Gudoomiyihii Qurbajooga Yurub ee Is-Casilay Abdiraxman Ubaxle oo Markii ugu Horaysay jawaab ka bixiyey Cod siyada Jaaliyaduhu ku dalbanayaan inuu ka noqdo Iscasilaadiisa,,,

 


ASCW.

Salaanta islaamka ee xushmada iyo ixtiraamka xambaarsan ayaan ku salamayaa dhamaan umada Muslimiinta gaar ahaan Muwaadiniinta reer Somaliland meel ay joogaanba, salaanta as xushmada xambaarsan ka bacdi waxaan halkan jawaab kooban ugu soo gudbinyaa Jaali yadaha Somaliland ee reer Yurub, Saxaafada Somaliland Iyo Madaxda Xisbiyada Qaranka Somaliland oo dhamaantood siyabo kala duwan iila soo xidhiidhay ka dib intii aan ka fadhiis tay xilkii Hogaanka Jaaliyadaha Yurub.

Ku:Jaaliyadaha iyo Shakhsiyaadka muhiimka ah eer Reer Somaliland.

Ugu horayn waxaan aad ugu mahadnaqayaa Jaaliyadaha reer Somaliland ee degan wadam ada Yurub oo aanu si wanaagsan oo isku duubnaan ah uga wada shaqaynay horumarka da lka Somaliland iyo sare u qaadida qadiyada gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland iyadoo masuul kastaa uu halkiisa xil isku saaray kaalinta uu wax ka qaban karona aan hagraneyn, waxaan kaloo aad ugu mahadnaqayaa aqoonyahankii iyo wax garadkii aan waxba iga hagr an inay ila dhisaan wada jirka jaaliyadaha Somaliland mahadnaqaas ka bacdi waxaan ka ra ali gelinayaa inaan xilkii ka fadhiistay anigoo aan wada tashi badan la samayn balse aan xal u arkay sida aan yeelay ka dib markaan u baqay in wax badani dhexdeena ku lumaan maad aama oo ay shakhsiyaad caadaystay inay lugooyo kula dhex jiraan shacabka Somaliland ay ka waantoobi waayeen ilaalinta hanaanka dawladnimo iyo nidaamka wada shaqayneed ee u dhexeeya Jaaliyadaha iyo Xukuumada iyagoo had iyo jeer si nidaam daro ah u barbar ya aca Xukuumada iskuna gudba oo kala fogeeya Xukuumada iyo jaaliyadaha.

Hadaba walaayaal aniga oo ixtiraamaya Qiimaha ay Jaaliyadaha Somaliland ugu jiraan dalk ooda isla markaana ka marag kacaya intii aan hogaanka u hayey in ay qurbajoogu wax we yn qaban karaan marka cududooda iyo caqligoodu midaysanyahay, anigoo ixtiraamaya cod siyadii iiga yimi jaaliyadaha Somaliland ee Degan wadamada Yurub iyo wax garadkii iga co dsay inaan ka noqdo is-casilaadan waxaan idiin balan qaadayaa inaan heegan u ahaanayo qadiyada Somaliland iyo wadajirkeena iyo wax wada qabsigeenaba anigoo idinkana idinka codsanaya inaad ilaalisaan wada jirkiina iskuna duubnaataan, balse waxaan xiligan ka cud ur daaranayaa inaan xilka ku soo noqdo ilaa inta nidaamka wada shaqayneed saxmayo.


Ku: Madaxda Xisbiyada qaranka Mucaaradka ee ila soo xidhiidhay.

Aniga oo og in mucaaradnimada iyo muxaafdnimaduba tahay dimoqraadiyada aynu qaada nay isla markaana aynu ka midaysanahay horusocodka iyo horumarinta dalkeena si anynu caalamka ula jaanqaadno wax kasta oo wax duminayaana ay ka reebantahay muwaadinka dhabta ah ee u tudhaya dalkiisa iyo dadkiisa qadiyada horumarka dalkiisana ka daacada ah i, aniga oo aqoonsan jiritaanak Xisbiyada Mucaaridka ah ee Wadani & Ucidba inay wixii ay qalooc u arkaan toosiyaana ku garab taagan balse aan marna ku raacsanayn inay dhaliil a an jirin mala awaalaan shacabkana marin habaabiyaan si khalkhal u abuurmo wax qabadkii xukuumaduna uu ku mashquulo dejinta shacab, waxaan u cadaynayaa madaxda labada xis bi mucaarad ee qaarkood ila soo xidhiidheen in aan ka tirsanahay Xisbiga Kulmiye oo aan si cad ugu shaqeeyo mabaadiida iyo siyaasada xisbiga Kulmiye.

Ku: Saxaafad Madaxa banaan ee Somaliland ee ila soo xidhaadhay.

Walaalyaal waxaan idiinka mahadnaqayaa xidhiidhka ay saxaafada qaarkood ila soo samay say intii aan xilka ka fadhiistay ka bacdi iyagoo iga dalbaday waraysiyo aan ka siiyo sababt a aan xilka uga fadhiistay iyo waxa ka khaldan xukuumada,, aniga oo u aqoonsan saxaafad u inay tahay kaalin muhiima shacabkana u baahisa wixii ka qarsoon ee lagu dulmayo anigoo u arka in la,aantood shacabku noqon lahaa kuwo la adeegsado balse aan waxba la socon, anigoo si cad uga soo horjeeda saxaafada buunbuunisa waxaan jirin marar badana sababt a khasaaro dhimasho leh, anigoo ka soo horjeeda saxaafada aan ixtiraamin jirtaanka qaran ka Somaliland ee wararka u baahiya sida cadowga ku mashquulsan duminteena, waxan ma anta halkan idiinku cadaynayaa inaan xilkaas uga fadhiistay nidaam daro ay sababeen sha khsiyaad aan xukuumada ka tirsanayni balse aan si weyn u taageersanahay xukuumada So maliland horumarka ay gaadhsiisay Jamhuuriyada Somaliland mudadii labada sano ahayd s idaa darteed waxaan diyaar u ahay waraysi kasta oo wax u taray horumarka dalkayga bal se aan mooral jebinayn shacabka Somaliland sida ay caadaysteen masuuliyiinta xilka ka degaa.
 

 

 


Somaliland Guul iyo Horumar
Dr. Abdirahman Ali Ubaxle