexe, doorashadoodii Rayaale ay doorteen Madaxweynuhuna ahayd mid
ay ku khasbanaayeen maadaama ay isku dhici lahaayeen haddii ay
diidaan.
Marka laga yimaaddo arrinta serverka iyo dareenka reer Boorama ku
diiddanyihiin dhawaaqa beelaha dhexe ku doonayaan in dib loogu noqdo
Serverka ayaa dareenkaasi mid la mid ah oo ka dhashay iska
horimaadkii maleeshiyo beeleedyada waqooyiga Gebilay iyo Bariga Baki
ka dhacyey sii xoojiyey dhawaaqa durbaan kale oo reer Awdal qaarkood
ku doonayaan inaanay dalkan doorasho ka dhicin, iyagoo u haysta ama
aaminsan in haddii Rayaale kursiga laga riiixo, kurisigana uu si xaq
ah ama xaqdaro kula wareego madaxweyne ka soo jeeda beelaha dhexe ay
noqon doonto guuldaro, sidaa darteedna ay waajib tahay in la iska
celiyo cidkastoo kursiga Rayaale ku soo duusha ama soo hungureysa.
Dhinaca kale markaad eegto dareenka caynkan ah ayaa laga yaabaa inuu
reer khasaare uga soo jiido qaybo ka tirsan beelaha dhexe ee
weligoodba taageerada siin jiray xukuumadda Rayaale, kuwaas oo u
qaadan kara inaan reer Awdal abaal ugu haynin doorashadii ay Rayaale
u doorteen kursiga maanta, taasina ay keeni karto inay beelaha dhexe
dhinac iskugu baydhaan.
Waxyaalaha inta badan lagu baahiyo websiteyada reer Awdal ayaa waxay
usoo cuskadaan xisbiga Kulmiye, iyagoo u haysta in xisbiga Kulmiye
uu taageero ka helo guud ahaanba beelaha dhexe, taasina ay keentay
in xitaa masuulyiin ka tirsan xisbiga UCID oo u dhashay gobolka
Awdal ama Boorama cambaareeyaan siyaasi ka tirsan Kulmiye oo
aragtidiisa cabbiray Serverka kana dhigeen in hadalka siyaasigaasi
Kulmiye ay beelaha dhexe ka mideysan yihiin si loo yareeyo tirade
Awdalna loo casilay Ismaaciil Muuse.
Si kastaba ha ahaatee afkaarta reer Boorama ee ku dhisan
abuuritaanka cadaawad kale oo la kala dhex dhigo reer Awdal iyo
beelaha dhexe ee Somaliland waa mid guuldaro usoo jiidaysa
taageerada haybta iyo gobolaysiga ku dhisan ee reer Boorama, mana
muuqato ilaa imika cid dareenkan khasaaraha u keenaya xukuumadda ay
hoggaamiyaan ka wacyigelisa, maadaama guddoomiyihii gobolkan ee
arimahan u qaabilsanaa uu debedda ugu maqan yahay sababo caafimaad,
kuwa dalka lagaga tegey ee reer Boorama kaga jira golayaashana aad
mooddo inay badi dabada ka riixayaan ama u riyaaqsan yihiin
dareenada cadaawadda ku dhisan ee beryahan Boorama ka jira, maadaama
waxayaalaha ay ku hadlayaan ee ku saabsan dagaalada woqooyiga
Gebilay iyo Bariga iyo tan diiwaangelintuba aanay dalkan maslaxad
usoo jiidayn.
Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh
|