Gud. Hore ee Jaaliyada Somaliland oo ku Biiray Xisbiga UDUB, Si Weyna u Dhaliilay Xisbiga KULMIYE

 

Gudoomiyihii Hore ee Jaaliyada Ingiriiska Somaliland Maxamed Axmed Xirsi ayaa si ba’an u weeraray kuna tilmaamay mid dalka khalkhal galinaysa arrinta uu dhawaan xisbiga Kulmiye sheegay in hadii ay ku guulaystaan talada dalka ay samayn doonaan Raysal Wasaare,
isagoo ku tilmaamay mid ka soo horjeeda sharciga iyo dastuurka dalka u yaala, waxaana uu sheegay in markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay ay isku dayday in qaab Raysal wasaare la sameeyo laakiin uu khalkhal ka dhashay ta uu xisbiga Kulmiye ku socdaana ay tahay taas.

Maxamed Axmed oo ah Gudoomiyihii hore Jaaliyada Somaliland ee dalka Ingiriiska ayaa sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hotel Imperial, waxaana uu hadalkiisii ku bilaabay “Horta hadii qofku u soo fadhiisto inuu hadlo wax khayr ku jiro ayuu dadka u tilmaamayaa ama wax belo ku jirto ayaa ka digayaa, maantana waxaan doonayaa inaan dadka uga digo wixii shacbiga dhibaato ku ah”.

Maxamed Axmed Xirsi isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Halista ugu badan ee maanta Somaliland haysataa maaha wax dibeda ka yimid ee waa iyada gudaheeda, oo ah caqli xumaanta xisbiyada mucaaradk ah sababtoo ah marka xisbiyo la sameeyo, xisbiga dawlada hadii dadkuba ka qancaan in ay helaan mid kale oo badali kara ujeedada loo samaystayna taa weeye, sidaa daraadeed xisbiyadan mucaaradka ahi may noqon kuwo macquul ah oo bedali kara dawlada maanta taagan wax kastaba halagu dhaliilee ta ugu waynina waxa weeye waxay doonaan haka hadlaane, intay doonaan ha caytamaane ama ha hanjabaane, waxay isku raaceen oo ay yidhaahdeen waxaanu samayn doonaa Raysal Wasaare ayay soo qaadeen, qodobka ugu halista badanina waa taa. Afrika wadan Alle wadan lagu shaqeeyay ma jiro sababtoo ah way ku baa’ba een Soomaaliyadiina habkaasaa la qaatay oo waatii shaqayn wayday”. Maxamed isagoo ka hadlaya in markii Somaliland la soo galay laysku dayay in la sameeyo Raysal Wasaare laakiin uu dalka khalkhal galin gaadhay waxa uu yidhi:

“Inagu dhexdeena markaynu isku soo noqono dhawr jeer baa la soo dhigay badka in Raysal Wasaare la sameeyo, markii inoogu horaysay waxay ahayd shirkii Burco ee 1991, markii dalka SNM soo gashay oo ay dadku faraxsan yihiin ayaa shirkii Burco lagu qabtay la keenay Rayigaa Raysal wasaare-nimada in la sameeyo oo xukunkii ayaa laysku qabsaday markaa Madaxweynaha waxaa loo doortay Alle ha u naxariistee C/raxmaan Tuur,Iyo Xasan Ciise Jaamac oo madaxweyne ku xigeen ahaa ayaa halkii loo dhaqaaqi lahaa aaya ka talinteena iyo sidii aynu u soo guri lahayn qaxoontigeena jooga Daroor iyo Dulcad oo ahayd waliba markii aynu ku dhawaaqnay gooni isu taaga Somaliland ayaa laysku qabsaday Burco dhexdeeda Raysal wasaare hala sameeyo iyo yaan la samaynin, kooxdaa maanta Kulmiye dhex fadhida ee arinkaa ku dhawaaqdayna waxaan leeyahay mashaakilkii ka dhacay waad ogaydeen waana laga yimid lagumana qancin in dawaladaa halkaa laga dhiso markaa waxa uu C/raxmaan Tuur sameeyay dawlad isku dhaf ah oo ay dhibaatooyin badani ka dhasheen oo uu Burco dagaal ka dhacay Berbera dagaal ka dhacay, ilaa markii danbe laysula kacay Boorama oo xitaa halkaa lagu soo hadal qaaday oo cod loo qaaday oo la diiday, maanta ayaynu hadana maqlaynaa dhawr iyo toban sanadood dabadeed wadanku Raysal wasaare ha yeesho iyo nidaam”Maxamed isagoo hadalkiisii wata waxa uu yidhi “Waxaan qabaa anigu xisbiyada Mucaaradka ah gaar ahaan Kulmiye in aanay ujeedadiisu ahayn sidaasaanu samaynaynaa waxay ogyihiin in aanay doorashada helayn ay wadamada caalamka maqashiiyaan iyo deeq bixiyayaasha waxaanu dhisaynaa dawlada wadaag ah, taasina waxay keenaysaa in wadanku khalkhal galo oo ay taladu inaga wareegto oo gacanta ka baxdo, saddexda xisbi dastuurka waxa ugu qoran hal dheeri ninkii helaa madaxweyne noqonaya markaa taa hala raaco”.

Ugu danbaytiina waxaa halkaasi lagu waydiiyay su’aalo waxayna u dhaceen sidan:

S: Hadii laga helo xisbiga talada haya ee UDUB oo uu qabsado Kulmiye ama UCID ma waxaad leedahay waynu baa’ba aynaa oo waxaynu noqonaynaa sida Soomaaliya?

J: nimanka yidhi Raysal Wasaare ayaan samaynaynaa oo dastuurka ayaanu bedelaynaa oo aanu kala daadinaynaa sida Empegathi ayay inagu wadaan markaa waxaan leeyahay kii idiin fiicnaada doorta ee aan wax dhibaato ah idiin keenayn

S: dadka ma waxaad ku guubaabinaysaa Daahir Rayaale iyo Xisbigiisa ayaa si fiican dalka u haga sida aragtidaada ah ee ugu celiye?

J: Xisbiga UDUB wuxuu dhaamaa hindisaha la soo dhigay ee la soo wado

S: Axmed waxaad sheegtay in qaabkan Raysal wasaaraha ah uu dalka carqalad galinayo, xisbiguna islamuu soo qaadin shirarkiisii uu qabsaday ee waa soo jeedin markaa maxaad u leedahay dalka ayuu carqalad galinayaa miyaanuu xisbigu soo jeedinta xaq u lahayn?

J: horta xisbigu wuxuu doono ayuu soo bandhigi karaa, aniguna waxaan naqdiyaa uun soo jeedintooda, laakiina arintooda ayaa u muuqata mid aan sharci ku socon oo dastuurka dadka ku socon.

S: Axmed waxaad ka mid ahayd siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye, imika shirkaagan Jaraa’id waxaad aad ugu dufaacaysaa Xisbiga UDUB, ma waxaad u jeedaa waxaan ku biiray xisbiga UDUB?

J: haa xisbiga UDUB ayaan ku biiray, laakiin markii hore Kulmiyaan ahaa.

 

 

 

 


 Saxansaxo news