Gudoomiye Faysal Cali sababta madar madaxda UCID iyo taage e rayaashooda loogu diiday wa hinaase ka dhashey guushi u soo hooyay xisbiga UCID ee ka qeyb galay shirkii Turkiga ka dhacay ee axsaabta caalamku ku kulmeen.

 



Anigoo ku hadalaya magaceyga o ah Cumar Daarood Xassan islamarkan ah gudoomiyaha xisbiga Ucid laamaha Iskandavika waxanu madax iyo taageerayaal ba halkan ka cambaareynayna falkii foosha xuma islamarkan anshax siyaasad ka aradan e lagula dhaqmay madaxdii xisbiga UCID iyo Taageerayaashi so dhaweynayay gudoomiye Faysal Ali Hussein runtii dhacdadani waxay markhaati ka tahey marxalada adag iyo siyaasad xumada uu dalkeenu kusugan yahay, waxad mooda in shuruucdii wadanka iyo xishmadii madaxda labada ba la rabo in la tirtiro. Wa habdhaqan xun oo an abid inoo soo marin madar madaxdii qaranka la yidhaahdo laguso dhaweyn maayo wa talaabooyinkii digtaarnimada iyo maamulkii DUURJOOGTA.

Gudoomiye Faysal Cali Xussein wa siyaasigii dagaaladii sokeeye kula dagaalamay madarka Hargeysa maleesheydii heysatey ee laha wa in la qarameyaa Madar, nasiib daro maantana waata la yidhi laguguma so dhaweyn karo madarka Hargeysa, Wasiirka amarkan bixiya xilligaasi u Gudoomiye Faysal laha ha la qarameeyo wasiir Mohamoud Xaashi maleeysiyooyinka hubka sita ee Burco iyo Bari ka dagaalamayay bu aha, maanta wa ka ku amar ku taaleynaya Madarkii Hargeysa ee cida u doonan uso daaynayo ciduu doona u diidaya, markhaati beenale markhatigiisu fogeyaye waati bil ka hor madar laguso dhaweynayay xildhiibaan ka tirsan dawlada Xassan Sh oo waliba u dhashey dalkan JSL runtii wa ayaan daro in sidaasi foosha xun loola dhaqmo madaxdii xisbiyada qaran.. Dhacdadni waxay ka turjumeysa aqoon darida iyo sida u maamulku uga aradan yahay siyaasada iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.

Waad la socotan guusha iyo magaca ay kaso hooyeen shirkii Turkiga ee ay ka qeyb galeen, marxaladii lagusoo dhaweyay iyo sida muuqaalkoodu aha iyo baraxda quruxda badan ee laguso dhaweyay, sidaan aaminsanahay duurjoogtu waxay marwalba ka sasaan oo aney jecleyn guulaha xisbiyada mucaaridku soo hooyan - Sababta loogu diiday in la soo dhaweyno macno hinaase iyo guushaasi oo laga xumaaday wa intaasu sababkale ma jirto iyo walba aqoon daro.

Waxanu qoraalkeygan ku cambaareynayna mar kale dhacdadaasi foosha xun ee gudoomiye Faysal loo diiday in ay madaxdii xisbiga iyo taageerayaashoodi iyo walba ehelkiisa loogu diiday madarka Hargeysa in ay kuso dhaweeyaan wa nasiib daro.

Waxanu taageersan nahay oo anu soo dhaweynayna si kal iyo laabaha dooda qaran waxanu baraarujineyna xusbiyada mucaaridku in ay sida ugu dhakhso ah badan usoo qabtan DOODI QARAN taaso waxbadan lagaga wada hadali doono oo ay tana ka mid noqon doonto.

Guul baanu u rajeynaynaa somaliland ilaaheyn ha inaga samatasaaro dhibaatooyinkan maalin ba maalinta ka danbeysa inaguso kordheysa.
 

 


Omar Darood Hassan
Gud. Iskaandivka ee UCID