Guulaha Iyo Gobanimada Habarjeclo Gaadhsiisay Geedi Socodka Citiraaf Raadinta Soomaliland Q.aa1?

 

 


Bowdada nin ay kaga dhacday iyo boqonta mooyaane
Nin naftiisa biime u geshiyo bohol xun mooyaane
gobanimo bilaash laguma helo ban iska taal-taal
Barqo weerar dhacay geelashoo bookha laga qaaday
Nimankii ba’naantiyo arkaa baadha diriteeda basarkii
qureeshtiyo sidii Beder ku faaloo

*****
Burmadkiyo lalabahaanu nahay buur la hoos galo’e
Waxaa biligu naga taagan yahay maalintii belo’
Bulbulow libaax iyo dhurwaa kala buruud roone
waxaan nahay rag lagau beegi jiray boqol ninkoodii…”



Abwaankii waynaa Maxamed Nuur Fadal AHUN

 



Maanta waxaan si kooban u qaadaadhigayaa guulaha iyo gobanimada Beesha Habarjeclo g aadhsiisay geyigeena Soomaliland intii ay beeshu hogaanka dalka qabatay, horayso iyo da nbayso.

Marka laga soo bilaabo 1984 markii la doortay Mujaahid Mudane Axmed Maxamed Maxamu u d ( SILAANYO) Waxaa dabada isku hayey guulo lagu  keenay karti wadaniyad iyo hagras ho la’aan ay ku dhaahan tahay Dal jacayl. Waxaa guulahaas ugu horeeyey maalintii lagu w areejiyey xilkii URURKII DHAQDHAQAAQA SOOMAALIYEED EE SNM, oo ay xilalka uga horeeye en seddex gudoomiye isla markaasna 3daa gudoomiye midna aanu keenin wax la taaban ka ro oo markaas u horseeda guul ururkii halganka waday.

Balse markii loo dhaariyey xilkii gudoomiyenimo Mujaahid Siilanyo wuxuu markii ba kasbaday quluubtii iyo kalsoonidii intii badayd caalamka isagoo markii ba Siyaad Barre iyo Dowladiisii calaamkii taageerada dhaqaale siin jiray ka so xidhay. Wuxuu kale oo SNM markiiba ka mas axay Magac iyo sumcad dil ay Dowladii Siyaad Barre Dunida ku dewersan jirtay oo ahayd in SNM tahay urur argagixiso, Wuxuu Mujaahid Siilanyo ku guulaystay in uu caalamka ka dhaa dhiciyo in SNM tahay URUR GOBANIMO doon ah, waxaana loo aqoonsaday urur gobonimo do on ah mucaawimooyin iyo kaalmo militery-na markiiba waa loo ogolaaday.


Taas waxaa dhinac socotay taageeradii iyo is garab taagii Mujaahid Siilaanyo beeshiisu la d aba taagnayd, halka seddexdii gudoomiye ee hore midna aannu taageero iyo taakulayn bu uran ka haysan beeshiisa. Waana ta u sahashay Siilaanyo in uu ku dhiirado oo jiidho marin kasta oo cidhiidhyoon iyo mus kasta oo miino ku aasan tahay. Waxaa Habarjeclo hogaanka SNM haysay 7dii sanno ee halganku ugu adkaa waxaannay ka degtay iyaddoo la baryayo o o la leeyahay Siilaanyow SNM kaa danbayn maysee xilka hay, balse Beesha Habarjeclo wax ay go’aan ku gaadhay in Siilaanyo xilka ka dego maadaama dagaalka intiisii badnayd ay suk e iyo madi ku ahayd beesha habarjeclo. Taas xaqiijinteeda haddii loo baahdo waxaad ka heli kartaan Waraysiga uu 1998 kii Magaalada Addis ababa ku bixiyey Cabdicasiis Cali Barre oo ahaa Siyaad Barre Inaadeer isla markaana ahaa idmanihii Goboladii Waqooyi ee Siyaad Barr e oo sheegay in marka uu Degaan Habarjeclo dagaal ku qaadayo uu Askarta qori caaradii b aabuurta ku saari jiray maalinta degaan aan habarjecli degin lagu duulayona qosol iyo saca b ayay baabuurta ku kori jireen ayuu yidhi Cabddicasiis Cali Barre


Intaas haddaan halgankii iyo Horumarkii Habarjeclo soo hoysey kaga tagno bal aan eegno imikana markii Axmed Maxamed Siilaanyo uu hogaanka iyo haaneedka u qabtay mar kale dalka Soomaaliland. 2010 kii ayuu Madaxwayne Siilaanyo mar kale mayalka u qabtay dal iyo dad uu hore guulo ugu soo hooyey, siddii caadada u ahayd wuxuu dardar geliyey dedaalk iisii lagu yaqaanay oo dhinac walba lahaa. Maanta se waxaan ka hadlaynaa guulaha citiraaf raadinta iyo halka uu gaadhsiiyeen Madaxwaynaha JSL Md Siilaanyo Iyo Beeshiisu.

1- Madaxwaynaha Siilaanyo wuxuu guushii ugu horaysey hantay maalintii uu Caalamka yee lsiiyey ee xaqiiqda aan indhaha laga qarsan karin tusay ee beesha caalamku garwaaqsatay in Soomaaliland iyo Soomaaliya loo wada hadlo ama Sidii lixdankii lagu midoobay laysu hor fadhiisto waxay ahayd guushii ugu horaysey ee Soomaaliland intii ay jirtay haleesho.


2- Guushii labaad ee Qaranka Soomaaliland gaadho waxay ahayd markii Muwaadiniin Beesh a Madaxwaynaha ka soo jeedaa ay Golaha degaanka ee magaalada Sheffield ka ololeeyeen ee ay ka dhaadhiciyeen in ay Soomaaliland citraafaan waanay ku guulaysteen calanka Soo maaliland waxaa laga taagay Xarunta golaha degaanka Magaalada sheffield markii ugu hor aysey.


3- Guushii seddexaad waxay ahayd markii Mujaahidiin u dhashay Beesha Habarjeclo ay sid doo kale Magaalada Cardiff golaheeda degaanka ku garbiyeen in ay go’aan ka qaataan gee di socodka Citiraafka Soomaaliland siddaana lagu gudoonsaday in garoonka golaha degaan ka Cardiff lagu gelbiyo aqoonsiga Soomaliland.


4- Markii afraad Xaafada Towerhamlet ee Bariga magaalada London oo Beesha Habarjeclo 95% degan tahay ayay ogolaysiiyeen in ay Sidii Cardiff iyo sheffield shaaca ka qaadaan og olaanshaha Soomaaliland ee dal ahaaneed waxaana Xaafada Habarjecladu London ka dega n tahay xalay looga dabaaldegay Citiraafkii Soomaaliland.

Su’aasha keliya ee aan dadka waydiinayaa waxay tahay meeyey Soomaalilanderkii kale ee dalka wax ku lahaa mise waxay ka dhigan yihiin Waraabihii dhasha ahaa ee yidhi Hooyaday hadday bakhtidana hilibkeeda ayaan cunayaa hadday nooshahayna caanaheeda ayaan jaq ayaa!!!


Waxaan ku soo gebagebaynayaa qormadan caawa;

 

 

Haddii gabay billado leeyihiyo baawar lagu faanno
Baxsow ina Caraby baa habeen kaa ilaah baraye
Berina hala aasee nin ragga baqaskii waa ceeb

 

 



La soco Q2aad iyo Waxqabadka Habarjeclo iyo Madaxwaynaha Soomaliland Mudane Siilaanyo.

 

 

 

Eng. Haajira Muuse Cali
haajiramuuse@gmail.com