GUUSHA KULMIYE GAADHAY EE DHANKA SIYAASADA[UCID IYO UDUB OO SII
SAQIIRAYA] hanbalyo kulmiye
Siyaasada somaliland oo maraysa
meel wax la iska waydiin karo ??????????????????
Guusha xisbiga kulmiye uu u awood sheegtay labadii xisbi ee kale
ucid iyo udub ee uu meel ku tiirshaykaas oo kaga hor maray
1-- xaga siyaasada
2-- dhaqaalaha
3-- taageerada bulshada
Qodobka sadexaad ayagaa waqtiyadan danbe aan sidii hore u sumcad
badnayn waana qodobka taageerada bulshada
si kastaba ha ahaate waxa xisbiga kulmiye muujiyay guul aad u wayn
oo dhinaca siyaasada ah
waxaad kuu cad in dhawaan ay ahayd markii siyaasiyiinta ugu waawayn
xisbiga ucid lakala jabiyay ayagoo qayb ka mida xisbiga ka dhigay
mucaarad qaybtaas oo uu hogaaminaayay aadan mire waqafrag badan oo
uu ka mid yahay cabdiraxmaan dheere , maxamed siciid dheere iyo
cabdirxamaan ciro ay garab wayn siinayeen aadan mire waqaf.
DHawaaan ayay ahayd markii uu cali waran cade diiday inuu soo galo
dabinka siyaasad xisbiga kulmiye ka dib markii loo magacaabay inuu
noqdo wasiir ka mida dawlada kulmiye.
dabcan cali warancade waa ku heli lahaa jagadan magac iyo aduunba
balse sida ka muuqata maaha nin cad quudheed qaata. waxa uu ka
doortay mansabka loo magacaabay sharaftiisa isagoo ilaashada.
Ha moodin in rag wada yahay sidiisa doraad ayay ahayd markii xisbiga
kulmiye wada hadal la galaymaxamed rashiid oo ahaa gudoomiye ku
xigeenka xisbiga ucid oo loo magacaabay jago la xidhiidhawasaarada
arimaha dibada.
Maanta ayaad aragtaa xildibaan dr maxamwed duur oo markiisii hore
ahaa xisbiga udub inuu qaatay jago uu u magacaabay xisbiga kulmiye
sidaana maanta ku noqday wasiirka arimaha gudaha ee somaliland.
Waxaad xasuusan karta ugu horaynba markii xisbiga kulmiye uu jeebka
gashaday ururkii qaran ee
ex president daahir riyaale kaahin uu mamnuucay xadhigna u taxaabay
ayaa markii la soo daayay waxa la wareegay xisbiga kulmiye waxaanay
la galeen doorashadii ka bacdina waxa loo magacaabay jagooyin iyo
wasiiro maxamed cabdi gaboose wasiirka arimaha gudaha mr caydiid oo
loo magacaabay wasiir
waxa kaloo ina xaashina loo magaacabay wasiir sidaana waxa ururkii
qaran ku hantiyay xisbiga kulmiye waloow hada mr gaboose is leeyahay
is daba qabo
oo giraanta meel kale ka rog asagoo xilkii iska casilay rabana inuu
sidii rag yeeli jiray meel iska SOO SAARO!!!!!!
Guulahan xisbiga kulmiye gaadhay maaha qaar ku yimi laba cisho ama
laba sano waa horumar in badan loo hawl galay runtiina waqti badan
iyo aduun badanba loo huray, waana mid rag wax garadi isku duba
rideen well done hanbaylo ayaanu leenahay.
SHakhsiyan waxaan qabaa in loo hanbalyeeyo xisbiga kulmiye guulaha
dhanka siyaasada ee ay ka soo hooyeen dhanmaan asxaabta kale oo dhan[
ha noqon xaasidka siyaasada]
Ma dhici kartaa guulaha iyo horumarka xisbiga kulmiye in uu ina
dhaawaco?
---asxaabta kale oo burburta waxay keenaysa dhibaato wayn
xidhitaanka xafiisyada ucid ee dawladu xidhay waxay dhalin karta
sumcad xumo iyo aduunyada oo inoo aragta in laga takhalusay
tartankii dimuquraadiyada.
--- Fadhataysiga masuuliyiinta ku jira asxaabta kale ee lagu soo
xero galinaayo aduun gacanta loo galiyo ayaa ayaduna inoo keeni
karta sumcad xumo aad u wayn oo horseedi karta ayaan daro.
abuuritaanka xisbiyo cusub oo la bilaabo iyo ayadoo kuwii horena la
duminaayo ayaa noqnaysa mid caalamku u arko in xisbiga kulmiye uu
rabo INUU DUMIYO KUWII HORE qaar isaga taageersana uu dhiso.
waxaanay noqonaysaa siyaasad cusub oo loo adeegsado ku sii raaga in
kursiga mudo badan lagu sii fadhiyo waana ta maanta laga dhadhansan
karo sida wax u socda an iyo sansaanta ay leedahay maanta siyaasad
ka jirta dalka gudihiisa.
GABAGABDII
Xisbiga kulmiye ha ku dadaalo sidii xeegana xeeego u noqon lahayd
ilkona u nabad gali lahaaye en macnaheeduna yahay tartanka asxaabta
kale inaad ka adkaado ama aad ka awood badato waa mid kuu banaan
waana raganimadaada iyo is abaabulkaaga nina taa kuuma diidan [anagaa
ku leh ka adkaw oo xero hadhuudhlaha raaci].
balse inaad asxaabtii hore dumiso oo aad qaar ku raacsan oo cusub
dhisto taasi waxay khal kh al galinaysaa amaanka iyo nabada waxay
dhaawacaysaa sumcada iyo qadarinta caalamku inoo hayo waxay keeni
karta in la is aamini waayo. waxa ila quman inaad shaxda quruxda
badan ee aad wadaan inaad wadada ku hagaajisaaan oo aydaan xuduuda
ka bixin meel fiican ayaa xadhi ga ka garaacaysaan ee hadaa ka
badbadisaan oo sidii maalintii dhawayd ee aad magacawdeen mayorka
gabiley aad xaalada ku wadaan markaa sheekadu way xumaanaysaa. waayo
mayorka dawladi ma soo doorato ee waxa keena golaha degaanka.
Mar kale waxaan leeyahay xisbiga kulmiye hanbalyo guula aad gaadheen
waxa kaloo asagana aan si gaara u hanbalyaynayaa siyaasiga cali
waran cade oo ah shakhsiyad la tilmaami karo
udub iyo ucid waxaan leeyahay wayska xaal aduun aduun kkkkkkkkkkkk
heesta khadra daahir ku raaxaysa
wabilaahi tawfiiq
Siciid Cabdi Dheen
dhee2011@hotmail.co.uk |
|