Guryaha intaan daadku iman ba la sii moosa, madaxweyne wa ad ogeyd in
Unta iyo caalamku ba cadaadis weyn ina saari doono ee maxad uga sii
gaashaman weydey
Ila intii aynu ka gawsadegney shirkii somalida qaadhanka loogu
ururineyay ee dawlada Ingirisk u gadhwadeenka ka aheyd.Waxa jirey
guux badan oo isaso tarey oo sheegaya inu cadaadis ba dani inagu soo
fooleeyahay kuwaaso aney dawladeenu runtii kasii gaashaaman oo ad
moodey so ba in ay iska indho tireysay dhibaatooyinkaasi inaguso
socda.
Waxaase maanta bilaabey oo runtii socon doona sida ila badani
tibaaxeyaan cadaadis caalami ah, maanta wa hawadii oo la ina hoos
geeyo Mogadisho iyo dawlada Xassan Sh, Beritoole na waxa iman doonta
hadii an laga hawlgalin dayuuradaha dalkeena iman doona oo
ruqsadooda la yidhaahdo Xamar kaso qaata, saandabe na waxa iman
doonta isgaadhsiinta oo Xamar laga kantroolo hadii an laga hawlgalin
mana filayo in maamulkeenu maanta waxbadan ka ogyahay cadaadiska
inagu soo socda ee caalamku dawladnimadeena ku laciifineyo hadii an
loo midoobin ama meel looga so wada jeedin, haddaa iyadoo arimaheenu
halka mareyaan aya ah wax lala yaabo madaxweynaheyna maruu maanta la
hadlay ardeyda jaamacadaha waxa ka mid aheyd khubadiisi caalamku wuu
inala macaamila si toos ah taaso runtii xaqiiqda ka fog.
Runtii wuxu wali ka dhacsan yahay madaxweynaheenu xaqiiqda eynu
kusugan nahay, maanta wa maalin uu caalamku taageero iyo gacan ba
siineyo dawlada somaliya si ay inoo hoos geeya an.. Xaaladaha noocaas
ah haddii an loo midoobin oo an waxbadan laga qaban xaaladaheenu wa
bariga dhexe..
Waxa iyana nasiib daro ah oo wax laga xumaado ah sida badheedhka ah
ee rasaasta loogu fur eyo shacabka somaliland ee mudahrada
cabashooyinka ah dhigaya.. Dawladeenu mudadii sade xda sanadood aheyd
ee ay midida daabkeeda heysa waxay xal u aragtey oo ay caadeysatey
in ay ciidamada amar kusiiso in xabada la rido oo shacabka lagu furo,
waxa xusuus mudan dhacd adii Axmed Dhagax, dadkii an waxba galabsan
ee lagu weerarey Saylac, mudahradkii Boorama ee rasaasta lala dhacay
shacabkii, ciidamadii loo adegsaday xaafadda boqol iyo kontonka ee
sida badheedhka ah loogu furay iyo tan shalay ka dhacday magaalada
Burco ee sida badheed hka ah loogu furey rasaasata, ila haddan la
garan la' yahay cid so amartey ciidanka shacabko odii xabada ku
fureya, waxaan aad ula yaabey marka u yidhi Badhasaabkii wax war ah
uma ha yo cida amarkan soo siisay askartan, ee haddan Maayarkii oo ag
fadhiya isna sida si leeg kaga dhawaajiyay wa nasiib daro ciidan an
la garaneyn cid so amartey oo shacabkeeni xasuuqaya..
Runtii waxakaloo iyan nasiib daro aheyd dhacdadii foosha xumeyd ee
maalintii dhaweyto lagu so weerarey wargeyska Hubaal iyo gudoomiyaha
wargeyska taaso lagu qabtey goobtaasi as kar dawlada ka tirsan oo ka
mid aha askartii weerarka axmaqnimada leh kuso qaadey xarunta
wargeyska iyo maamulaha wargeyska mudane Calooley.. laba tirin karo
dhibaatooyinka dalkee na maanta ka jira dibad iyo guda ba waase wax
an loo dulqaadan karin marna ba.
Waxan kuso gabagabeynaya qoraalkeygan heestii aheyd ISMA OG QALKII
BEY GO'LEYSA.. wali waxaynu ku naalooneyna caalamka nala macaamila
iwm .. waxan shacabka u sheegaya in anu jirin wali caalam inoo
hagarbaxey o sidii aynu dooneyneyn inoola macaamila iska da ictraafo,
maamulkeenu wali wuxu shacabka ku maaweelineya DHULKEENA NICMAA FADH
FADHIDA iwm.
Guul baan inoo rajeynaya inshalle in ay somaliland ku waarto iyo
nabad iyo barwaaqo.. dhibaatooyinka socodana ilaahey ina baal mariyo
.
Omar Darood Hassan
Norway
|