Gudoomiyhii komishanka qaran iyo xubno
kale oo is casilay

 


 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Gudoomiyihii komishanka  doorashooy inka qaranka Somaliland Md. Jaamac Maxamed Cumar (Sweden), oo ay  weheli yaan saddex xubnood oo kale oo ka mid ah xubnaha komishanka qaranka ayaa  maa nta magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay in ay xilkii ummadda ay u  hay een  is ka casileen. Jaamac Sweden waxa uu iscasilaadooda ku macneeyay in aan  kom ishanka qaranku noqon doonin mid joogitaankiisu dib u dhac ku  kee no  dooras h ooyin dalka, sidaa daraadeedna ay iyagoo fududeynaya  hirgalin ta heshiiskii saddexda xisbi ay go'aan ku gaadheen in ay xilka ku wareejin  doo naan marka komishan cusub dalka loo soo magacaabo.

Gudoomiyihu waxa kale oo raalligalin ka bixiyay wixii khalada ee dhacay intii ay xilka hayeen. Jaamac Sweden waxa uu carabka ku adkeeyay sida loogu  baah an yahay in dib loogu noqdo natiijada diiwaangalinta oo uu sheegay in khalad  bad ani ku jiro sixid u baahan. Waxaanu ku nuuxnuuxsaday sida ay lagama  maarma an u tahay in la saxo iyadoo hareeraha laga wada taagan yahay.

Waxaanu  ku la taliyay xisbiyada qaranka gaar ahaan labada xisbi ee  mucaa ridka ahi in ay aanay ku halayn shisheeye liiska diiwaangalinta iyo sixidiisa ee ay lagama  maa rmaan tahay in si wadajir ah looga wada tashado loona xaliyo.

Gabi ahaanba xubnihii komishanka ayaa jagaooyinkoodii u baneeyay  komishan ka cusub ee la soo magacaabi doono marka laga reebo Cali Maxamed Cabadale( Biikalo) oo ah xubinta xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye uu hore ugu soo magacaabay komishanka.

Dhinaca kale iscasilaadoodani waxay soo dedejin doontaa hirgalinta heshiiskii lixda lixda qoddob ka koobnaa ay wada galeen saddexda xisbi qaran. Haddaba bal la arki doonaa golayaasha qaranka iyo xisbiyada mucaaridka ahi cida ay ku soo magacaabaan komishanka qaranka, taasi oo saamayn weyn ku yeelan   do onta sidii dalka looga hirgalin lahaa doorashooyin xor ah oo xalaal ah.



 


Source:Jamhuuriya Online