GUUSHA TAN YAR IYO TAN WEYNIBA WEY MACAANTAY- ICTIRAAFKU YAR
YAREYSI MA LEH

Mandaqaddan Wales iyo Galbeedka Ingland ( Wales & West) waxay u
ahayd toddobaad damaashaad. Umay kala hadhin oo khamiistii waxa
kulanku ahaa Golha Deagaanka Cardiff iyo ayaan taariikhda inoo
gashay.
Waxaan nasiib u yeeshay hawl muddo dheer aanu ku hawlanayn oo
bilaabantay xiligii aan guddoomiyha ka aha Jaaliyadda Wales oon in
ka badan 10 sano Guddoomiye u ahaa inaan goob joog u ahaado hawsha
ooy Guddoomiyha I bedelay horeyna u ahaa Guddoomiye xigeen
Cabdirahmaan Cawad iyo isla nin aan hawshan ka daalin oo weli ah
Maamulaha Jaaliyadda Cabdikarim Cabi Aadan iyo ma daalaha gacan
yaraha Ibraahim Carab iyo guddi 10 rag ah iyo 2 hablood oo isu
xilsaaray inay diiradda saaraan ictiraafka Soomaliland ee degaanka
Wales.
Kamay midho dhaliyeen haddaan bulsho weyntu ku taageerin ooyna culus
saarin mas’uuliinta Golaha degaanka. Waxa dhacdadani soo martay
maraaxil badan. Wax walba wax ka horeeya barashada iyo iib geynta
Soomaliland. Taasi waxay bilaabantay xiligii halganka SNM, oo
Cardiff ay hormood ka ahayd taakulinta qaxootigii Itoobiya u qaxay
ooy u heshay oggolaansho in ehelkooda loo keeno. Waxa barbar socday
banana baxyo iyo taageero dhaqaale ee SNM. Waana la ogaa qayladii
Siyaad Bare ee BBCda kol kuu lahaa ..Waar Cardiff ma SNM baa leh…
Buuga Mujaahidad Raaqiya Oomaar halganka ka qortay ..(A government
at war with its own people) waxuu inta badan ku salaysan yahay
qaxootigii ugu horeeyey ee Cardiff soo gaadha iyo wareysigoodii.
Kamaanu hadhin ee 1991 bilo ka dib xorreyntii dalka waxa noo yimid
wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirkii arrimaha debedda AHU Yuusuf Cali
Guray Sheekh, waxaanu ku goolaysanay in calanka Somaliland la sudho
isla guriga khamiistii aqoonsiga buuxa siiyey oo uu sudhnaa muddo
toddobaad ah.
Waxa xigtay 2006 kolkii Golaha Barlamaanka Wales la aasaasay inaan u
helno casuumad rasmi aha oo Guddoomiyha Wakiilada uu ka mid noqdo
wufuudda sida rasmiga ah Boqoradda UK ay u fidisay, isaga iyo
ku-xigeenkiisa oon ku yimid bedelka Guddoomiyaha Guurtida oo hawl
yeeshay.
Waxa xigtay inaanu 15 xildhibaan u fidino laba toddobaad ooy ku
yimaadaan UK si ay toos ugu bartaan hawlha Barlamanka UK iyo kan
Wales...
Waxa intaas socotay inaan isku hayno bulshada mucaarid iyo muxaafid
oo aniga oo Kulmiye ahaa haddana aanaan marna ka moogaan la
shaqaynta xukuumaddii Riyaale anagoo Wasiiro si is dabo joog ah u
casuumna. Waxaanu xiligaas ku guulaysanay barnaamaj qiimo weyn lahaa
oo aan laba sano socday is barasho weyna gaadhay oo ahaa Wales
Somaliland Link. Waxa aanu isku xidh u samaynay iskuulo, iyo
isbitaalo. Waxaana xigtay laba cisho oo bandhig hawleed Soomaliland
u khaas ah uu qabanqaabiyey Barlamaanka Wales oo uu furay Wasiirka
Koowaad ee Wales Rhodri Morgan.
Waxa Iyana aan la iloobi Karin sida joogtada ah ee madaxda xisbiyadu
ilaa ayaantii la sameeyey ilaa manta ay Cardiff hormood ka tahay soo
dhowyntooda iyo xafladaha xisbiyada si bulshadu ugu xidhnaato
dalkooda hooyo.
Anigoon magacaabayn ooy tiro aad u badan tahay madaxda noo timid iyo
kuwa dalkan u dhashay ee nala hawl galay, aan si gaar ah ugu mahad
naqno guddiga 15ka ah ee hawshan muddada soo socotay, iyo
mas’uuliinta Golah Deganka, Golha Barlamanka Wales iyo Barlamanka
Westminster. Jaaliyadda Reer Cardiff iyo guud ahaan Wales waan ku
faanaa waayo waa dad ayna iskaga qaldamin danta guud ee qaranka iyo
tan xisbigu. Waa duul kolkay xisbi tahayna kaalinta hore kaga jira
seddexda xisbi kolkay qaran tahayna gacmaha is qabsada oo siidhi
keliya loogu yeedho.
Waxa Iyana aan aad ugu mahadnaqayaa Bristol oo dabaal degga Cardiff
aad uga soo qayb gashay iyo si gaar ah xafladdii ay axadda noo
qabteen ee nooc ka duwan kuwii aynu naqaanay u habeeyeen. Hab heer
sare oo faa’iido badan ayey ahayd. Halka mas’uuliinta ay ka bataan
dadka soo dhaweynaaya oo khudbadaha badi qaata iyo qudbadaha oo isku
nooc noqda, waxay keeneyn in mas’uul kasta takhasuuskiisa iyo arrimo
gooni ah laga wareysto. Waxaan aad ula yaabay dhegeysiga ayna
sanqadhi baxayn muddada dheer ee xafladdu socotay. Waalow ay
su’aalaha noo jilciyeen ma laha waa bilow 00 wey noo tudheen kkkkkk,
waxaan qabaa in habkaas loo wado oo mas’uuliintu noqdaan qaar lala
xisaabtamo ooyna noqon qaar is dhegeysta ee ay noqdaan qaar la
dhegeysto waxna la weydiiyo.
Ha yareysanina guusha manta, waxa xigta waa tan barlamanka Wales oo
duba bilaabantay. Dariiqa yar kan weyn ayuu kugu ridaa, guushuna mid
yar iyo id weynba waa macaan
|